Weftigii Murashax Cirro oo Si Cajiiba Looggu Soo Dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo+ Nuxurka Khudbad Cirro uu Halkaas uga Jeediyey Boqolaal Dadweyne ah

0
Monday August 14, 2017 - 00:50:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Murashax Cirro oo Si Cajiiba Looggu Soo Dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo+ Nuxurka Khudbad Cirro uu Halkaas uga Jeediyey Boqolaal Dadweyne ah

    Ceerigaabo(Xogreebnews):-Weftigii uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI ee muddooyinkii dambe socdaalka la xidhiidha wacyi-gelinta qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada ugu maqnaa goballada Sool iyo Sanaag, ayaa galabta si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ceerigaabo(Xogreebnews):-Weftigii uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI ee muddooyinkii dambe socdaalka la xidhiidha wacyi-gelinta qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada ugu maqnaa goballada Sool iyo Sanaag, ayaa galabta si si cajiiba oo aan hore loo arag looggu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag.

Ceerigaabo(Xogreebnews):-Weftigii uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI ee muddooyinkii dambe socdaalka la xidhiidha wacyi-gelinta qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada ugu maqnaa goballada Sool iyo Sanaag, ayaa galabta si si cajiiba oo aan hore loo arag looggu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag.

Weftigan oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa waxa duleedka koonfureed ee magaalada Ceerigaabo kaga hor yimi dadweyne aad u tira badan oo iskugu jiray odey dhaqameedyo, cuqaal, wax-garad, siyaasiyiin, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo taageerayaal baaxad weyn oo aad u tira badan.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxamaan Cirro oo ka dib soo dhaweyntaas la hadlay dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn ugu mahad-celinayo guud ahaan taageerayaasha baaxadda weyn ee sida aadka ah u soo dhaweeyey, waxaana uu cod dheer ku sheegay in uu qirsan yahay in reer Ceerigaabo ay guud ahaan ba taageersan yihiin Xisbiga WADDANI, waxaana ay u dhigneyd khudbaddaasi sidan:-

Maanta olole umaanan iman, waxa aan maanta u imi in aan idin kala qeyb-galo qaadashada kaadhadhka codbixinta Doorashada, waxa aanu ugu baaqeynaa dhammaan ba shacabka gobalka Sanaag, gaar ahaan caasimadda Ceerigaabo in ay qaataan kaadhadhka codbixinta Doorashada, kaadhadhka codbixinta Doorashadu waxa ay innoo lee yihiin muhiimad aad u weyn, waa fursad la siiyey shacabka Somaliland oo aan maalin walba joogin, waa fursad ina soo mareysa tobankii sanno ba mar, waxa aynu u baahan nahay in aynaan fursaddaas iska dayacin, fursaddaasi na waxa weeye in la ina siiyey in fursad aynu wax ku doorano oo Madaxweyne ku doorano Madaxweyne kale na ku bedalno. waxa aynu bedalaynaa KULMIYE, waxa aynu dooraneynaa WADDANI.

Waxa aynu dooraneynaa isbedalka, waxa aynu dooraneynaa cadaaladda, waxa aynu dooraneynaa horumarka, waxa aynu dooraneynaa ilaalinta hantida qaranka, waxa aynu dooraneynaa shaqo abuurka, waxa aynu dooraneynaa nabad-gelyada,waxaynu dooraneynaa in aynu wada dhisano qaran loo siman yahay oo la wada lee yahay.

Walaaleyaal, waxa aan halkan tacsi uga dirayaa qoyskii uu ka baxay Marxuumkii ku geeriyooday socdaalkii hore ee weftiga WADDANI, waxa aan lee yahay isaga na Alle naxariistiisii jannatul Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo.

Walaaleyaal waxa innoo balan ah in aynu isbedalka isku taageerno, waxaanan u mahad-celinayaa dhammaan ba shacbiga oo aan islee yahay 90% ama 100% waxa ay taageersan yihiin Xisbiga WADDANI.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured