Akhri qormo xiiso badan 10ka masuul ee ugu musuqmaasuqa badan somaliland W/Q Mustafe axmed maxamed Geedi

0
Sunday August 13, 2017 - 16:02:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri qormo xiiso badan 10ka masuul ee ugu musuqmaasuqa badan somaliland W/Q Mustafe axmed maxamed Geedi

    10ka masuul ee ugu musuqmasuqa badan xukumada somaliland qoralkan waxaynu diirada ku saari donaa dulmiyada iyo dhibta ay masuliyiin xilal kahaya dalka ay kula kaceen qaranka. waxaynu qalinka ku qori donaa 10ka masuul ee ugu musuqa badan dalka uma eeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

10ka masuul ee ugu musuqmasuqa badan xukumada somaliland qoralkan waxaynu diirada ku saari donaa dulmiyada iyo dhibta ay masuliyiin xilal kahaya dalka ay kula kaceen qaranka. waxaynu qalinka ku qori donaa 10ka masuul ee ugu musuqa badan dalka uma eegayno qabiilka ay ka dhasheen iyo haybtooda blse waxaynu si cadalada ugu eegi dona wixii ay qaldeen intii ay xilalka qaranka ay hayeen

10ka masuul ee ugu musuqmasuqa badan xukumada somaliland qoralkan waxaynu diirada ku saari donaa dulmiyada iyo dhibta ay masuliyiin xilal kahaya dalka ay kula kaceen qaranka. waxaynu qalinka ku qori donaa 10ka masuul ee ugu musuqa badan dalka uma eegayno qabiilka ay ka dhasheen iyo haybtooda blse waxaynu si cadalada ugu eegi dona wixii ay qaldeen intii ay xilalka qaranka ay hayeen

wa maxay musuqmasuq// musuqmasuq maaha dhaca hanti qaran oo kaliya lkn wa isdabamarin kasta oo sharci


sida sharciga oo lagu tunto ,hanti umadeed oo la leexsado,shaqaale dawladeed oo hayb qabiil lagu qoro iwm

xukumada madaxwayne axmed maxmed maxmuud silanyo tan iyo markii ay
dhalatay badhtamihii 2010kii waxa dalka ka dhacay musuqmasuqii ugu waynaa ee tariikhda Somaliland
kasi oo ay Ku kaceen masuliyiin ka tirsan xukumada Somaliland inkasto dhamaan xafiisyada dawlada u Ku baahay musuqmasuqu hadana waxaynu halkan kusoo qadan donaa kuwooda sida wayn looga dareemay bulshada dhexdeeda kaasi oo ay Ku kaceen masuliyiin ka baxay xukumada iyo kuwo ka tirsan isla xukumada haatan jirta

waxan halkan kusoo qadan donaa 10ka masuul ee ugu musuq maasuqa badanaa xukumada somaliland

marwosamsam cabdi aaden wasiirka wasarada maliyada

marwo aamin maxmuud jirde marwada kowaad ee dalka

maxmuudxashi cabdi wasiirka madaxtoyda Somaliland

baashecawil cumar safiirka Somaliland ee imaradka carbta

wasiirkamacdanta iyo tamarta Xuseen cabdi ducaale

wasiirkiihore ee madaxtoyada xirsi Cali xaji xasan

#wasiirkii hore ee maliyada c/casiis maxmed samaale
wasiirka hawlaha guud Cali xasan marexaan
wasiirka warfaafinta c/lahi cisman saxrdiid
wasiirka waxbrashada Somaliland c/lahi Ibrahim habane

10 masuul waxay bulshada dhexdeeda looga aqoonsaday masuliyiinta ugu musuqmasuq badnayd Somaliland ama xidigii musuqmasuqa

hadii aad su,aal hordhigto bulsho kulantay oo aad waydiiso ,sheeg masuliyiinta ugu musuqmasuqa badan dalka waxa hubaal ah in qofkasta uu LA iman doono dhamaan masuliyiintan

taasi waxay marag cad u tahay dhibta iyo afaada ay masuuliytani ka gaysteen dalkeena hooyo

mashriicda sida tooska loo masumasuqay wax ka mid ah

1-mashruuca shidaal badhista iyo macdanta ee dalka laga sameeyay

2-lacag gaadhaysa 10milyan oo laga ururiyay ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo loogu magac daray kasoo kabshada abaaraha taasi oo aan lagarnaynin meel ay jaan iyo cidhi dhigtay
3-dib_udhiska madaarada hargysa iyo berbara
4-masharuuca dib udhiska dekada ee shirkada DBworld oo la musumasuqay lacagihii xaqul qalinka ahaa
5-waxa is daba_Marin sharci oo lagu sameyay masharicdan iyado lacago badan lagu bixiyay sidii golaha wakiiladu ay u ansixinlahyeen mashariic ay danaynayeen masuliyiintani
6-mashruuca wadada ceerigaabo oo lacago badan lagu musuqmasuqay
7-scholarship ay wasarada waxbarshadu musumasuqday

qaran kasta oo dunida kamid ahi oo hurumar iyo barwaaqo gaadhay wuxuu ka badbaday afaada musuq ,taasi ayaa surta gal ka dhigtay hurumarka ay gadheen dawlado dunida kamid ahi

umada reer somaliland in badan oo kamid ahi waxay difacaan dadka dalka ka gaystay musuqmasuqa sababo la xidhiidha qabiilka ay kasoo jedaan musuliyintu

masuliyiinta laftigooda ayaa ka gubta eedaha ay usoo jeediyaan qayb kamida bulshadu iyago xabsiga dhiga dadka runta ka sheega dulmiga ay ka gaysteen xafiisyada dawlda

halka ay qaybo kale ku naas-nujiyaan lacago si ay uga difacaan eedaha losoo jeediyo dadkaas waxa qayb ka ah saxfiyiin qoraalo amaan iyo difaaca isugu jira ka diyaariya musuliyintaas


sababta ugu wayn ee surtagalisay in wasiir wax isdabo mariyo wa dhowr qodob

1-hantidhawrka guud oo aan shaqaynin iyo la xisabtan la,aan
2-wasiirka oo hantida badan ee uu dhacayo ku difacanaya kursigiisa isago raba inuu hanti ku kasbado bulshada ku mucaridka ah
3-bulshada laftigeeda ayaa difaacda masuliyiinta wax musuqmasuqay iyado bulshada dhexdeeda laga odhanayo hebel meshaas waxba kama shaqaysan iwm ,oo micnaheedu yahay waxba kamuu qadan iyada oo looga dhigayo dhaliil

gabegabo
bulshada somaliland waxa lagu mashquliyay siyasad iyo arimo qabiil dhamaan bulshadii waxay ku mashquleen arimo qabiil oo ay ku difacayaan dad hantida umada boobay iyagoo ku difaacaya hayb iyo qabiil

siyasigu qabiil mayaqaan ee,wa danayste kan ay isku reerka yihiin ee magaca ku difacaya waxba kuma qabo isaguna awrkiisa ayuu ku kacsanayaa

waxa muhiim ah in qaranku yeesho isla-xisaabtan hadii kale sidan waxaynu ku dhacaynaa hog-madoow oo aan lagaso noqonaynin
masuliyiintan waxaynu si nasteexo leh ugu sheegaynaa inay iska soo celiyaan hantida ay umadu leedahay waxa leh agoon,iyo dad danyar ah hadii kale waxay ka go,antahay ubadkiina iyo guryihiina hadii aad isdaba qabanwaydaan

musuqmasuqa ay dalka ka gaysteen wuxu leeyahay markhti cad ,malin walba waxd arkaysaa 10 gaadhi oo wasiir hebel ku bixiyay bil gudaheeda
mushaharka wasiirka wa layaqaan, xataa hadii uu 5bilood isu-gaadho suurta gal maha inuu bill gudaheed ku bixin karo 20 gadhi oo midkiiba yahay 20kun oo dollar ah

masuliyantan uma eegin qabiilka ay ka dhasheen iyo haybtooda blse waxan soo uruuriyay xogta bulshada iyo xaqiiqoyin cad oo dhacay

qormada tan ku xigta waxaynu ku eegi donaa 10 masuul ee ugu musuqmasuqa yar somaliland

wa bilahi tawfiiq
mustafe axmed maxmed geedi
mustafe179@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured