Wasiir Cali Mareexaan Waa Halyay jawaabtii Faysal Qore khadar Ibrahim

0
Sunday August 13, 2017 - 15:48:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cali Mareexaan Waa Halyay jawaabtii Faysal Qore khadar Ibrahim

    waxaan shaki ku jirin layskuna khilaafi karin inay daacada iyo kartidu ay u tahay dhagaxa u asaaska ah ama tiir dhexaadka wax waloo la qabto ama hawl waloo biniaadamku u dhaqaaqo, labadaasna hadii laga waayo howl loo dhaqaaqo mid qaran ama mid gaarab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaan shaki ku jirin layskuna khilaafi karin inay daacada iyo kartidu ay u tahay dhagaxa u asaaska ah ama tiir dhexaadka wax waloo la qabto ama hawl waloo biniaadamku u dhaqaaqo, labadaasna hadii laga waayo howl loo dhaqaaqo mid qaran ama mid gaaraba, midha badani kama dhashaan,waxaa soo raaca aqoonta ,planka iyo kudhaca ama ku dhiiriga,lakiin intaa hadaanad ka daacad ahayn waxbadani kuuma qabsoomayaan.

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland. Waxa lala yaabo hadaladii shalay ka soo baxay mulkiilaha xisbiga Ucid faysal Cali Waraabe oo ku gafayay wasiiriinta waxqabadka leh ee muuqda waa wax lagu qoslo runti !! laakin faysal lala mayaabayo waayo waa nin waligii iska hadli jiray, Mulkilaha ucid ee faysal oo ah nin siyaasi isu haysta, laakin ah nin ku ceebaysan bulshadda somaliland dhexdeeda oo lagu tilmaamo siyaasi go’an aan lehayen oo mar walba isbedela!, wuxu noqday nin mar walba taagan TV yada oo hadal naxli iyo xaasidnimo iyo xuman xambarasan shuba, wuxuu ku gafay wasiirka hawlaha guud mudane cali xasan maxamed (cali mareexaan ) oo runti aanu faysal gaadhayn siyaasigaas, hadalka faysalnaa waa mid aan siyaasadd ku salaysnayn waa mid xaasidnimo ah.hadaba waxaanu barayna faysal wuxuu yahay Cali oo bulshaduuna ku ogtahay.



waxaan shaki ku jirin layskuna khilaafi karin inay daacada iyo kartidu ay u tahay dhagaxa u asaaska ah ama tiir dhexaadka wax waloo la qabto ama hawl waloo biniaadamku u dhaqaaqo, labadaasna hadii laga waayo howl loo dhaqaaqo mid qaran ama mid gaaraba, midha badani kama dhashaan,waxaa soo raaca aqoonta ,planka iyo kudhaca ama ku dhiiriga,lakiin intaa hadaanad ka daacad ahayn waxbadani kuuma qabsoomayaan.

hadaba masuuliyada aad qaranka u qabataa hadaanad daacad ka noqon oo dadaal gelin masuuliyadaa laguu igmaday midha sidaad uga dhalisaa way kugu adkaanaysaa,qaranka howshaad u qabataa marka hore waa mid aad eebahaa raali kaaga noqonayo bulshaduna kaaga marag kacayso markaad si daacada ugu shaqayso.

waxaan intaa uga socdaa xukuumadeena maanta ka talisa ee xisbiga Kulmiye waxaa ka soo mudhay shakhsiyaad runtii ka tilmaaman masuuliinta kalee xukuumada fartana lagu fiiqo haday noqoto wasiir ama mid ka sii hooseeyaba waa wasiirka hawlaha guud Md.mudane cali xasan maxamed (cali mareexaan ),, ilaahay haka jasaa mariyo una fududiyo shaqada umada u hayo.

runtii waxaa wax lagu farxo ah markaad aragto shakhsi mas’uula oo qarankan howl u haya weliba mid culus sida wasaarada hawlaha guud oo aynu wada garankarno culayskay leedahay ,hadana markuu masuulkaasi ka soo dhalaalo shaqadiisa waa mid farxad dheeraad ku gelinaysa taas waxaa u raacad markaad aragto daacadnimada iyo kartida ka muuqata waa mid kaloo farxad dheeraada kugu abuuraysa iyo kalsooni.

runtii waxaynu dareemi karnaa farqiga u dhaxeeya masuuliintii uga horeyay wasir CALI soo maray WASAARADDAN farqiga u dhaxeeya waxqabad muuqda,waa mid u baahan kudhac siyaasadeed,waxaynu aragnay sida uu u xaliyo khilaafadka dalka mar mar soo waajaha oo runti isagoo door weyn ka ciyaaray xalidooda, waa nin codkara ,hadal yaqaana ,aqoonyahana,ixtiraama qaderiyana bulshadiisa qaybaheeda kala duwan haday noqoto oday dhaqameedada,dhalinyaro haween,waa shakhsi dareema dadka danyarta ah ,waa shakhsi u tudha bulshadiisa kuna takrifalin awoodiisa,waa shakhsi ay jecelyihiin shaqaalihiisu iyo qaybaha kala duwan ,waa shakhsi jecel inuu wax waloo u fududeeya ciidanka amaanka howlahooda u hirgeliya xita.

lagama yaabo inaynu isku khilaafayno wasir cali marexaan waxqabadkiisa iyo kartidiisa, daacdnimadiisa iyo shakhsigiisaba waa shakhsi ka madhan qabyaalada iyo ku dhaqankeeda ,waa shakhsi jecel inuu sinaan iyo cadaalad wax ugu qabto umadiisa Somaliland,bal eeg wadooyiinka ka socda dhismahooda bari iyo galbeedba .

waxaan ku soo gabagabaynaya runtii waa mid waajib aan u arkay in kelmed wanaagsan aan ka idhaahdo shakhsi ku tilmaaman waxqabad iyo siirad wacan, ilaahay hala garab galo wasiirmudane cali xasan maxamed (cali mareexaan )hawshiisa qaran, waxaan leeyahay inta joogta wadanka shacab in la garab istaagno wasiir cali guulaha u uu wado qaranka,waaanu ku garab taaganahay wasir hadalka faysalna waa macruuf nin marfuuc u qalamka maxa laga maqli ! .

Saadaashu waa khayr khayr khayr


Qore khadar Ibrahim


Khadar338@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured