Faysal Cali Waraabe Musharrax Maha ee Baashe Cali Jaamacow Haku Karaama'seegin. "Ninka duhur dharaareed, Durbaan dhagaxa Xaajow, Tuntayee dabaal-degay, Miyuu duni ogsoonyahay?.". W/Q Farxan Guuled Warsame.

0
Saturday August 12, 2017 - 20:06:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Musharrax Maha ee Baashe Cali Jaamacow Haku Karaama'seegin. "Ninka duhur dharaareed, Durbaan dhagaxa Xaajow, Tuntayee dabaal-degay, Miyuu duni ogsoonyahay?.". W/Q Farxan Guuled Warsame.

    Faysal Cali Waraabe Musharrax Maha ee Baashe Cali Jaamacow Haku Karaama'seegin. "Ninka duhur dharaareed, Durbaan dhagaxa Xaajow, Tuntayee dabaal-degay, Miyuu duni ogsoonyahay?.". W/Q Farxan Guuled Warsame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe Musharrax Maha ee Baashe Cali Jaamacow Haku Karaama'seegin. "Ninka duhur dharaareed, Durbaan dhagaxa Xaajow, Tuntayee dabaal-degay, Miyuu duni ogsoonyahay?.". W/Q Farxan Guuled Warsame.
Ilama ahaa inuu Baashe Cali Jaamac qaadanay Xilka madhan ee waxba yahayda ah ee la sheegayo inuu Faysal Cali Waraabe u magacaabay.
Hadiise uu aqbalo xilka waraabe u Taaga ah ee cidlada ah ee Cid waliba diiday, Baashe Cali Jaamac, wuxuu noqon doonaa shaqsi karaamadiisi iyo higsigiisi siyaasadeed god madow ku riday.
Ma jiro Xisbi la yidhahdo Ucid oo Maanta dhisan, waxanaynu ognahay halkii ay martay, kaddib markii ninkii labada jeer dhacay uu burburriyey, maanta qofka Laba jirka ah ayaa xata og inaanu Ucid ahayn Xisbi,balse uu yahay Engo ama bashaar uu Faysal leeyahay. Isla markaana qof walba wuu og yahay inaanu musharrax Faysal ahayn, ee u iska ciyaarayo.
Faysal wuu ogyahay inaanu musharrax ahayn cid walibana way ogtahay. 
Laakin waxan la yaabanay qofka darajo ka suggaya Faysal Cali Waraabe, waxanan ku tilmaami karaa qofkastaa oo Faysal Cali Waraabe wax waydiinaya  mid ku jira Maansadii Doqon Dila ee u tiriyey aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, kaasoo ahaa Ninkii Loo Inqilaabay ma gudbe Faysal Cali Waraabe, waxa ku jiray tuducyadan soo socda. 
Ninka duhur dharaareed,
Durbaan dhagaxa Xaajow,
Tuntayee dabaal-degay,
Miyuu duni ogsoonyahay?
 
Digdigtiisa Faqatiir,
Waa dabeecadiise,
Dad u jiibinaayan,
Dar Alle la yaabnahay,
Waa dabuub rag hore yidhi,
Waa mahadho duug weyn,
Waxaan uga dan leeyahay,
Iyo duurxulkeeduna,
Waa ujeedo daalacan,
In sujuuddu diin iyo,
Iimaan dillo u tahay,
Daacadi ku ladhan tahay,
Dadoow haw malaynina,
Awrkuba dawaad weyn,
Dacalladda qadaadkiyo,
Dusha wuu ku leeyahay.
La soco qaybaha dambe.
farxangul123@gmail.com
Farxan Guuled Warsame 
Hargeysa/ Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured