Kaftan maanta: Wadani Miyuusiga u daaran maalmahan. By baaska

0
Saturday August 12, 2017 - 17:47:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftan maanta: Wadani Miyuusiga u daaran maalmahan. By baaska

    Bah-waynta WADANI waxaa u daaran , Marka doontu degayso , dadka saaran dusheeda , naxdin waa isla darsaan , naxdin waa isla darsaan '' .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bah-waynta WADANI waxaa u daaran , Marka doontu degayso , dadka saaran dusheeda , naxdin waa isla darsaan , naxdin waa isla darsaan '' .
Madaxda Xisbiga wadani , marka ayaamahan la eego wacyiga ay ku sugan yihiin iyo waayahooda siyaasadeed ee sidda uur ku baalaha looga bogto , waxaa kuu soo baxaysa in mid waliba hees gaari u baxayso oo uu la haysto codkeeda .
1- Gudoomiyaha Xisbiga wadani wuxuu la haystaa oo dhagaysanayaa heestii odhan jirtay ‘’ Waa sallow kalgacalkuye , webi ma ila saratagay , waan sahashanaayee , ma sabaano badan baan saadaal ku noolaa ‘’ seerbiya ku noolaa dalka annan laba socon.
2- Gudoomiye xigeenka 1aad , isna wuxuu la haystaa heestii odhan jirtay ‘’ Ma hayo , mana sugaayo , iimana maqna ‘’
Ciro hadii uu waayana cidla ayaan ku dhacayaa
3- Gudoomiye xigeenka labaad isna wuxuu la haystaa ‘’ Hadaan jiidha kaco , oon jarmaad indhaa , bada jeexa wayn miyaan jiidhayaa ‘’
4- Gudoomiye xigeenka 3aad isna wuxuu qaadayaa ‘’ Allahayoow dad ma aqaan , allahayoow dal ma aqaan , qori daad wadeen ee , dawyo ha iga raaridin .


5- Gudoomiye xigeenka 4 aad , ahna Musharaxa Madaxwayne xigeenku wuxuu la haystaa ‘’ Caashaqu beliyo khayr , midkuu doono ha I baddo ‘’ .
6- Xoghayaha Guud ,isna wuxuu la haystaa heestii odhan jirtay ‘’ Nin daar ku jiraa daruur ma arkee , ilayn xalay roobku wuu da’ay. Goormuu dadku i qaadi
7- Afhayeenka Xisbiga Wadani , isna wuxuu la haystaa ‘’Awood baan jirin xagaygoo , afkiibaa juuqda gabay. Xaajigii reerka u weynaa iyo jabhadbay helay weyn cakuse yeyga cesha. Dheeg baa caasha i saaray
8- Gudoomiyaha Golaha dhexe isna wuxuu qaadayaa ‘’ Bal nasiib daraantay , Daruurtuba dhankaan marro , kuma soo da’ayso ‘’ .
9- Xoog. isna wuxuu la haystaa heestii odhan jirtay ‘’ Cashaar baa la ii dhigay , aan ku cibra qaatee , walee ciidan kuma taro ‘’ .
10- Xamarji. waxaa u ishidan ‘’ Anba dhamay qadhaadhkee ,waa inaad dhadhamisaa ‘’ .
11- DUUR isna wuxuu la haystaa ‘’ Nin jacayl daldalay dadka miyuu maqlaa , wadka oon I dilin waanan dayn karayn ‘’ .
12-GABOOSE .wuxuu dhagaysanayaa , ‘’ Hadaan dhagahaba furaysto , dhulkayga hilin fadhiisto , jacaylkaba faraha ka qaado ‘’ .
13- WAABEEYO. seedna wuxuu dhagaysanayaaa ‘’ Gudhanaa ayaamuhu kana sawkan gaagaxay’’
14- ISMAIL BUUBAA wuxuu qaadayaa ‘’ Ana dhaawacaygii , jacayl dhidibka aastaan , la dheel dheeliyaaye’’ .
15- SALACALEE. waxaa u baxaysa ‘’ Jacaylkii ma waydayn wadiiqaa I lumisee , wacadkiina maan furin hadana tallo wareegtee , waayo aragnimo la’aaney ba ‘’ .
16- INA QABILE. wuxuu qaadayaa ‘’ Yey iyo Yaxaas wadda yeedhayaan ka dhex yuubanoo ,sheekh qabow , dhaxan yilixlebaan ka dhex heesayaa ‘’ .
Bah-waynta WADANI waxaa u daaran , Marka doontu degayso , dadka saaran dusheeda , naxdin waa isla darsaan , naxdin waa isla darsaan ‘’ .
WAXAY KALOO LEE YIHIIN
waxa sidatan ii galay kursi jacaylbaa masgaxdayda galayoo goobtaa i joojee
Jahadii way naga xuntee xagee u jihaysanaa
wa bilaahi tawfiiq
By baaska


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured