Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka Kala-baydh ee Koonfurta Gobolka Sool Oo Soo Dhowayn Balaadhan Ku Qaabilay Waftiga Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Fariinta Qaadashada Kaadhka Codbixinta.

0
Friday August 11, 2017 - 23:21:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka Kala-baydh ee Koonfurta Gobolka Sool Oo Soo Dhowayn Balaadhan Ku Qaabilay Waftiga Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Fariinta Qaadashada Kaadhka Codbixinta.

    Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka Kala-baydh ee Koonfurta Gobolka Sool Oo Soo Dhowayn Balaadhan Ku Qaabilay Waftiga Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Fariinta Qaadashada Kaadhka Codbixinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka Kala-baydh ee Koonfurta Gobolka Sool Oo Soo Dhowayn Balaadhan Ku Qaabilay Waftiga Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Fariinta Qaadashada Kaadhka Codbixinta.
kala-baydh(Xogreebnews)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne, ayaa si ballaadhan maanta loogu soo dhaweeyey degmada Kala-baydh ee gobolka Sool oo ay hawlo la xidhiidha wacyigelinta kaadh qaadashada kusoo mareen.
Weftigan oo ay xubno ka yihiin wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale, ayaa waxa goob magaalada ka baxsan kaga hor yimi kumanaan kamid ah dadweynaha ku dhaqan degmada Kala-baydh, kuwaas oo lulayey caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE.


Murrashax Muuse Biixi iyo weftiga, ayaa socod dheer kusoo maray gudaha magaalada Kala-baydh, waxana loo galbiyey madal loogu talo galay inay shacabka kala hadlaan.
Siyaasiyiin, xildhibaanno, maamulka gobolka Sool iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka degmada Kala-baydh uga mahadnaqay soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen. Haldoorka, cuqaasha, waxgaradka iyo xubno kale oo kasoo jeeda deegaanka kala-baydh oo hadallo kooban jeediyey, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa uga mahadnaqay booqashadooda, iyaga oo si weyn u ammaanay waxqabadka xukuumadda KULMIYE halkaas ka hirgelisay.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa dadweynaha degmada Kala-baydh ku bogaadiyey soo dhaweyntooda, waxana uu ku dheeraaday kaalinta lama ilaawaanka ah ee haldoorka deegaanku ku lahaayeen qaranka Somaliland.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo isagu guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminayo casuumad hadhimo-dharafeed ah ku maamuusay, ayaa isaguna shacabka degmada Kala-baydh ku adkeeyey inay qaataan kaadhadhkooda codbixinta.
Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing, crowd and weddingImage may contain: 17 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, crowd, sky and outdoorImage may contain: 4 people, people sitting and outdoor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured