Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Maxamed Cilmi Xuseen oo Musuq-maasuqay Mashaaric Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) ugu Talo-galeen in Laga Hirgeliyo deegaamo badan Iyo Qorshe uu ku Faddeexadeynaayo Wasiirka Madaxtooyaddu inuu u Quudhi-waayey in Magaalada Ceerigaabo laga furo xaunta Beeyadda oo u Burco Furay…

0
Friday August 11, 2017 - 02:20:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Maxamed Cilmi Xuseen oo Musuq-maasuqay Mashaaric Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) ugu Talo-galeen in Laga Hirgeliyo deegaamo badan Iyo Qorshe uu ku Faddeexadeynaayo Wasiirka Madaxtooyaddu inuu u Quudhi-waayey in Magaalada Ceerigaabo laga furo xaunta Beeyadda oo u Burco Furay…

    Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Maxamed Cilmi Xuseen oo Musuq-maasuqay Mashaaric Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) ugu Talo-galeen in Laga Hirgeliyo deegaamo badan Iyo Qorshe uu ku Faddeexadeynaayo Wasiirka Madaxtooyaddu inuu u Quudhi-waayey i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Maxamed Cilmi Xuseen oo Musuq-maasuqay Mashaaric Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) ugu Talo-galeen in Laga Hirgeliyo deegaamo badan Iyo Qorshe uu ku Faddeexadeynaayo Wasiirka Madaxtooyaddu inuu u Quudhi-waayey in Magaalada Ceerigaabo laga furo xaunta Beeyadda oo u Burco Furay…

Hargeysa(Xogreebnews)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deeganka Somaliland Md. Maxamed Cilmi Xuseen, ayaa faraha kula jira Fadeexad iyo musuq-maasuq. Kaddib markii uu afka u dhigtay Mashaaricd tiro badan oo Wasaaradda Deegaanka ka heshay Maalgelintiisa Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF/Somaliland Development Fund). Sidoo kale, Agaasmiha ayaa la sheegay inuu door-lexaad leh ku leeyahay muranka iyo ismaan-dhaafka cirka isku shareeray ee Wakaaladda Beeyadda oo xarunteeda guud laga sameeyey Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Warar Xog-ogaal ah oo ay heshay Shabakadda Warbaahinta Xogreebnews, ayaa daaha ka fayday inuu Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland Md. Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno) uu samaystay ENGO-yo qaatay fulinta Mashaaric badan oo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF/Somaliland Development Fund) ugu deeqday Wasaraadda deegaanka, isla markaana loogu talo-galay in laga hirgeliyo Bananka, Bookhyada iyo weliba Dooxyada dalka uu jeebka ku shebtay dakhli lagu qiyaasay 1-hal Milyan iyo Badh.

Xoggaha la helay ayaa intaa raaciyey inaan haba-yaraatee, dhaqaalihii World Bank-ku siiyey Wasaaradda Deegaanka, isla markaana loogu talo-galay fulinta Mashaaricdaas, aanay waxba ka fulin, hase-yeeshee taas bedelkeeda dakhligii ay si wada jir ah u kala qaybsadeen masuuliyiinta ugu sarraysaa Wasaaradda Deeganka, kuwasoo waxyar oo far-guud kood ah u qoondeeyey Mashaaricda in lagu mashqiciyo, hase-ahaatee uu Agaasimaha guud mar labaad jeebka ku shubtay,waxana kamid ahaa meelaha mashaarcida uu ku qaatay Agaasimuhuu Dooxa Debis, Arabsiyo, Oodweyne iyo Diinqal. Waxa kaloo ay xoggaha laga helay ilo ku dhow-dhow Wasaaradda Deegaanku intaa raaciyeen inuu Agaasimaha guud si badheedh ah oo aan gabasho lahayn ugu tagri falay dakhli Miisaaniyadeedka Wasaaradda Deegaanka, isla markaana uu si badheedh ah musuq-maasuqay, dhismayaal loogu daray.

Geesta kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland Md. Waxa uu kaalin-weyn ku leeyahay muranka ka dhex-taagan Beeyada, waxanu agaasimimuhuu si toos ah todobaadyadii u dambeeyey tiraba dhowr jeer usoo abaabulay ashkhaas badan oo kasoo horjeeda xarunta Wakaaladda Beeradda oo laga hirgeliyey Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Waxanu Agaasime Maxamed Cilmi Xuseen dadka kasoo horjeeda usoo laqimayey am aka dhaadhiciyey inuu ka dambeeyey Wasiirka Madaxtooyaddu Md. Maxamuud Xaashi in xarunta wakaaladda laga furo Magaaladda Burco, arrintaasoo agaasimuhu u arko dagaal uu Maxamuud Xaashi kula jiro Gobolka Sanaag. Muranka iyo khilaafka Wakaaladda Beeyadda, Agaasimuhuu waxa uu kooxaha kasoo horjeeda in laga furo Burco uu kulamo kula yeeshay Magaaladda Hargeysa, isagoo ganacsatada Beeyadda ku war-geliyey inay dagaal ka gaalan tallaabooyin uu sheegay inuu kula dagaalamaayo Wasiirka Madaxtooyaddu.

Si kastaba ha ahaatee, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka, ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo uu ku boobaayo hantida Umadda, sidoo kalena waxa uu bilaabay dagaal hor-leh oo ka dhan ah Xukuumadda uu ka tirsan yahay, isagoo kula shaqaynaaya qorshe laba wajiileyn ah… la soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured