Weftigii Uu Hoggaaminayey Murrashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo Si Aan Kala Hadh-lahayn Loogu Soo Dhaweeyey Magaaladda Laas-caanood

0
Wednesday August 09, 2017 - 20:02:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Uu Hoggaaminayey Murrashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo Si Aan Kala Hadh-lahayn Loogu Soo Dhaweeyey Magaaladda Laas-caanood

    Weftigii Uu Hoggaaminayey Murrashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo Si Aan Kala Hadh-lahayn Loogu Soo Dhaweeyey Magaaladda Laas-caanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftigii Uu Hoggaaminayey Murrashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo Si Aan Kala Hadh-lahayn Loogu Soo Dhaweeyey Magaaladda Laas-caanood
Laascaanood(Xogreebnews)- Weftigii Uu Hoggaaminayey Murrashaxa Xisbiga Kulmiye Oo Si Aan Kala Hadhlahayn Loogu Soo Dhaweeyey Magaaladda Laas-caanood.
Murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweyn ballaadhan oo aan loo kala hadhin loogu sameeyey Gobolka Sool Gaar Ahaan Magaaladda Laascaanood iyo deegaanno hoos yimaadda maanta.
Dadweynaha Magaaladda ayaa iyaga oo aan kala hadhin si niyad ah waddooyinka dhinaca galbeed kasoo gala magaalada Laascaanood ugu soo dhaweeyey murrashax Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno, garaaddo, salaadiin, haween iyo dhallinyaro, kuwaas oo safar ujeeddadiisu tahay ku wacyigelinta bulshada ee qaadashada kaadhadhka u joogo deegaanno bariga dalka Somaliland ah.
Guddoomiyaha iyo weftigiisa, ayaa dadweynaha Magaaladda Laac-caanood kala hadlay barxad aqalka madaxtooyadda Gobolka waxana ay ku adkeeyeen inay xil weyn iska saaraan qaadashada kaadhadhka codbixinta oo dhawaan ka bilaabmaya gobollada Sool iyo Sanaag, iyaga oo sidoo kale ka mahadceliyey soo dhaweynta milgaha leh ee ay ku qaabileen.


Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo xubno haldoorka bulshada deegaankaas ah, ayaa hormood u ahaa soo dhaweynta guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxana uu bulshada deegaanka ugu baaqay inay si habsami leh u qaataan kaadhadhka codbxinta.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo madasha fagaaraha oo la hadlay dadweynah Magaaladda Laascaanood ayaa umahadnaq ballaadhan u jeediyey dadweynaha, waxana uu ku boorriyey inay qaadashada kaadhadhka codbixinta iska xilsaaraan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured