"..Shacabka Reer Kenya oo Maanta Galay Doorashadii Ugu Cabsida Iyo Walaaca Badnayd". Xoghayaha Xisbiga Waddani Ee Africada Bari Abdirashid Haibe Abdi

0
Wednesday August 09, 2017 - 01:19:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Shacabka Reer Kenya oo Maanta Galay Doorashadii Ugu Cabsida Iyo Walaaca Badnayd". Xoghayaha Xisbiga Waddani Ee Africada Bari Abdirashid Haibe Abdi

    Siddeedan Musharax ee Nasiibka U hellay in ay Noqdaan Musharaxiinta,ayaa ay Ka Mid yihiin Labada Musharax ee ugu Miisaanka iyo Sanqadha Badan Doorashadan,waxana ay Kala yihiin Madaxwayne UHURU KENYATTA iyo Hogaamiyaha Mucaaridka Xoogan ee isbahaysta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siddeedan Musharax ee Nasiibka U hellay in ay Noqdaan Musharaxiinta,ayaa ay Ka Mid yihiin Labada Musharax ee ugu Miisaanka iyo Sanqadha Badan Doorashadan,waxana ay Kala yihiin Madaxwayne UHURU KENYATTA iyo Hogaamiyaha Mucaaridka Xoogan ee isbahaystay,RAILA ODINGA ...
Siddeed Musharax Ayaa Ubaratamaaya in Midkastaaba Noqdo Madaxwaynaha Kenya Ka Dib Doorashada Guud ee 8 August 2017.

Siddeedan Musharax Ee Wadda LAB ka ah ayaa ka mid ahaa 13 Aqoonyahan,oo isku diyaarinaayey Musharaxnimo in ay u gudbaan,balse nasiib daro 5 Ka mid ahi Waa ay buuxin waayeen Shuruudihii Gudiga Maddaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Kenya.....


Siddeedan Musharax ee Nasiibka U hellay in ay
Noqdaan Musharaxiinta,ayaa ay Ka Mid yihiin Labada Musharax ee ugu Miisaanka iyo Sanqadha Badan Doorashadan,waxana ay Kala yihiin Madaxwayne UHURU KENYATTA iyo Hogaamiyaha Mucaaridka Xoogan ee isbahaystay,RAILA ODINGA ...

Labadan Musharax Ayaa Maddaxyada isku Hirdiyi doona ,sidoo kalena Sii Hurin doona Hollaca ololaha Doorasho .

Musharaxiinta Kale ee Sida Madaxa Banaan U Tartami Doona Waxa ay Kala Yihiin Sida Tan .
1.MohamedAbduba Dida
2.John Ekuru
3.Shakhalaga Khwa
4.Jophet Kavinga
5.Machael Wainain iyo
6.Joseph William ......

#UHURU #KENYATTA

Waa 55 Jir Ka tartamaaya Xisbiga Talada Haya ee JUBILE,Waxa uu Hido siyaasadeed Ka Wattaa Aabihii KENYATTA oo ahaa Madaxwaynihii Ugu Horeeyey Dalka Kenya,waxana uu Noqday Madax Waynihii Ugu da'da Yaraa ee Soo Mara dalka KENYA Ka dib Guushii uu ka soo hooyay Doorashadii 2013.

Doorashadaasi ka hor waxa uu noqday Raisal Wasaare Ku Xigeenkii Odayga ay Siyaasada Iskaga Soo Hor Jeedan ee RAILA ODINGA, wakhtigii dowladii waddaaga ahayd ee KIBAKI .

Kool Koolin iyo Laylis siyaasadeed oo uu ka helay Madaxwaynihii aabihii LA Soo shaqeeyey ee DANIEL MOI,waxa uu garab adage oo siyaasadeed LA garab istaagay Madaxwayne Kibaaki,balse Nasiib darro waxa ay noqotay doorasho Lagu Murmay dhiig Badana Ku daatay,dad badanina Ku bara kaceen ,waxana lagu qiyaasa in ay Ku naf waayeen 1300 oo qof Halka baraka cayaashana lagu qiyaasay 600,000,
Ka dib doorashadii 2013 kii ee ay Ku guuleysteen isga iyo madaxwayne Ku xigeenkiisa WILLIAM RUTO ayaa lagu eedeeyey in ay lug wayn Ku lahaayeen khasarihii Ka dhashay Doorashadii 2007 ee Tageerayaasha Badani kaga Dhinteen Musharax Odinga ,waxana UHURU iyo Ku Xigeenkiisa WILLIAM RUTO looga yeedhay Maxkamada Caalamiga ah Ee Danbiyada (ICC),Bal se aakhirkii Waa loo waayey Cadaymo LA Xidhiidha Danbiyadaasi lagu soo oogay,Kiiskina Sidaasi ayaa uu kaga Jabay.

2001 Ka Hor intaanu Madaxwayne MOI U carbin Siyaasada,Waxa uu ahaa wiil yar oo akhlaaq iyo Xishood Badan oo uu dhalay Madaxwaynihii Kenya Ugu Horeeyey Ee JOMA KENYATTA,Sidoo kalena ka soo jeeda qoys ladan oo ganacsi badan iyo dhul badan leh.

Hadaba Madaxwayne UHURU muddo Xileedkan labaad ee uu u tartamaayo ,ujeedkeedu waxa uu Ku sheegay in uu rabo in uu dhamaystiro isbadaladii siyaasadeed iyo kuwii shaqo abuur ee uu hore gacanta uga gaystay.

UHUURU ayaa loo sadalinayaa in uu ka Guulaysto ODINGA ,Madama isaga iyo madax Wayne Ku Xigeenkiisu Ka Soo jeedan Labada Qabiil ee Ugu Tunka iyo Tamarta Badan Guud ahaan Gobolada KENYA, (KIKUYO)iyo KALENJE...

#ODINGA.

Waa 72 Jir Ka tartamaaya Xisbiga Isbahaysiga Mucaaridka ee National Super Alliance (NASA).Sidoo kale waa wiilkii uu dhalay Madaxwayne Ku Xigeenkii Ugu Horeeyay Dalka kenya JARAMOGI OGINGA ODINGA.

Maaha Markii ugu Horaysay ee Uu tartamo balse waa Mar Afaraadki,Ka Dib saddex Doorasho oo uu guul daraystay 1997,2007,Iyo 2013 Kii .

Odinga Waxa Uu ka Soo Jeeda Qabiil yar oo LA yidhaahdo LUO (JALWA),Marka Loo eego qabiil ahaan Kikuyu ha uu ka soo jeedo UHURU,Qabiilkaasi UHURU ayaa lagu eedeeya in Birta ay ka asleen Tageerayaashi ODINGA (LUO),Ka dib doorashadii 2007 Rabash Kuna ka dhashay.

ODINGA ayaa dowladii MOI kala kulmay Tacadi Iyo Jidh Dil Xabsi ,Ka Dib Markii Loo arkay in uu lidi Ku yahay dowladii xiligaasi ,Waxa 7 Bilood uu Ku jiray Xabsi Guri iyo 6Sano oo Bilaa Xukun ahaa oo uu ku jiray JEEL Kana bilaabmayey 1982 Kii ,Waxana LA sii daayey 1988,Isla Markiiba Hadana Dhowr Bilood oo Kale ayaa LA xidhay hadana waxa LA soo daayey 1989,Hadana waxa LA xidhay 1990,waxana LA sii daayey 1991Kii.ka dibna waxa uu dowlada Norway ka dalbaday Magangalyo siyaasadeed,waxana dalka uu dib ugu soo laabtay 1992,Markii LA Furay Nidaamka Axsaabta Badan ee Dalka Kenya .

ODINGA waxa uu wax barashadiisii Jamacadeed ee Mechanical Engineering ka Ku Soo Qaatay East Germeny .

ODINGA waxa uu noqday Prime Minister 2008-2013 Dowladii Wadaaga ahayd ee Kibaki .

ODINGA iyo Madaxwayne Ku Xigeenkiisu MATE STEPHEN ,Waxa ay balan Kugaleen inay soo AF jari doonaan Rajada UHURU ee Term kan Labaad inuu guulaysto .
Waxana Taageerayaashoodi Ku wargaliyeen in Sabtida soo socata waa doorashada ka dibe ay xaflada guusha Ku dhigan doonaan Guriga looga arimiyo dalka Kenya .

Xoghayaha Xisbiga Waddani Ee Africada Bari
Abdirashid Haibe Abdi

Kampala Uganda


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured