CALI GUREY vs CALI XARAARO-- CIYAAR SIYAASADEED OO XAMAASADEEDA LEH KAGA QEYB QAADO FIKIR CAAFIMAAD QABA OOY KA MADHAN TAHAY CAADIFAD...W/Q Abdi Abdilahi Ismail

0
Tuesday August 08, 2017 - 21:01:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CALI GUREY vs CALI XARAARO-- CIYAAR SIYAASADEED OO XAMAASADEEDA LEH KAGA QEYB QAADO FIKIR CAAFIMAAD QABA OOY KA MADHAN TAHAY CAADIFAD...W/Q Abdi Abdilahi Ismail

    CALI GUREY vs CALI XARAARO-- CIYAAR SIYAASADEED OO XAMAASADEEDA LEH KAGA QEYB QAADO FIKIR CAAFIMAAD QABA OOY KA MADHAN TAHAY CAADIFAD...W/Q Abdi Abdilahi Ismail

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CALI GUREY vs CALI XARAARO-- CIYAAR SIYAASADEED OO XAMAASADEEDA LEH KAGA QEYB QAADO FIKIR CAAFIMAAD QABA OOY KA MADHAN TAHAY CAADIFAD...W/Q Abdi Abdilahi Ismail
Ali Gurey VS Cali Xaraaro
Labada cali waxay soo bandhigaan Falanqeyn iyo Saadaal siyaasadeed oo dhalinyarta Sland ee jaamacaduhu aad uga faaiidaysan jireen,lana xiisayn jiray qoraaladooda bal hadaba aan eegno aragtiyahoodii siyaasiga ahaa, aan ku horeeyo Ali Gurey iyo aragtidiisa..
ALI GUREY waa siyaasi badanaaba falanqeeya saaxada siyaasada, wuxuna ka mid ahaan jiray xisbigii Udub,wuuna ku dul burburay, hadana wuxu ku biiray xisbigii Ucid, wuxu ahaa shaqsigii sida weyn uga soo horjeeday Muse Bixi,,erayada shacabku ku xusuustaana waxa ka mida cadaalad xumada tolkaay ayaan aqaanaa oo waxay odhan doonaan mujaahidka udaaya,,waar mujahidka kii SNM qoray baa jooga,anaana jabhada qoray, dhacdo kale wuxu yidhi Ali muse maaha nin qarankan hogaamin karra,Ali gurey wuxu hadana raacay garabkii Jamal Cali Hussein wuxuna yidhi anuu waxan ucodaynayaa ninkaa kaligii meesha lagaga yaacay isagoo ujeeda muse bixi, waa yaab wuxu raaciyay aniga haygu dayanina.
Ali Gurey wuxu raacay Muse Bixi,,iyagoo aragti ahaan aad ukala fog wuxuna malin dhawayd Laasodacawo ka yidhi Sacadmuse haduu sanadkaa maanta ah usoo bixi waayo muse waligii sacadmuse Madaxweyne noqon maayo, anigoo soo koobaya aragtiyaha kala duwan ee Ali Gurey aan halkaa ku joojiyo,imikana aan soo tabiyo aragtiyaha Cali Xararo oo kooban.
Ali Xararo wuxu isna ahaa Xisbigii UDUB,markii uu burburayna wuxu si toosa ugu biiray Xisbiga Waddani,wuxuna aad uga soo horjeedaa siyaasada xisbiga Kulmiye, Xararo wuxu badanaa umada usoo jeediyaa hagardaamooyinka uu xisbiga Kulmiye shacabkan ugaysto,wuxu ka hadlay xaaladii dakada berbera ee Dpworld wuxuna si cad usheegay inuu qarankani rag baabiinayaan,,Cali Xararo waxa lagu xasuustaa markii la xidhay wargayskii Haatuf wuu ka hadlay wuxuna yidhi wargayska waxa xidhay inan yar oo siilaanyo sodog uyahay oo magaciisa layidhaa Baashe Cawil,,isla madashaana ugu bixiyay naanaysta caanka ah ee Moorgan,wuxu Xararo hadana ka hadlay arintii saldhiga millatary ee Baseka sheegayna in wadanka xukumada kulmiye uhorseedayso Dagaal lana doonayo in Berbera noqoto xarun lagaga duulo Xuutiyiinta yaman maadaama oo xulafada Sucuudigu hogaamiyo ay ku guul daraysatay in waqooyiga Yaman ay kaga adkaato xuutiyiinta,, aan soo koobo xararo una gudbo dhamaadka is garabdhiga labada Cali, akhriste ogow hada waxad haysataa aragtiyo siyaasadeed oo ku saabsan labada CALI,hadaba marka raggu siyaasada ku kala tagaan kolayba mid baa saxsan,kii aragti fogna leh waxay umuuqataa shacabka,ogow akhriste labadan Cali waa saaxiibo,waana laba Mujaahid oo in badan xaga siyaasada isku soo murgay,balse maanta waxa dhalinyarta iyo aqoonyahankaba looga fadhiyaa inay kala furfuraan siyaasadoodan murugtay.
Guntii iyo Gabagabadii labadan CALI keebaa siyaasada ku guuldaraystay?caligeĀ­e ubaahan in shacabka laga qabto?
Cali Gurey maanta Muse Bixi miyuu ka Aarsanayaaa qaab siyaasadaysan,mise wuu taageerayaa?
Cali xararo wadada uu raacay ee xisbiga waddani maku saxsanyahay?
Fadlan Muw adin ka dhiibo aragti ka fog caadifad iyo xumaan.
W/Q
Abdi Abdilahi Ismail



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured