Somaliland Uma Baahna La Isu-joojin Maayo! Xukuumadda oo La Saffatay Kooxda Baashe, Talyanle iyo Garabkiisana Eeddo u Miistay

0
Monday August 07, 2017 - 23:41:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Uma Baahna La Isu-joojin Maayo! Xukuumadda oo La Saffatay Kooxda Baashe, Talyanle iyo Garabkiisana Eeddo u Miistay

    Hargeysa(Xogreebnews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si cad oo aan mad-madow ku jirin waxay ula saffatay mid kamid ah labada garab ee u ka dhexeeyo muranka ka dhashay natiijadii tirada Codadkii ay kala helleen Xildhibaan Talyanle iyo Xildh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si cad oo aan mad-madow ku jirin waxay ula saffatay mid kamid ah labada garab ee u ka dhexeeyo muranka ka dhashay natiijadii tirada Codadkii ay kala helleen Xildhibaan Talyanle iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, oo iyaggu ku loolamayey buuxinta jagada Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.

Hargeysa(Xogreebnews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si cad oo aan mad-madow ku jirin waxay ula saffatay mid kamid ah labada garab ee u ka dhexeeyo muranka ka dhashay natiijadii tirada Codadkii ay kala helleen Xildhibaan Talyanle iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, oo iyaggu ku loolamayey buuxinta jagada Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid (Caddani), oo daba socday muranka arrinka golaha Wakiiladda, waxa uu si kulul u weeraray Xildhibaan Talyanle, oo isagoo Wasiir Caddani waxba kama jiraan ka dhigay dooda cabashada Talyanle ku saabsan, waxa uu ku siffeeyey inuu yahay shaqsi aan caqligiisa ku socon, balse uu yahay Nin ku socda fikiro shaqsiyaad kale. Sidoo kale Wasiirka Warfaafintu waxa uu si aan mad-madow lahayn daboolka uga qaaday mawqifka Xukuumadda uu ka tirsan yahay uga meel yaal muranka natiijada Codadka ee kala qaybisay golaha Wakiilada, taasoo sida hadalkiisa ku cad Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay u aragto Gudoomiyaha cusub ee golaha wakiiladdu uu yahay Baashe Maxamed Faarax, isla markaana Xukuumaddu geesteeda aanu u muuqan wax laga cawdo oo golaha ka dhacay.

Geesta kale, Wasiir Cismaan Saxardiid Caddani, waxa muranka arrinkan eeddiisa uu dusha ka saaray Musharrax Cabdiraxmaan maxamed Cabdilahi Cirro iyo hoggamaiyaha Xisbiga Waddani Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, isagoo Wasiirku arrimaha ka hadlayey waxa uu yidhi; ".. Xukuumaddu waxay si cad oo aan Badh-badh lahayn u qadatay, natiijadii golaha kasoo baxday. Haddii aanu Xukuumadda nahay, waxanu aaminsan nahay in si sharci ah oo cad Cod hal-dheeri ah loogu doortay Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, kaasiina uu yahay Baashe Maxamed Faarax.

Musharrax Cabdiraxmaan maxamed Talyanle waxay arkayeen natiijadii halka ka dhacday, waxanay diid-mada dambe caddeynaysaa inay tahay mid ka timi dhanka Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, oo aanay ahayn arrin aanu u qabno mid ka timi Xildhibaan Cabdiraxmaan talyanle. Waxanu Umadda Somaliland ugu baaqaynaa inaan laba Gudoomiye jirin. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle Xalay wuxuu sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, oo iyadda lafteedu Dambi qaran tahay, dalkani maha Somaliya iyo Xamar. Tani waa Hargeysa Nin ma sheegan karo Madaxweyne, mana sheegan karo Gudoomiye aan loo dooran, waxanu leenahay gudoomiyaha sida xaqa ah loo doortay, waa Gudoomiye ku-xigeenkii koowaad ee golaha..”.

Muranka ka sharci ee ka dhashay natiijada tiradii Codadka ee ay kala helleen musharraxiinti ku tartamayey buuxinta jagada Gudoomiyaha golaha Wakiiladda, ayaa sida ay warbaahinta u sheegeen garabka aqlabiyadda mudanayaashii golaha ka Codeeyey fadhigii Axaddii lasoo dhafay, waxay cabashada ay arrinkan ka baqan u gudbiyeen Maxkamadda sare ee dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo iyaddu xaq u leh inay ka garnaqdo muranada sharci ee ka dhex dhaca Hay’addaha qaranka. Haddaba dhawaqan Xukuumadda ee dhanka garabka saaray, iyadoo Maxkamaddii Dastuuriga ahayd ee qaranku leeyahay aanay weli gudo-gelin Kiiska, isla markaana aanu jirin go’aan Sharci iyo mid sulux-midnaba oo ilayo hadda khilaafka golaha laga gaadhay, waxa dhawaqa Xukuumadda oo ah mid iskugu jiray garowshiiyo la’aan, dhinac u xaglin iyo weliba hadidaad iyo aflagaado qaawan, waxa uu iftiiminaya in Xukumadda tallada haysa ka leexatay dhabbihii Qaranka Somaliland kusoo caano-maalay ee ku sallaysnaa talo wadaag, Odayey iyo tanaasulka, isla markaana dhaqanka noocaa ah ku bedeshay la isu-joojin maayo, kelmadaas oo marka dib loogu noqdo taarikhda qarankan curdinka ah galaafatay boqolaal kun oo qof oo Maanta Xabaalaha ku jira.

Hase-yeeshee Somaliland Maanta uba baahna la is tuso dhaqamo aan xasuus wanaagsan ku lahayn maskaxda Bulshada reer Somaliland, waxay’se u baahan tahay in lagu dhaqo, cadaalad, laguna haggo sinnaan iyo wax wada lahaansho.

halkan ka daawo Muuqaalka Warka





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured