Daawo Xogreeb Tv: Xildhibaan Talyanle oo Shaaciyey Inuu yahay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Rasmiga ah. "..Xaqiiqdiiba soo baxday, laga bilaabo hadda Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee rasmiga ah ee la doortay Waa Aniga". Xildhibaan Talyanle

0
Monday August 07, 2017 - 00:03:23 in Wararka by
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Xogreeb Tv: Xildhibaan Talyanle oo Shaaciyey Inuu yahay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Rasmiga ah. "..Xaqiiqdiiba soo baxday, laga bilaabo hadda Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee rasmiga ah ee la doortay Waa Aniga". Xildhibaan Talyanle

    Daawo Xogreeb Tv: Xildhibaan Talyanle oo Shaaciyey Inuu yahay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Rasmiga ah. "..Xaqiiqdiiba soo baxday, laga bilaabo hadda Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee rasmiga ah ee la doortay Waa Aniga". Xildhibaan Talyan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Xogreeb Tv: Xildhibaan Talyanle oo Shaaciyey Inuu yahay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Rasmiga ah. "..Xaqiiqdiiba soo baxday, laga bilaabo hadda Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee rasmiga ah ee la doortay Waa Aniga". Xildhibaan Talyanle

Hargeysa(Xogreebnews)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayaa si rasmi ah u shaaciyey xalay inuu yahay Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu doortay fadhigii shalay, kasoo ay ku loolameen isagga iyo Gudoomiye-ku-xigeenkii hore ee golaha Wakiiladda Xildhibaan Baashe Maxamed Cadde.

Xildhibaan Talyanle oo Warbaahinta Xalay la hadlay, waxa uu daboolka ka qaaday inuu ku guuleystay tartankii golaha wakiiladda ee shalay, isla markaana uu helay aqlabiyadda Codkii Xildhibaanada oo dhan 39-mudane Codkoodkii, waxa kaloo Xildhibaan Talyanle intaa raaciyey inuu arrinka u hayo markhaati cad oo iftiiminaya Cida Libta guushu raacday, sidoo kalena Musharraxii jagada kula tartamaayey waxa uu ka dalbadday inuu u hoggaansamo go’aanka aqlabiyadda golaha, isla markaana aqbalo guushiisa Gudoomiyenimo, maadaama mudane Talyanle uu hambalyey isaggaba markii hore.

Hase-ahaatee go’aankii hore wax iska bedeleen, kadidb markii sida uu sheegay ay soo baxeen xogo dah aka qaaday natiijada rasmiga ahayd iy o cidi heshay oo ah isagga. Haddaba Md. Talyanle oo arrimaha ka hadlayey waxa uu yidhi sidan. "..Waxan halkan uga cadeynayaa Umadda Somaliland iyo gaar ahaan golihii Wakiilada-ba Maanta Doorashadii iyo Codkii la qaaday, ee aan saaxibkay Baashe ku Hambalyeey, Xaqiiqdiiba soo baxday, laga bilaabo hadda Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee rasmiga ah ee la doortay Waa Aniga, Xaqiiqdeediina waan haya, 39-ka Xildhibaan ee Codeeyey cidda ay u coddeeyeen waa Cabdiraxnaam Maxamed Talyanle oo aniga ah.

Sidaa darteed Gudoomiyaha Golaha wakiiladdu waa aniga, waxan u sheegaya Saaxibkay Baashe Maxamed Cadde oo aan hambalyeey, anigoo arrintaa u gudanayey Lilaahi iyo daacadnimo in arrinti isbedeshay, oo isagga looga baahan yahay xaqiiqda jirta iyo aqlabiyadda codku halkuu maray uu aqbalo..”. ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle. halkan hoose ka Daawo





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured