"..Dadka Reer Rwanda ayaa u Dareeray Doorashada Madaxtooyada ee Dalkooda".Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani ee Africada Bari Abdirashiid Haibe Abdi

0
Saturday August 05, 2017 - 00:56:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Dadka Reer Rwanda ayaa u Dareeray Doorashada Madaxtooyada ee Dalkooda".Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani ee Africada Bari Abdirashiid Haibe Abdi

    "..Dadka Reer Rwanda ayaa u Dareeray Doorashada Madaxtooyada ee Dalkooda".Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani ee Africada Bari Abdirashiid Haibe Abdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Dadka Reer Rwanda ayaa u Dareeray Doorashada Madaxtooyada ee Dalkooda".Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani ee Africada Bari Abdirashiid Haibe Abdi
Waa 59 Jir  Ka Sharaxan Xisbiga Rwanda Patriotic Front(RPF) Lana Tartamaaya ,Labada nin ee Midina Xisbigiisu Yahay Democratic Green Party Mr.Frank Habineza iyo Musharaxa Madaxa Banaan ee Philippe Mpayimana.
Madaxwayne Kagame waxa uu Gadhwadeen Ka ahaa Horumar dhaqaale oo Si Xowli ah uga hirgalay Dalka Rwanda Ka Dib Markii Uu Si Dimuqraadiya Ugu fadhiistay Xafiiskiisa Taariikhdu Markay ahayd  2000,Ilaa Hada..
Madaxwayne Kagame waxa uu awooda dalka Gacanta Ku dhigay 1994 ka Dib Xasuuqii Qabiilaysnaa ee ay Ku NAFTA waayeen Dad ka badan 800,000 oo qof kana Soo Jeeda Qabiilka TUTSI oo ah Qabiilka Uu Madaxwaynuhu ka dhashay.


Madaxwayne Paul Kagame ayaa 2015 kii dib u furid uu Ku  Sameeyey Dastuurka Dalka Ku Daray in awooda dalka  uu Sii hayn doono Ilaa 2034 Ka Sidoo kalena Ku Xalaashaday Afti uu Uga qaaday Shacabkiisa.
Waxana waji gabax siyasadeed Ku noqotay labadan musharax iyo guud ahaan calamka caalamka siyaasad ahaan isku xidhanyihiin,wallow arintaasi meel martay ka dib markii uu Xisbi Xaakimkiisu bulshada Reer Rwanda Ku qanciyey in ayna ogolaan doonin isku day kastoo arintaasi lagaga soo horjeedo.
Madaxwayne Kagame ayaa Hogaamintiisa ay Mahadiyeen Dadka Reer Rwanda ka dib talaabooyin Horumarineed oo uu hire u qaaday,Sidoo kalena Dheyey Bulshadii Reer Rwanda ee birta iska asashay.
Madaxwayne kagame ayaa iska indho Tiray Nidaamkii qabiiliga ahaa ee Dhiiga badani Ku daatay,Ka dib markii Dastuuri uu ka dhigay in wax Qabiil ah Reer Rwanda Ku abtirsan dhamaantoodna yihiin PANYARWANDA oo macnaheedu tahay dhamaanteen Rwandans ayaa aynu nahay wax ka hooseeyana lama Sheegan karo,Si Gaar Ahna waxa uu u mamnuucay  Cida sheegata TUTSI,oo ah  Qabiilka  laga Tirada Badanyahay ee uu ka Soo jeedo,Si aan. aargoosi u iman shacabkuna isku aamino.
Madaxwayne Kagame ayaa Fuliyey Mashaariic Tiro Badan oo ay ka mid yihin,.
Waddooyin Caalamiya oo Dalkoo dhan isku Xidha ,Waddamada Jaarka ahna Ku Xidha ,Madaar Caalamiya oo Ku Kacay Lacag Dhan 800Million oo doller  ,Shirkad diyaaradeed oo dalku leeyahay (Air Rwanda) iyo Xarun Shirar oo Caalamiya kuna kacday lacag dhan 300 million oo roller.
Waxa Sidoo kale Xusid Mudane Warshado Waawayn oo ay ka mid tahay Warshada Masaggada .
Bari waxa lafilayaa natiijada doorashada oo loo saadalinaayo Mar saddexaadkii Madaxwayne Poal Kagama.
Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani ee Africada Bari
Abdirashiid Haibe Abdi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured