Chief Caaqil Maxamuud Chief Cali oo Xukuumadda Somaliland ka Codsaday Inay kala Shaqeyso Xasiloonida iyo Amniga Gobolka Sanaag. Akhri War-saxafadeed uu soo saaray.

0
Friday August 04, 2017 - 02:15:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chief Caaqil Maxamuud Chief Cali oo Xukuumadda Somaliland ka Codsaday Inay kala Shaqeyso Xasiloonida iyo Amniga Gobolka Sanaag. Akhri War-saxafadeed uu soo saaray.

    Chief Caaqil Maxamuud Chief Cali oo Xukuumadda Somaliland ka Codsaday Inay kala Shaqeyso Xasiloonida iyo Amniga Gobolka Sanaag. Akhri War-saxafadeed uu soo saaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chief Caaqil Maxamuud Chief Cali oo Xukuumadda Somaliland ka Codsaday Inay kala Shaqeyso Xasiloonida iyo Amniga Gobolka Sanaag. Akhri War-saxafadeed uu soo saaray.

Chief Caaqil Maxamuud Chief Cali Waxaan ku baqayaa in Nabadgalo iyo Xasiloonida Gobolka Sanaag Inay Xukuumadu Nagala Shaqayso . Chief Caaqil Maxamuud Chief Cali Oo Ah chief Caaqilka 2aad Ee Beesha Uduxmiin muuse Ahna AF Hayeenka dhaqanka deeganka Gobolka Sanaag Ayaa Warmurtiyeed Uu Ka Soo Saaray Xaalada Siyasadeed Ee Dalka gaar ahaan Khilaafka Ka Aloosan Gabad aganabi ah oo lagu magacaabo Anjanette DeCarlo . Gabadhaas oo aad looga hadlay dareenka shacabka gobolka sanaag ay saxaafad iyo dacwad midkastaaba ku mujiyen sida ay uudiidan yihin gabadhas oo ay ku sifeyeen siwada jira inay u nisbaynayaan Dacaayado waxyeelo ku ah khayraadka beenyada inay ku faafisay warbahinta aduunka sidoo kale (wakalad xabkaha iyo fareenka ) Oo dhowaan la magacabay ayaa aad loogu kala arigti duwanyahay qaabkay ushaqayn doonto iyo sharciyadeeda Xukuumada waxaan ugu baaqayaa in la soo afjaro muranka iyo khilaafadka arinkan . Chief Caaqil Maxamuud, ayaa tilmaamay inay Taageero u hayaan Cidkasta oo nabadgal yada iyo xasiloonida kashaqaysa sidoo kale tix galinaya rabitaanka muwaadininta kana soo horjeedaan cid kasta oo carqalad ku haysa gobolka sanaag iyo khayraadkisa Chief Caaqil ayaa warmurtiyeedka uu soo saaray ku yidhi "Ku : Dhamaan Saxaafada Madaxa Banaan Aniga Oo Ah Chief-Caaqil Maxamuud Kana Mid Ah Cuqaasha Gobolka Sanaag Ugu Horayn Waxaan Salaamayaa Saxaafada Madaxa Banaan Meel Kasta Oo Ay Joogto, Waxa Kale Oo Aan Salaamayaa Umada Reer Soomaaliland Meel Kasta Oo Ay Joogaan. Sida Laga Wada Warqabo Waxa Dhawanaanahan Ka Socday Dalka Buuq Siyasadeed Gaar Ahaan wakalada xabkaha iyo fareenka JSL, Aniga Oo Ku Hadlaya Magacayga Iyo Magaca Afka Beesha Aan Wakiilka Ka Ahayba Waxaan Halkan Ka Cadaynayaa In Aanu Si Buuxda Uga soo horjeedno Gabadh ajanabiga ah ee kusoo duushay khayraadka xabkaha Somaliland Iyo cidkasta Oo ay lashaqaysa . 

Xukuumadana Waxaan Ugu Baaqayaa Inay Faragalinta Ka Dayso rabitaanka iyo dareenka Bulshada Gobolka sanaag ee muwaadininta ah . Waxaan ugu baaqayaa dhamaan hayadaha amniga iyo masuulada qaranka ee kala duwan inaan maanta Gabadh ajanabi ah , Iyo Shirkad gaar loo leeyahay laga door bidin rabitaanka Madax Dhaqamedka muwaadininta u dhalatay dalka . Musaalada Golayaasha Waxaan Ugu Baaqayaa Inay Ilaashadaan Karaamada Ay Huwanyihiin Masiirka Bulashadii Soo Dooratayna Inaanay Shilmaad Siisan, Kana Shaqeeyaan Midnimada Iyo Horumarka Umadooda, Kana Fekeraan Mustaqbal ka Dalkooda Oo Aanay Ku Mashquulin Wax kale oo aan Bulshadu u igman , Sidoo kale arinka wakaalada dhowaan lamagacabay iyo Faragalinta Xulufaysan ee Xukumadu hogaaminayso u yeeshan dareen gaara oo masuuliyaded Waxa Kale Aan Halkan Ka Cambaraynayaa Dad Maanta Hogaaminaya Qorshaha lagu manjo xaabinayo khayraaadkena benyada sidoo kale waxaan ka xumahay dadka loo adeegsanayo dano gaara oo Lagu wax yeelaynayo Khayradka dalka Iyagoo Ku Hadlaya Afka Bulshada Sanaag . GaboGabo . 

Waxaan kusoo gaba gabaynayaa Hadalkayga In Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi cabdi uu siiyo tixgalin Iyo Qaxarin Madax Dhaqamedka Gobolka sanaag Baaqoodi ay ku diideen gabadhaas Anjanette Decarlo . Wasiiir arimahaas Waa kuwo aad hadba sida aad u wajahdo taarikhdu xusayso, Waxaa Nasiibdaro ah in Shirkadkad Gaara Iyo Gabadh Shisheeye ahi Oo Shuraaka ahi Noogu Hanjaban Sharciga , Shucuurta Shacabka Sanaag , Shilin Ba'ihaya Waxaan kugula talinayaa wasiir maxaxuud xaashow inaadan tixgalinta siiso madax dhaqameedka gobolka sanaag isla Markaana Aynu sii wadno wadashaqayn tii xoojinta & xasiloonida Gobolka sanaag wabilaahi towfiiq Chief Caaqil Maxamuud Chief Cali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured