Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafe Cabdi Cartan oo Waxqabd balaadhan ku Talaabsadday Iyo Dib-u-dhis uu ku sameeyey Laamaha qaar +Mawjado Taageerayaal ah Iyo Labeentii Ucid & Waddani ee North America oo Hal-daba la' ugu Biirtay Kulmiye…

0
Friday August 04, 2017 - 02:07:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafe Cabdi Cartan oo Waxqabd balaadhan ku Talaabsadday Iyo Dib-u-dhis uu ku sameeyey Laamaha qaar +Mawjado Taageerayaal ah Iyo Labeentii Ucid & Waddani ee North America oo Hal-daba la' ugu Biirtay Kulmiye…

    Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafe Cabdi Cartan oo Waxqabd balaadhan ku Talaabsadday Iyo Dib-u-dhis uu ku sameeyey Laamaha qaar +Mawjado Taageerayaal ah Iyo Labeentii Ucid & Waddani ee North America oo Hal-daba la' ugu Biir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafe Cabdi Cartan oo Waxqabd balaadhan ku Talaabsadday Iyo Dib-u-dhis uu ku sameeyey Laamaha qaar +Mawjado Taageerayaal ah Iyo Labeentii Ucid & Waddani ee North America oo Hal-daba la' ugu Biirtay Kulmiye…

Canada(Xogreebnews.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta North America Md. Mustafe Cabdi Cartan, ayaa Waxqabad baaxad leh ku tallaabsadday bilihii u dambeeyey, isagoo xaflado tiro badan ku qaabilay Mawjado dad ah oo iskugu jira taageerayaal iyo sidoo kale Masuuliyiintii Xisbiyada Waddani Iyo Ucid ee North America oo ku biiray Xisbiga Kulmiye saddexdii Bilood ee lasoo dhaafay, isla markaana waxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye u qabtay xaflado ka dhacay Magaalooyin ku yaala dalka Maraynkanka iyo sidoo kale Canada.

Gudoomiye Mustafe Cabdi Cartan, ayaa dib-u-habbayen balaadhan ku sameeyey oo boodhka ka tumay dhamaan xafiisyadii dalalka Canada iyo qaybo kamid ah USA, waxanu magacaabay masuuliyiin badan oo u igmadday xilal kala duwan, xubnaha uu Magacaabay Gudoomiyaha North America ee Xisbiga Kulmiye Md. Mustafe Cabdi Cartan ayaa ah shaqsiyaad Xisbiyahano ah oo daacadnimo kula shaqeynaaya laamaha kala duwan ee Xisbiga Kulmiye iyo madaxdooda, sidoo kalena xubnaha uu xilalka kala duwan u magacaabay ayaa ah kuwo aan khiyaamo kula joogin Xisbiga, balse ah taageerayaal ruuxi ah oo ay ka go’aan tahay guul uu gaadho Doorashada Madaxtooyadda Somaliland Xisbiga Kulmiye iyo Musharraxiisa Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Gudoomiye Mustafe Cabdi Cartan waxa uu noqday Guddoomiyihii ugu dhaq-dhaqaaqa badnaa abid ee Xisbiyada Somaliland ee North America, waxanu kulamo gooni-gooni ah la yeesha qaybaha Bulshada Somaliland ee ku nool dalalka Kanada iyo dalal kale oo badan. Kaasoo ka dhaaciyey jaaliyada ku nool North America Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye iyo Musharraxisa Md. Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba ha ahatee, qormo iyo laba toona laguma soo koobi karo Waxqabadka balaadhan ee u ku tallaabsadday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mudane Cartan, hase-yeeshee qormooyin dambe ayeynu xaflad-xaflad ugu soo qadan doona Waxqabadkii uu ka sameeyey laamaha dalalka North America…la soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured