Musharraxa Waddani oo Fooda soo Gelin-waayey Dood ay Saddexda Musharrax u Qabteen Odayaasha Madasha-wada-tashiga Qaranku + Ardaydii iyo Aqoonyahankii kasoo qaybgalay oo Su'aalo Hal-xidhalayaal ah iska Waydiyey Maqnaanshihii Cirro Iyo Muuse Biixi oo Kabaha la Dulmaray...

0
Friday August 04, 2017 - 00:35:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharraxa Waddani oo Fooda soo Gelin-waayey Dood ay Saddexda Musharrax u Qabteen Odayaasha Madasha-wada-tashiga Qaranku + Ardaydii iyo Aqoonyahankii kasoo qaybgalay oo Su'aalo Hal-xidhalayaal ah iska Waydiyey Maqnaanshihii Cirro Iyo Muuse Biixi oo Kabaha la Dulmaray...

    Musharraxa Waddani oo Fooda soo Gelin-waayey Dood ay Saddexda Musharrax u Qabteen Odayaasha Madasha-wada-tashiga Qaranku + Ardaydii iyo Aqoonyahankii kasoo qaybgalay oo Su'aalo Hal-xidhalayaal ah iska Waydiyey Maqnaanshihii Cirro Iyo Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharraxa Waddani oo Fooda soo Gelin-waayey Dood ay Saddexda Musharrax u Qabteen Odayaasha Madasha-wada-tashiga Qaranku + Ardaydii iyo Aqoonyahankii kasoo qaybgalay oo Su'aalo Hal-xidhalayaal ah iska Waydiyey Maqnaanshihii Cirro Iyo Muuse Biixi oo Kabaha la Dulmaray...
Hargeysa(Xogreebnews)-Musharraxa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka muquurtay dood ay saddexda Musharrax ee Xisbiyadda, kULMIYE, UCID iyo WADDANI u qabanteen caawa Madasha-wada tashiga Qaranka Somaliland. dooda oo ka dhacday Huteel Guuleed ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa kasoo qaybgalay Musharraxa Xilka Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe oo isna metelaayey Ucid.
hase-yeeshee waxan gabi-ahaanba madashaa fooda soo gelin Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Md. Cirro oo lagu marti qaaday kulankan dooda, iyadoo aqoonyahanka Madashu u banneeyeen meeshii uu fadhiisan laha Musharraxa iyo xulufadiisa xisbiga Waddani. hase-ahaatee waxa layaab ku noqdaay dadweynihii iyo hoggaamiyaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, iyo weliba dadweynihii kasoo qaybgalay markii saacado la sugayey ayey guddidi odaayaashu go'aan saddeen inay dooda u qabtaan Musharrax Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe. dhinaca kale, Musharraxa Kulmiye iyo qaar kamid ah Guddida Dooda haggaysay, ayaa marar badan ku celceliyey inaanay garannayn sababta Musharraxa Waddani Md Cirro uga maqan yahay doodaas.
si kastaba ha ahaatee, waxa Guddida Madasha wada-tashigu doodaas u qabteen markii la waayey Xisbiga Waddani, Musahrraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe. dhinaca kale dadweynihii kasoo qaybgalay doodaas ee fadhiyey Hoolka Huteel Guuleed, ayaa su'aalo badan iska waydiinayey sababta uu uga soo qaybgali waayey murrashaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), lama garanayo sababta murrashaxa xisbiga WADDANI uga muquurtay dooddan oo ay ka qaybgalayaan boqolaal ardayda jaamacadaha iyo aqoonyahanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured