Murashax Cirro oo Qado Sharaf u Sameeyey Shaqaale weynaha Golaha Wakiilada Somaliland

0
Friday August 04, 2017 - 00:23:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax Cirro oo Qado Sharaf u Sameeyey Shaqaale weynaha Golaha Wakiilada Somaliland

    Hargeysa(Xogreebnews):-Guddoomiyahii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hadhimo sharafeed aad u ballaadhan hotel Ambassador ee Hargeysa ugu sameeyey shaqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews):-Guddoomiyahii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hadhimo sharafeed aad u ballaadhan hotel Ambassador ee Hargeysa ugu sameeyey shaqaale weynaha Golaha Wakiilada Somaliland maadaama oo uu baneeyey xilkii guddoomiyenimo ee Golaasi. Hargeysa(Xogreebnews):-Guddoomiyahii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hadhimo sharafeed aad u ballaadhan hotel Ambassador ee Hargeysa ugu sameeyey shaqaale weynaha Golaha Wakiilada Somaliland maadaama oo uu baneeyey xilkii guddoomiyenimo ee Golaasi.
Kulankan, ayaa waxa guddoomiye Cirro kala soo qeyb-galay xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, agaasime waaxeedyada iyo weli ba shaqaale weyne aad u tira badan oo iskugu jiray rag iyo haween ba.

Macalin Axmed oo ka mid ah shaqaalahii lagu bilaabay golaha Wakiilada Somaliland oo muddo dheer ka soo shaqeynaayey golahaasi sida oo kale na la soo shaqeeyey guddoomiyeyaal tira badan oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahad-celiyey casuumaddaas uu guddoomiyahu u sii sameeyey shaqaale weynaha Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu si ballaadhan uu carabka ugu dhuftay in mudadii uu golahaas uu joogay aanu arag guddoomiye ka hoggaamin fiican Cabdiraxmaan Cirro oo uu si aada ugu sifeeyey in uu yahay nin akhlaaq badan oo dadku u wada siman yihiin.

"Guddoomiyeyaal badan oo Baarlamaan baan la soo shaqeeyey oo uu ugu horreeyey Xaabsade markaa anigu weligay maan arag guddoomiye ka naxariis badan oo ka akhlaaq wanaagsan guddoomiye Cirro magaciisa Alle ha jiree. Waana arrin uu kaga soocan yahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waa arrin dhaqankiisa iyo dhax-galkiisa bulshadu ba iyo weli ba laab furnaantiisa uu u laab furan yahay dadka ay tahay wax aad iyo aad loo xasuusan karo, waxaana aan rajeynayaa Alle ayaa madaxtinimada bixiyee, haddii kursigaas uu u tartamayaa uu kiisii yahay in akhlaaqdaa wanaagsan iyo wada-jirkaas iyo dadkoo la isku wado uu Alle ku guuleeyo. Kulankan qado sharafta ahna waan uga mahad-celinaynaa.".Ayuu yidhi Sheekh Macalin Axmed.

Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo isna halkaas ka hadlay, ayaa uu sheegay in aanay jirin cid Somaliland hoggaaminteeda kaga habboon Cabdiraxmaan Cirro.

"Horta guddoomiyaha aad baan uga mahad-celinaynaa casho sharaftaas uu innoo sameeyey, runtii na wax badan buu ka qabtay golaha oo uu kor u qaaday tayada iyo sumcadda golaha ba. Cabdiraxmaan wax badan baan la soo shaqeeyey oo mudadaas 12 sanno ahayd ba waanu wada shaqeynay, waxaanan lee yahay Cabdiraxmaan Cirro cid kaga habboon hoggaaminta Somaliland ma jirto.". Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Guddoomiye Cirro oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu casuumad u sameeyo shaqaale weynaha golahaasi, waxaana uu tilmaamay in uu mar walba la garab ahaan doono shaqaale weynaha golaha.

 

 



 


Image may contain: 3 people, people sitting and tableImage may contain: 8 people, people smiling, people sittingImage may contain: 3 people, people smilingImage may contain: 6 people, people smiling, people sitting and childImage may contain: 5 people, people smiling, people sittingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 2 people, people smiling, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 2 peopleImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, eyeglassesImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people smiling, people sittingImage may contain: 1 person, beardImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, suit and indoorImage may contain: 1 person, beard and indoorImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, smiling, indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people smilingImage may contain: 4 people, people standing and indoorImage may contain: 9 people, people standingImage may contain: 10 people, people standing and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 9 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 6 people, people standing and suitImage may contain: 4 peopleImage may contain: 31 people, people smiling, people standingImage may contain: 24 people, people smiling, people standingImage may contain: 29 people, people smiling, people standing, wedding, child and outdoorImage may contain: 20 people, people smiling, people standingImage may contain: 3 people, people sitting and table


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured