Maamulka sare ee Shirkadda Dp World oo Bulshada Berbera ku asqeeyey Waraaqo Naxli Xambaarsan iyo Hab-dhaqan Qabyaadeysan oo su'aalo dadka ku waydiinayaan...

0
Tuesday August 01, 2017 - 00:28:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka sare ee Shirkadda Dp World oo Bulshada Berbera ku asqeeyey Waraaqo Naxli Xambaarsan iyo Hab-dhaqan Qabyaadeysan oo su'aalo dadka ku waydiinayaan...

    Maamulka sare ee Shirkadda Dp World oo Bulshada Berbera ku asqeeyey Waraaqo Naxli Xambaarsan iyo Hab-dhaqan Qabyaadeysan oo su'aalo dadka ku waydiinayaan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka sare ee Shirkadda Dp World oo Bulshada Berbera ku asqeeyey Waraaqo Naxli Xambaarsan iyo Hab-dhaqan Qabyaadeysan oo su'aalo dadka ku waydiinayaan...

Berbera (Xogreebnews.com) qShirkadda Dp World Ee Maamusha Dekadda Berbera Oo Shaqalahii ay la Wareegtay u qaybisey Waraaqo Walaac Iyo Shaki galiyey+Nuxurka Ay Xambaarsan yihiin.

 

Shirkadda Dp World Ee Dhawaan Xukumada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ay Ku Wareejisay Maamulka Iyo Gacan ku Haynta Dekadda Berbera Ayaa Todobaadkan Aynu ku Jirno u qaybiyey Shaqaalahoodii Ay Hore Dekadda ugu la wareegeen Waraaqo ,


Waraqahaasi Oo ah Foom Ay Shirkada Dp world Berbera ugu talo galeen iney ku Helaan Ama ay ku ogadaan Xogta Shaqaalaha Qaraabada ama Ehelka ah Ee ka Shaqeeya Marsada Berbera, Foomkaasi oo walaac xoogan ku abuurey Dhamaan shaqaale weynaha Dekada Berbera islamarkaasina Shaki ku abuurey, iyagoo ka go’aan qaadan’la ujeedada ka Dambeysa Ee bixinta Foomkan Ay u qaybiyeen shaqaalaha, waxaaney talaabadani shakiga galisey Shaqaalaha ay ku soo beegantay Xili Dhawaan Shirkadu Ay Dhimis ku Sameyeen Shaqaale ku dhaw 70 qof Oo ay ku Sababeyeen inay Hawlgab yihiin islamarkaasina ay u diyaarisey Xaqoodii ku Waajibey mudadii ay gacanta ku haysay Maamulka Dekadda,balse sida la ii Xaqiijiyey Weli kasii Shaqeynaya Dekadda kadib markii ay Cabashadoodu gaadhey Madaxtooyada Somaliland Sidoo kale ay Sababi gaadhey Kacdoon Dambe Oo Ka Qarxa Berbera.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured