War Deg-deg ah: Gudoomiyaha Kulmiye Laanta North America Md. Mustafe Cabdi Cartan oo Boodhka ka Tummay Xisbiga, Magacaabayna Shaqsiyaad Xisbiyahano ah oo Firfircoon...

0
Monday July 31, 2017 - 06:45:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg-deg ah: Gudoomiyaha Kulmiye Laanta North America Md. Mustafe Cabdi Cartan oo Boodhka ka Tummay Xisbiga, Magacaabayna Shaqsiyaad Xisbiyahano ah oo Firfircoon...

    War Deg-deg ah: Gudoomiyaha Kulmiye Laanta North America Md. Mustafe Cabdi Cartan oo Boodhka ka Tummay Xisbiga, Magacaabayna Shaqsiyaad Xisbiyahano ah oo Firfircoon...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg-deg ah: Gudoomiyaha Kulmiye Laanta North America Md. Mustafe Cabdi Cartan oo Boodhka ka Tummay Xisbiga, Magacaabayna Shaqsiyaad Xisbiyahano ah oo Firfircoon...
Canada(Xogreebnews.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta North America Md. Mustafe Cabdi Cartan, ayaa xilal u magacaabay shaqsiyaad saameyn weyn ku leh Siyaasadda dalka, isla markaana ah kuwo firfircoon oo middaysan, kana go"an tahay guul wada jir ah oo Musharraxa Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi uu ka gaadho doorashada aqalka Madaxtooyadda.
Sidaasna waxa lagu sheegay War saxaafadeed Gudoomiye Mustafa Cabdi Cartan ku saxeexan, kaasoo u dhigan sidan. 
"..KULMIYE NORTH AMERICA
TIXRAAC: XK/XKNA0010/2017 30/07/2017
UJEEDO: MAGACAABIS XILAL.
KU: Xasan Yoonis Cabdilaahi
KU: Fowsia Maxmuud Nuur
KU: Cabdikariim Muuse Maygaag
OG: Hogaanka Kulmiye North Ameirca
OG: Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye North Ameirca
OG: Gudoomiyeyaasha Laamaha Xisbiga USA iyo Canada
OG: Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Hargeysa S/LAND
OG: Xoghayaha Guud Xisbiga kulmiye Hargeysa S/LAND
Markaan arkay baahida loo qabo xilalkan ama jagooyinka Xisbiga Kulmiye ee North America iyo muhimadood.
Markaan la tashaday Musdameedka iyo Hogaanka Xisbiga ee North America.
Markaan arkay Xilkasnimadood iyo kartidooda waxaan u magcaabay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30 July, 2017.
1.Xasan Yoonis Cabdilaahi inuu noqdo Afhayeenka Guud ee Xisbiga Kulmiye North America
2. Fowsia Maxamuud Nuur inay noqoto Guddomiye ku xigeenka Garabka Haweenka Canada ee Xisbiga kulmiye.
3. Cabdikariim Muuse Maygaag inuu noqodo Xoghayaha guud Canada ee Xisbiga Kulmiye.
Waxaan ka codsanayaa guddiyada iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee North Ameria in ay sii hufan oo fiican ula shaqeeyaan madaxdaas kor ku xusan.Dhamaantood iyagana waxaan u rajaynayaa in Ilaahay ku garab galo xilalkaas loo magacaabay oo ay si xilkasnimo iyo daacadi ku jirto u gutaan.
Waxaan Laamaha North America ku wergelinayaa in ay bilaabmatay dardar gelintii dhaqaalaha laguu uruurinayey, markaa waxaan Laan kasta ka codsanayaa in ay ka hawl galaan hawshaa baaxada leh ee lagu daradar gelinayo Xisbiga Kulmiye.Guul iyo midnimo.
ALLAHA WEYN BAA MAHAD LEH.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America
Mustafa Cabdi Cartan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured