Xulafada Siilaanyo iyo Saylici ee Madaxtooyadda oo War-maha isula galeen "..Hadii Kooxo Dan-gaar ah lehi Saameyn ku Yeeshan Go'aanada Xasaasiga ah, Waxa Iman doonta..". Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil

0
Sunday July 30, 2017 - 23:29:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulafada Siilaanyo iyo Saylici ee Madaxtooyadda oo War-maha isula galeen "..Hadii Kooxo Dan-gaar ah lehi Saameyn ku Yeeshan Go'aanada Xasaasiga ah, Waxa Iman doonta..". Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil

    Xulafada Siilaanyo iyo Saylici ee Madaxtooyadda oo War-maha isula galeen "..Hadii Kooxo Dan-gaar ah lehi Saameyn ku Yeeshan Go'aanada Xasaasiga ah, Waxa Iman doonta..". Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulafada Siilaanyo iyo Saylici ee Madaxtooyadda oo War-maha isula galeen "..Hadii Kooxo Dan-gaar ah lehi Saameyn ku Yeeshan Go'aanada Xasaasiga ah, Waxa Iman doonta..". Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil

Hargeysa(Xogreebnews)- Wasiirkii hore ee Xidhiidhka golayaasha Qaranka Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay hadii kooxo dan-gaar ah lehi ay saameyn ku yeeshan go’aamada qaranka ay Somaliland waayi doonto midnimadii shacabkeeda, isla markaana uu lumi doono himilladii sababta u ahaa gooni-isku taaga Somaliland, kaasoo uu ku tilmaamay inuu cadaalad xumantii lagala kulmay taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Md. Cali Xaamud Jibriil oo ka hadlayey munaasibad uu xilka ku wareejiyey, waxa uu ka digay cawaaqib xumada Somaliland uga iman kartaa cadaalad darro ku timaada qaraabo Kiil iyo Nin jeclaysi, isagoo arrimaha ka hadlaya Cali Xaamud waxa uu yidhi. ".. Somaliland maxay u go’day?. Dalkan waxa lagu aas-aasay cadaalad xumo la dagaalan, dastuurkiisana waxa udub-dhexaad u ah cadaalad.

Hadii’se aynu ilaashan wayno ama garab marno, oo qaraabo kiil iyo Nin jeclaysi uu dalka ka socdo, waxa iman doonta in dhexda farta laga qaniini doono, hadii shacabku qaybsamo waxa iyana ka faa’ideysan doonaa cadowga Somaliland. Hadii’se kooxo dan gaar ah lehi saameyn ku yeeshan go’aanada xasaasiga ah ee qaranka, oo keligood sax iyo khaladba meel marsadaan, waxa iman doontaa inaynu ku waayi doono waxyaabo faro-badan..”.

Md. Cali Xaamud Jibriil waxa uu kamid ahaa xubnaha golaha wasiiradda kamid ah kuwa ugu dhow Siyaasiyan ee lagu xidhiidho Madaxweyne ku-xigeenka, inkastoo aanay jirin aqoon iyo khibrad waxtarkeeda lasoo tijaabiyey oo masuulkan shacabka reer Somaliland ku xasuusan karo, balse waxaan laga murmi Karin inuu ahaa shaqsiyaadka neeftoodu is qabatay Madaxweyne-ku xigeenka Somaliland Md. Saylici, hase-yeeshee waxaan la saadaalin Karin cida Madaxweyne ku xigeenka u buuxin doonta kaalintii uu ugu jiray Cali Xaamud Jibriil, oo sida hadalladiisan ka muuqatay ay gacmo kale xilkiisa wasiirnimo sahaydeen, cadho iyo ciilna ku caraabay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured