Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Musharraxa Xisbiga KULMIYE Iyo Wasiirka arrimaha dibeda oo ka qaybgalay Daah-furka Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka (2017-2021)

0
Saturday July 29, 2017 - 21:13:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Musharraxa Xisbiga KULMIYE Iyo Wasiirka arrimaha dibeda oo ka qaybgalay Daah-furka Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka (2017-2021)

    Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Musharraxa Xisbiga KULMIYE Iyo Wasiirka arrimaha dibeda oo ka qaybgalay Daah-furka Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka (2017-2021)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Musharraxa Xisbiga KULMIYE Iyo Wasiirka arrimaha dibeda oo ka qaybgalay Daah-furka Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka (2017-2021)
Hargeysa(Xogreebnews)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay madal lagu daah-furay qorshaha horumarinta qaranka Somaliland ee labaad ee sanadaha 2017-2021 oo lagu diyaariyey qorsheyaal wax ku ool ah oo dhinacyada kala duwan ee siyaasadda, dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada lagu kobcinayo oo maanta lagu qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa.


Munaasibadda daah-furka qorshaha qaranka ee labaad, ayaa waxa ka qabgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, qaar kamid ah saraakiisha hay’adaha qaramada midoobay ee dalka ku sugan iyo marti-sharaf kale, waxana lagu faaqiday waxyaabaha uu xambaarsan yahay qorshaha qaran ee sanadaha 2017-2021-ka oo xambaarsan arrimo badan oo dalka iyo dakabada lagu horumarinayo.
Ugu horrayn wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Md. Maxamed Ibraahim Qabo oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu qorshahani qaranka u leeyahay iyo waxyaabaha sida gaarka ah diirrada loogu saaray, waxana uu sheegay inuu qorshahani yahay mid qaran ahaan si weyn looga fikiray, isla markaana la aaminsan yahay inuu jid habboon u noqon doono tallaabooyinka horumarineed ee ay waddo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay iyo kuwa kale ee ka dambayn doonaba.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somalland Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kamid ah hay’adaha ajaajibka ah ee madasha ku sugnaa oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna si weyn u ammaanay qorshaha labaad ee horumarinta qaranka ee maanta la daah-furay, waxana ay sheegeen inuu noqon doono jid wada-shaqayneed oo xukuumadda iyo hay’adaha ajaajibka ahi si fudud isugu fahmi karaan.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas hadallo kooban ka jeediyey ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan wasaaradda Qorshaynta qaranka ku bogaadiyey qorshaha qaranka ee labaad ee ay maanta daah-furtay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay muhiimad gaar ah siiso sidii uu qorshahani u noqon lahaa mid guud ahaanba uu qaranku ka faa’iidaysto oo sidiisa u hirgala.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu qorshahan cusub si rasmi ah u daah-furay, ayaa sheegay inuu qorshahan qaran ee 2017-2021-ku shidaalin doono xawaarihii horumarineed ee xukuumaddu ku socotay, isa markaana dhammaanba xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland-ba looga baahan yahay inay gacmaha isu wada qabsadaan sidii uu qorshahaasi u hirgeli lahaa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured