Madaxweyne Siilaanyo oo isku bedel ku sameeyey qaar kamid ah Wasiiru-dawlayaasha dalka...

0
Thursday July 27, 2017 - 02:02:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo isku bedel ku sameeyey qaar kamid ah Wasiiru-dawlayaasha dalka...

    Madaxweyne Siilaanyo oo isku bedel ku sameeyey qaar kamid ah Wasiiru-dawlayaasha dalka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Siilaanyo oo isku bedel ku sameeyey qaar kamid ah Wasiiru-dawlayaasha dalka...

Xafiiska Af-hayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Taariikh: 26/07/2017

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-4933/072017 uu ku magacaabay laba wasiiru-dawle.

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiiru-Dawlayaasha Wasaaraddaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Iyo Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiirudawlaha Biyaha)

2. In Mudane, Cabdi-qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Cabdi-qaadir Dhagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

AfhayeenkaMadaxtooyada JSL.

--


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured