Waa Kuma Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Berbera, Cabdikariin Aadan Cade. Shaqsiyaad danno gaar ah leh oo Dacaayado Doonaya inay danahoodu ugu Fullaan...Reer Berbera oo Isku Raacay Waxqabadka Xoghayaha

0
Thursday July 27, 2017 - 01:54:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Berbera, Cabdikariin Aadan Cade. Shaqsiyaad danno gaar ah leh oo Dacaayado Doonaya inay danahoodu ugu Fullaan...Reer Berbera oo Isku Raacay Waxqabadka Xoghayaha

    Waa Kuma Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Berbera, Cabdikariin Aadan Cade. Shaqsiyaad danno gaar ah leh oo Dacaayado Doonaya inay danahoodu ugu Fullaan...Reer Berbera oo Isku Raacay Waxqabadka Xoghayaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Berbera, Cabdikariin Aadan Cade. Shaqsiyaad danno gaar ah leh oo Dacaayado Doonaya inay danahoodu ugu Fullaan...Reer Berbera oo Isku Raacay Waxqabadka Xoghayaha
Berbera(Xogreebnews)-Maalmihii Udanbeeyay waxaa Warbaahinta Loo yaqaan Social Media iyo Wepsaite yada qaarkood Lasoo Dhigayay Arin Laga Dhigay fadeexad laakiin Sharciyan hadii Loo Noqdo sax Ah Maamulka Dawladaha Hoose iyo Xeerarkooda waxaa kamida Hadii Mayorka Magaaladaasi Ka maqan yahay Xafiiskiisa In Aan Shaqadu U Xanibmin Laakiin Shaqada waxaa Sii wadaya Moyar Ku Xigeenka.
Sidoo kalena Hadii Xoghayaha Dawlada Hoose Maqan yahay Dabcan Shaqo u Istaagi Mayso Ee waxaa shaqada Sii wadayay Agaasimaha maliayad ee Degmadaasi, Waana qasab In Umada Loo Shaqeey oo Aan Lagu xanibin Cid maqan Xeerarka iyo Shuruucda Dalkuna Waa Fudud Yihiin Cidna Kooto Looguma Xidhin in Aay Qalinkeeda Jeebada Ku Sidato oo wax walba Loo Xanibo,
Malamahan Danbe waxaad Arkaysaa warbaahinta Social Media oo Qoraalo Lasooo Dhigay Lagu Eedaynayo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Berbera Cabdikariin Aadan Cade, Nuxurka Eedayntan Oo la Sheegay In Aay ka Danbeeeyaan Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Degaanka Berbera Ayaa Lagu Sheegay in Awoodii Shaqo Ee Uu lahaa Laga Maroorsaday Xoghaye Cabdi Kariin , Hadaba Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Berbera Oo HWN Khadka Teloofanka Ku Waraysatay waxa Uu kaga jawaabayo Eedayntan Ayaa Yidhi
"Kolay Anigu Waan Aqaan Sharciyada iyo Shaqada Aan Leeyahay, Muadadii Aan Joogay Ama Shaqadan Hayayna Shacabka Berbera Ayaa Igga Markhaati ah Hufnaanta iyo daacadnimada Aan Ugu Shaqaynayay, Waan Ogsoonahay Kursiga Ayaa Iska Leh Dhaliilo Ama Qab Ama ha qabin Laakiin Waxaan ku kalsoonahay Naftayda iyo Aqoontayda, Berberana Xuduntaydii Ayaa Taala, Waana Igu Waajib In Aan U Shaqeeyo Naftaydana U Huro.Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cade waxaa uu Sheegay In Aanu gayin waxyaabahaa Lagu Eedaynayo Xalaal na Uu ka Yahay in Uu Shaqsiyadiisa iyo Awoodiisa Mamulba Ku Dhaqmo Ama Lagu Tilmaamo Nin Shaqadiisa Aan Garanayn".
Hadaba Wararka Aanu ka Hellayno Illo Xog Ogaala Ayaa Tibaaxay In Dhoowr Xildhibaan Oo kamida golaha Degaanka ee Berbera Ay Dooonayaan In Aay Bedelan Xoghaye Cabdi kariin Soona Celiyaan Xoghayihii Hpre Ee dawlada Hoose Suhayb Maxamed Cali, Waxaana Sababta Loo Tirinayaa Markii Aay ka Waayeen Dano Shaqsi ah oo Aay kaga Rabeen Beel Ahaan In Uu Siiyo. Waxaanay Wararku Intaa Ku dareen In Aay Ugu hanjabayaan in Shaqada Uu U Joogo Beel Ahaan Garabna Aay ka Haystaan wasiirka Madaxtooyada Somaliland
Xogo Dheeraaada Oo Aanu Ka Helnay Xafiiska Dhulka Ee Dawlada Hoose Ayaa Xaqiijinaya In Eedayntan Loosoo Jeediyay Xoghayha Dawlada Hoose cabdi kariin Aadan Aanay Ahayn Wax Xaqiiqa Ama Faylal sax Ah Lakiin Aay Yihiin Foojari, Sidoo kale waxaay Noo xaqiijiyeen In Illaa 50 fayl oo Bixin Dhul ah Xilli Uu shaqada ka Maqnaa Xoghayihii Hore In Uu saxeexay Agaasikihii Maaliyada Ee dawlada Hoose. Maamulyaasha xafiiskan Ayaa Noo Sheegay In Aay Sharci tahay In Hadii Xoghayuhu Maqan yahay uu saxeexi karo Agaasimaha Maaliyadu,
Isku Soo Duuboo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Berbera Waxaa Xilkan Loosoo Magacaabay 15/12/2015 Aqoontiisa Hore Wuxuu Usoo Shaqeeyay Hay,ado Caalamiya Sida ICRS, Handicup International Coopi iyo Hay,ada Oxfam Dhaman Tood hay,adaha Wuxuu ka Ahaa sarkaal sare Dabcana Shirkada Dahab Shiil Group Xafiiskooda Hargaysa Wuxuu ka Noqday Agaasimaha Shaqalaha Guud , Markii Danbena Baanka jabuuti Ee Shirkadaa dahabshiil Ayuu Maamule Sare ka Noqday.
waa Nin Leh Aqoon Ku Filan Uleh Maamulka iyo Maaraynta Muadadaa uu Joogay xafiiska Berbera ee Xoghayah Dawlada Hoose Wuxuu Jaanis U Heelay In Uu ka qaybqaato Horumarintii ka Socotay Degmada Berbera, Waa Nin Isku wadi kara Bulsho Kala Duwan
Ugu danbayntii Xaalada Somaliland Oo Xiligan Aay Kusoo Beegan Yihiin Doorashootin Ayaanay Ku haboonayan dawlada Ahaan in wax isku Bedel la sameeyo.
Xigasho Hadhwanaagnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured