Wasiir Cali Mareexan Hoggaamiyihii Mustaqbalka Iyo Waxqabadka Taarikhda u Galay!!! Qalinkii Cabdifatax Cali Faarax.

0
Wednesday July 26, 2017 - 02:26:44 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cali Mareexan Hoggaamiyihii Mustaqbalka Iyo Waxqabadka Taarikhda u Galay!!! Qalinkii Cabdifatax Cali Faarax.

    Wasiir Cali Mareexan waxqabadkiisa iyo hanaankiisa shaqo waxa si buuxda looga wada dareemay dhamaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana maanta ka wada marag-kacaya hab-dhaqankiisa shaqsi iyo gudashada waajibaadkiisa shaqo dhamaan bulshad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Cali Mareexan waxqabadkiisa iyo hanaankiisa shaqo waxa si buuxda looga wada dareemay dhamaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana maanta ka wada marag-kacaya hab-dhaqankiisa shaqsi iyo gudashada waajibaadkiisa shaqo dhamaan bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogto, kuwasoo ku wada majiiranaya Wasiir Cali Mareexan Caruur iyo Cirooleba gudashada Xilka uu qaranka u hayo sida uu uga soo baxay.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexan), ayaa noqday wasiirkii ugu waxqabadka badnaa, Xukuumadda, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kaasoo dalka bari iyo galbeedba ka fuliyey mashaariico horumarineed oo aan tiro iyo cadad toona lahayn, isla markaana waxa uu dariiqa u jeexay hab-dhaqan wanaagsan oo hoggaamineed, kaasoo gudashada waajibaadkiisa shaqo, ka sekow furay albaabo badan oo ka xidhnaa, kuwasoo u baahan in lagaga daydo hab-maamulkiisa iyo nidaamyada horumarineed ee sameeyey tan iyo markii uu Siyaasadda soo galay.

Wasiir Cali Mareexan waxqabadkiisa iyo hanaankiisa shaqo waxa si buuxda looga wada dareemay dhamaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana maanta ka wada marag-kacaya hab-dhaqankiisa shaqsi iyo gudashada waajibaadkiisa shaqo dhamaan bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogto, kuwasoo ku wada majiiranaya Wasiir Cali Mareexan Caruur iyo Cirooleba gudashada Xilka uu qaranka u hayo sida uu uga soo baxay.

Markaad qaybaha bulshada waydiiso waa Kuma Cali Mareexan?. Waxay kugu jawaabayaan waa Nin ama siyaasiga keliya ee Mustaqbalkiisa Siyaasadeed uu caafimaad qabo, kaasoo hadii Ilahy berri ka maalin u dhiibo hoggaaminta tallada dalka, horseed ka noqon karaa, badh-badh iyo badhaadhe umadda Jamhuuriyadda Somaliland ku talaabsato. Shacab-weynaha reer Somalililand waxay rummaysan yihiin inuu Wasiir Cali Mareexan yahay siyaasi daacad ah oo aan aqoon waxa raggaadiyey Siyaasiyiinta kale ee dhigiisa ah, isagoo ah shaqsi aan ehel u ahayn Musuq-maasuq, eex, qabyaalad iyo ku dannaysi xilka uu umadda u hayo ah. Taas bedelkeeda waxa uu Wasiir Cali Mareexan geliya waqtigiisa wax u qabashada bulshada, gargaar u fidinta dadka tabaaleysan meel kastaa oo ay joogan, sidoo kalena waxa uu wasiirku si daacad ah u gudta waajibaadka shaqo ee u qaranka u metello.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa ugu yimi wasaarada hawlaha guud oo qabyo badan iyo hawlo u baahan in si degan looga hawlgalo yaalan, waxaanu ku guulaysatay inuu Xurumo badan uga sameeyo gobolada dalka iyo dhismayaal cusub oo aanay wasaarada hawlaha guud lahayn maekii hore. Hase-yeeshee Wasiir cali mareexaan uu dib-u-dhis ku sameeyay, isagoo sidoo kalena sameeyey waxqabadk dhinaca wadooyinka ah, kuwasoo ay kamid yihiin biriishyada dalka gaar ahaan magaalooyinka burco iyo hargeysa oo biriishyo badan ku sameeyey dayactiro iyo dib-u-dhis balaadhan… la soco qaybaha dambe.

Qore

Cabdifatax Cali Faarax.

Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured