Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland oo Masuuliyiin Cusub u Magacaabay Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada...

0
Tuesday July 25, 2017 - 22:41:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland oo Masuuliyiin Cusub u Magacaabay Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada...

    Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland oo Masuuliyiin Cusub u Magacaabay Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland oo Masuuliyiin Cusub u Magacaabay Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada...
Hargeisa(Xogreebnews)-Warsaxaadeed uusoo saaray Xisbiga Kulmiye laantiisa Finalnd isla markaana uu ku saxeexanyahay Gudoomiyaha laantaasi ayaa lagu sheegay  magacaabista Masuuliyiin cusub oo kala ah Gudoomiye-kuxigeenka Garabka Haweenka iyo Xoghayaha Guud eh Garabka dhalinyarada Xusbiga  Kulmiye laantiisa Finland, iyadoo sida muuqatay baryahanba hogaanka Laanta  Kulmiye ee Finland ay wadeen dedaalo waaweyn oo qayb ka ah Guusha uu doonayo xisbiga Kulmiye inuu marlabaad xaqiijiyo si uu hogaanka talada Dalka usii hayo, warsaxaadeedkaasina wuxu u dhignaa sidan.
Ku: Marwo Leyla Ahmed Mohamed= Vantaa, Finland
Ku:Mudane Sharma,arke Ciise   =Espoo, Finland
OG:Gudoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye ee Finland=Helsinki, Finland
OG:Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Kulmiye ee Finland=Helsinki,Finland
OG:Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE Laanta Finland =Helsinki
OG:Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE =Hargeisa
OG:Gudoomiyaha Xisbiga Xisbiga Kulmiye =Hargeisa
OG:Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye =Hargeisa
Ujeeddo: Magacaabista Xilka hoos ku qoran.
Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan Garabka Haweenka iyo dhalinyarada Heer Laameed u leeyihiin habsami-u-socodka iyo dar-dargalinta hawlaha xisbiga,
Markii aan arkay soojeedinta Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye Laantiisa Finland
Markii aan tixgaliyay Baahida loo qabo buuxinta jagooyinka banaanaa ee Garabyada Haweenka iyo dhalinyarada


Markii aan ku qancay kartida iyo aqoonta Masuuliyiintan cusub
Markii aan tixgaliyay soo soojeedinta Xubnaha Guddiga Fulinta
waxaan xeer Gudoomiye Ku magacaabay

1. Marwo Leyla Ahmed Mohamed  in 25.72017 laga bilaabo uu ahaato Gudoomiye-Kuxigeenka Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Laantiisa Finalnd

2.Mudane Sharma,Arke Ciise in 25.7.2017 laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guud ee Garabka dhalinyarada Xusbiga Kulmiye Laantiisa Finland
Waxan usoo jeedinayaa dhamaanba taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland iyo Hogaankuba inay si hufan ula shaqeeyaan Xubnahan cusub si aynu uga midho dhalino hadafkeena Guud, sidoo kale waxan u rajaynayaa Masuulka cusub in Alle k asturo xilka iyo masuuliyadda uu qaaday.

ALLAA MAHAD LEH

Ahmed Abdilaahi Khaliif
______________________________________________
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ee Laanta Finland
Email: kulmiyefinland@hotmail.com
Telephone: +358466375012
Helsinki,Finland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured