Sucuudiga oo diiday La Kulanka Wafti Somaliland u dirtay Iyo Xoolaheena oo Xajka Sannaadka ku Gelaya Magaca Somaliya..Natiijadeeda Taageeradii Somaliland ee Xullufada Sucuudiga oo noqotay Hal-bacaad lagu lisay

0
Sunday July 23, 2017 - 23:57:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga oo diiday La Kulanka Wafti Somaliland u dirtay Iyo Xoolaheena oo Xajka Sannaadka ku Gelaya Magaca Somaliya..Natiijadeeda Taageeradii Somaliland ee Xullufada Sucuudiga oo noqotay Hal-bacaad lagu lisay

    Hargeysa(Xogreebnews)-Dawladda Sucuudi Arabiya, ayaa xaaladda bariga dhexe iyo Xidhiidho Diblumaasiyadeed oo dhinacyo badan uga yimi, awgeed waxay si taxader ku jiro u fasaxday dhoofka Xoolaha ee dalkooda uga iman jiray Carrada Somaliddu degto, kaddi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Dawladda Sucuudi Arabiya, ayaa xaaladda bariga dhexe iyo Xidhiidho Diblumaasiyadeed oo dhinacyo badan uga yimi, awgeed waxay si taxader ku jiro u fasaxday dhoofka Xoolaha ee dalkooda uga iman jiray Carrada Somaliddu degto, kaddib markii Sucuudigu uu xayiraad saaray Xoolaha Somalidda ee dalkiisa loo iib keeni jiray horraantii sannaadkan.

Hargeysa(Xogreebnews)-Dawladda Sucuudi Arabiya, ayaa xaaladda bariga dhexe iyo Xidhiidho Diblumaasiyadeed oo dhinacyo badan uga yimi, awgeed waxay si taxader ku jiro u fasaxday dhoofka Xoolaha ee dalkooda uga iman jiray Carrada Somaliddu degto, kaddib markii Sucuudigu uu xayiraad saaray Xoolaha Somalidda ee dalkiisa loo iib keeni jiray horraantii sannaadkan.

Warar ay baahiyeen Wakaaladdaha War-qabadka Caalamka, sida AFP ayaa xaqiijiyey in maamulka Riyad uu fasax taxader ku jiro ku ogolladay xilligan oo lagu jiro ama uu soo dhow yahay waajibaadka sannaad laha ah ee Xajka in Xoolaha Somaliya ka imana la keeni karo Sucuudiga, hase-ahaatee Warar faahfaahsan oo Wargeyska Yool ka helay ilo ku sugan bariga dhexe, ayaa tibaaxay in ogollaan-shaha Xoolaha Somaliya ee dawladda sucuudiga kasoo baxay yahay mid shuruud ku xidhan.

Wararku waxay inta ku dareen in shuruudaha Dawladda Sucuuigu ku xidhay dhoofka Xoolaha Soomalida ay kow ka tahay xajooyinka Sucuudigu Codsadday In Manay Fas-ka ama shahaadada Xoolaha Somaliya ka imanaya uu noqdo Shahaadada ay bixiso Dawlada Somaliya ee fadhiggeedu yahay Magaaladda Muqdisho, iyo sidoo kale, in Xoolaha ka imanaya Carrada Soomaliddu degto, lana keenayo Sucuudi Arabiya xilligga Moosinka Xajka ay Dawladda Sucuudigu ogollaatay in lasoo mariyo Saddex Maxjarada xoolaha ah, kuwasoo sida Wararku xuseen laba kamid ah ku yaalan Magaaladda Berbera, halka Maxjarka saddexaadna yahay ka ku yaala Magaalada Boosaaso ee maamul-gobolleedka Puntland.

Saddexdan Maxjar ee Dawlada Sucuudigu ogollaatay in lasoo mariyo Xoolaha Soomalida ee sannaadka loo Iib keenayo Moosinka Xajka, ayaa maamulka iyo gacan ku hayntoodu waxay hoos-tagtaan Wakaalado ay leeyihiin ganacsato Carbeed, kuwasoo kala ah Ganacsade Al-jaabiri oo isaggu gacanta ku hayaa Maxjarka ugu weyn ee Magaaladda Berbera, iyo sidoo kale ganacsade Abu Yasir oo isna si dad-ban u maamula Maxjarka labaad ee Berbera iyo Maxjarka Boosaaso oo si buuxda uu hoostago maamulka iyo gacan ku hayntiisu.

Geesta kale, Wararka qaarkood ayaa xusay in xayiraad ka qaadista dawladda Sucuudigu ku samaysay dhoofka Xoolaha Somalida xiligan uu yahay go’aan fasaxiisu shaqeynaayo mudada ka horraysa Moosinka Xajka ee Sannadka 2017-ka, sida awgeedna wixii xilligaa ka dambeeya aaanu shaqeynayn, laguna dhaqmi doono go’aankii hore ee Xayiraadda Xoolaha Soomaalida dawladda Sucuudigu ku saartay Xoolaha nool ee Somalidda.

Docda kale, Warar Wargeysku ka helay ilo ku sugan dalka Sucuudiga, ayaa lagu xusay in Malakyada Carbeed ee u taliya dawladda sucuudigu ay diideen inay la kulman Wafti Somaliland ah oo bishii hore booqasho ku tagay dalka Sucuudiga, xubnaha waftiga Somaliland oo sida xogguhuu tibaaxeen uu gadh-wadeen ka ahaa Nin lagu magacaabo Cabdle Lule waxa hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi. Hase-yeeshee xogguhuu waxay sheegeen in gadh-wadeenka iyo waftiga Somaliland markii uu ku adkaaday inay la kulman madax ka tirsan Xukuumadda Sucuudiga, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi uu u gudbay dhanka dalka Imaaraadka Carabta, halkaa oo u xilligaa ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Marwadiisa iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiiradda.

Haddaba,go’aan dawladda sucuudigu hadda ku ogollaatay dhoofka Xoolaha Soomaliya oo marka si guud loo eeggo ah tallaabo wax tar leh, balse geesta kale, marka la is barbar dhigo taageeradii Siyaasadeed ee Xukuumadda Somaliland isku barbar istaagtay xuluffada Sucuudigu hormoodka u yahay dhowaan markii ay geeska la geliyey dawladda yare e Qadar, iyo sidoo kale, shuruudahan hadda Sucuudi Arabiya ku xidhay Xoolaha Somalida ee dalkooda soo geliya, oo ah inay kusoo galan wadankooda Magaca ama shahaadada ay bixiso dawladda Muqdisho iyo weliba la kulan la’aantii waftiga Somaliland kala kulmeen Xukuumadda Sucuudiga, waxay intuba si toos ah iyo si dad-banba u caddeynayaan muwqifka dawladaha carbeed ee sucuudigu kow ka yahay ay ka taagan yihiin madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kaloo arrimahani muujiyeen Diblumaasiyan taageero iyo taageero la’aan intaba mustawaha Somaliland la taagan tahay waddamada carbeed ee Khaliijka, sidoo kalena dhaq-dhaqaaqyadani waxay daaha ka faydeen heerka waqti xaadirka diblumaasiyada Somaliland gaadhsiisan tahay, oo ah marka lagu cabiro hal-beegga ama min-qiyaaska Diblumaasiyadda heer aan tirsiimo lahayn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured