Xujaddii Kowaad oo Madaxtooyadda Kaga Timi Koontinar Qudha-ka-jaray Mid kamid ah Muruq-mal Dekedda Berbera

0
Sunday July 23, 2017 - 23:52:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xujaddii Kowaad oo Madaxtooyadda Kaga Timi Koontinar Qudha-ka-jaray Mid kamid ah Muruq-mal Dekedda Berbera

    Berbera(Xogreebnews)-Iyaddoo hadda laga joogo laba maalmood markii Xukuumadda Somaliland dusha u ridatay Naf iyo Maal ama xuquuqda iyo xaqa wixii uu leeyahay shaqaalaha muruq-maalka Dekedda Berbera, kaddib wada-xaajood saddex geesood ah, waxa sida Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera(Xogreebnews)-Iyaddoo hadda laga joogo laba maalmood markii Xukuumadda Somaliland dusha u ridatay Naf iyo Maal ama xuquuqda iyo xaqa wixii uu leeyahay shaqaalaha muruq-maalka Dekedda Berbera, kaddib wada-xaajood saddex geesood ah, waxa sida Warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay mid kamid ah shaqaalaha muruq-maalka Dekedda berbera waxa uu u Geeriyooday markii ay isku barkiyeen laba Koontiinar, oo midkood uu siday Wiish markab Leeyahay, kan kalena ee isna Marxuumku dul-taagnaa oo saarnaa Markabkii wax laga rogagaayey, kaddibna uu soo go'ay Koontiinarka Wiishku sidday, sidaana ay iskugu cesheen marxuumka labada Koontiinar.

Berbera(Xogreebnews)-Iyaddoo hadda laga joogo laba maalmood markii Xukuumadda Somaliland dusha u ridatay Naf iyo Maal ama xuquuqda iyo xaqa wixii uu leeyahay shaqaalaha muruq-maalka Dekedda Berbera, kaddib wada-xaajood saddex geesood ah, waxa sida Warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay mid kamid ah shaqaalaha muruq-maalka Dekedda berbera waxa uu u Geeriyooday markii ay isku barkiyeen laba Koontiinar, oo midkood uu siday Wiish markab Leeyahay, kan kalena ee isna Marxuumku dul-taagnaa oo saarnaa Markabkii wax laga rogagaayey, kaddibna uu soo go’ay Koontiinarka Wiishku sidday, sidaana ay iskugu cesheen marxuumka labada Koontiinar.

Markabka korkiisa Shilku ka dhacay oo Lagu Magacaabo (M/v CF TINA) wakiilna ay ka tahay Shirkadda Geele Arab, ayaa Marxuumka geeriyooday oo lagu Magacaabi jiray Xaamud Xasan Cabdi, waxa Shilka uu ku geeriyooday dhacay abaaro 2-dii niskii-dambe ee habeen hore. Warar Xalay niskii-dambe Wargeysku ka helay ilo ku kala sugan Hargeysa iyo Berbera ayaa timaaxay in Maydkii marxuumka uu ku jiro tallaadaga Cisbaatalka Berbera, halka qaarkoodna xuseen in Maydka Marxuumku u xayiran yahay isfaham la’aan ah dhinaca sixirka Qiimaha hasha ee Magta lagu kala qaato.

Arrinkaas oo sida ilahani tibaaxeen Xukuumaddu taagan tahay qiimaha sixirka hasha 500,000 oo kun, oo Shilinka Somaliland ah, qiimahaasoo sida wararka lagu sheegay ah sixir hore madaxdii maamuli jirtay dekeddu u dejiyeen cidi wax ku noqota eek u geeriyoota in lagu salleeyo qiimaha xaqa ee lagu qadaro dhibbanaha waxyeeladdu gaadhay, halka sida iluhu xuseen qoyska Marxuumka geeriyooday ay diideen inay qiimaha hasha ku qaatan sixirkaas, isla markaana ay doonayaan in qiimaha Magta Marxuumku noqoto Sixirka Caalamka lagaga dhaqmo, sidoo kale waxa la sheegay in qoyska Marxuumku ay doonayaan inay si toos ah ula xaajoodan Markabka dushiisa shilku ka dhacay, iyagoo kaashanaya Madaxda Shirkadda Muruq-maalka Dekedda Berbera ee loo yaqaano Salfa-doorka.

Dhinaca kale, Warar la xidhiidha Shilka Marxuumka, ayaa tibaaxay inay dhinaca Magalaada Hargeysa usoo baxeen madaxa laanta faraca badda ee Dekedda Berbera Md. Axmed Yuusuf Diriir iyo madaxda Shirkadda Muruq-maalka Dekedda Berbera ee Salfadoorka, kaddib markii ay is-faham ka gaadhi waayeen Magta Marxuumka qiimaha hasha inta uu noqonaayo ama lagu kala qaadanayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured