Baqal Fardo la Daaqay, Faras-buu Is-moodaa. W/Q Qasiim Sheekh Xasan

0
Sunday February 15, 2015 - 23:19:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baqal Fardo la Daaqay, Faras-buu Is-moodaa. W/Q Qasiim Sheekh Xasan

    Waxa lagu baahiyey shabakadda Somalilandtoday sidii caaddada uu ahayd maqaal ciwaan looga dhigay, Curadka Yool ee Cirro uu adeegga, kaasoo marka aad hoos ugu daadegtid dulucda nuxurka lagaga hadlayo, iyo sidoo kale, qaafiyadda ama qaabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa lagu baahiyey shabakadda Somalilandtoday sidii caaddada uu ahayd maqaal ciwaan looga dhigay, Curadka Yool ee Cirro uu adeegga, kaasoo marka aad hoos ugu daadegtid dulucda nuxurka lagaga hadlayo, iyo sidoo kale, qaafiyadda ama qaabka

Waxa lagu baahiyey shabakadda Somalilandtoday sidii caaddada uu ahayd maqaal ciwaan looga dhigay, Curadka Yool ee Cirro uu adeegga, kaasoo marka aad hoos ugu daadegtid dulucda nuxurka lagaga hadlayo, iyo sidoo kale, qaafiyadda ama qaabka hadal qoraalkiisa loo dhigay, muwaadin kastoo akhriyaa inta uu madaxa-luulo uu boobsiinayo sidii uu uga laaban lahaa Bogga maqaalka la dhigay.
Sababtoo ah, waxa bilowga hore ee maqaalka aad-mooda in Wiilka Muniir ee Maqaalka qoray uu soo waddo dood ku qotonta anshax wanaag iyo aqoon Saxaafadeed, isla markaana u bulshada ama akhristayaasha usoo waddo dhaliilo markhaati leh oo uu hayo dhaqamada xun-xun ee uu sheegay in Curad iyo Wargeyska Yool caan ku yahay.
Hase-yeeshee Ninkii Muniir ee habkaa wax looga filaayey, waxa durbadiba uu isku qaaday ceebihii iyo dhaqamadii uu dadka aan waxba uu ogeyn uu ku xajiimeynayey, qaarkood-na xilalka culus qaranka uu hayaan. Sida uu ku sheegay Baari-garaafka Saddexaad ee qoraalkiisa, kaasoo uu si toosa ugu af-lagadeeyey Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu ku tilmaamay jir-jiroole ama khaayin aan Muuqiisa iyo Ficiladiisu is-lahayn.


Hadalkan kaka ee sida badheedhka ah Muniir ugu aflagaadeeyo Guddoomiye Cirro, kuwaasoo marka dhan-walba laga eego ah kuwo uu Wiilkaasu si Kas iyo Maan ah, isagoo aan waxba u Aabo-yeelin ama xeerin Diin, Dhaqan iyo Shuruuc toona ugu talaabsaday, inuu weliba si kalsooni leh ugu soo bandhigo Website-kiisa Somalilandtoday.
Teeda kale, Wiilka Muniir ee maqaalka qoray, waxa uu sheegay Maxamed Cabdi Guuleed “Curad” inuu yahay Nin Guddoomiye Cirro ku shaqeyto, balse marka uu sidaa leeyahay, waxa Wiilku hilmaamay in Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) uu Saxaafadda ku jirey Guddoomiye Cirro ka-hor iyo hadda inta-ba, waxaana Muniir u qaatay inuu Curad sidiisa la dhashay Xukuumada Maanta talada-haysa. Geesta kale, Sheekaba sheeko ayey keentaa’ye, cahdigii Maxamed Siyaad Barre, ayaa waxa jiray Nin la odhan jirey Cabdi-waayeel, waxan filayaa in dadka saxda ah ee Saxaafadda ku abtir-sada Cabdi-waayeel si fiican u wada-garan doonaan, haddi’se aan wax-yar ka iftiimiyo sheekadda Cabdi-waayeel, waxa uu ka mid ahaa sheekhsiyaadkii aad-ka ugu dhowaa qoyskii reer Maxamed Siyaad Barre, oo uu gacan-yare hoose u ahaa, had iyo jeer-na, waxa uu xaadir ku ahaan jirey gurigii qoyska Maxamed Siyaad deganaa.
Hase-ahaatee, waxuu Cabdi-waayeel halkaa joogga-ba, waxa Maalintii danbe lagu soo qoray WasaaraddiI War-faafinta Iyo idaacaddii Raadiyow Muqdisho, halkaaso loogu diray inuu la socdo dhaq-dhaqaaqa Weriyayaasha, iyo sidoo kale inuu kaantaroolo Cajeladdaha, Heesaha iyo kuwa ay ku duuban yihiin Barnaamijyadda Kacaan-diidka ah. Hore ayaa loo yidhii: “Baqal fardo la-daaqday, Faras-bay is-moodaa”. Markii sheekadda Cabdi-waayeel ku baahday Bahdi War-baahiinta ee xilligaa, waxa dhacday in Weriyayaashii Raadiyow Muqdisho ka hawl-geli jiray, siduu mid-ba maalin uga dhaqaaqaayey in aakhir markii Raggii Mux-tarimka ahaa ka dhammaadeen ee Cabdi-waayeel iyo isku soo hadheen cajiladihii la garan waayey meel allaale iyo meel ay ku danbeysay Raadyow Muqdisho, sida Maanta dhacday markii Tv-ga Qaranka loo shaqo geeyay Muniir.
Haddaba, waxaan Muniir tallo uu siin lahaa haddii, qofku talaabadiisa ka taggo, hadana uu isku laalo ama isku sidko Xukuumad, Xisbiyo ama siyaasiyiin, waxa uu aakhirkii ku danbeeyaa in faraha la isugu fiiqo sidii ku dhacday Cabdi-waayeel, sidoo kale-na haddii aad noqotid qof sharaftiisa iyo shaqadiisa, waxa Masiirkaaga danbe uu noqonayaa mid ku dhammaada sharaf aan abid gabboobin, sida raggii Cabdi-waayeel shaqadda waqtigaa uga tegay oo kale, kuwaasoo Maanta qaarkood Hargeysa kula joogaan. Doorashaduna waa mid adiga uu taal, Qaasim4422@gmail.com.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured