“Maal galiyayaasha waynu doonaynaa laakiin Waxaynu Doonaynaa maal Galiyayaal Aan Qol madow laysla Gelin oo wax Been ah laysku sheegin oo aan lacag Hoosta Lagu kala Qaadan, Dawladuhu Marka Ay Sanadka ugu Danbeeya ku Jiraan Arimahan Oo Kale Ma Galaan" Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Huseen

0
Sunday February 15, 2015 - 22:56:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Maal galiyayaasha waynu doonaynaa laakiin Waxaynu Doonaynaa maal Galiyayaal Aan Qol madow laysla Gelin oo wax Been ah laysku sheegin oo aan lacag Hoosta Lagu kala Qaadan, Dawladuhu Marka Ay Sanadka ugu Danbeeya ku Jiraan Arimahan Oo Kale Ma Galaan" Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Huseen

    Hargeysa(xogreebnews.com-musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay xukuumada somaliland qorshaynayso inay shirkad gaar ah ku wareejiso dekeda magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay xukuumada somaliland qorshaynayso inay shirkad gaar ah ku wareejiso dekeda magaalada

Hargeysa(xogreebnews.com-musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay xukuumada somaliland qorshaynayso inay shirkad gaar ah ku wareejiso dekeda magaalada Berbera.Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Calii Xuseen oo shalay ka hadlayey munaasibad xisbiga Ucid u furayey barnaamij loogu tala galay dhiiri gelinta dhalinyaradaayaa waxa kale oo uu shirkada heshiiska la galaysa xukuumada ugu baaqay inay ka fiirsato heshiiska ay la galayso xukuumad ay mudo xileedkeeda ka hadh-san-yahay oo kaliya shan bilood. Ugu horayn musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya wararka la xidhiidha wareejinta Dekeda magaalada Berbera ayaa waxa uu yidhi “Waxa maalmahan laga hadlayey in dekadii Berbera la wareejiyey, dhaqaalaha dalkeenu 80% waxa uu ku xidhan yahay dekeda Berbera sidaas darteed nolosheenii waxay ku xidhan tahay dekada Berbera, dekada Berberi waa deked muhiim ah oo waa laf dhabarta dhaqaalaha dalka, waxa laga yeelayaana waa inaanay noqon wixii laga yeeli jiray guri yar oo qof la siiyey ama dhul la iibiyey, waxa dhamaaday oo ay dawladii wareejisay dhulkii iyoguryihii laysku hibaynayey waanan kaga daba tagi doonaa, ma waxa la arkay dawlad tidhi warshadii laydhka ayaanu maamuli kari waynay oo dad ayaanu siinay, dad layskama siiyo warshado, warshaduna waa hantidii umada oo dadka ayaa iska leh, haddii la wareejinayana waxa lagu wareejiyaa nidaam la og yahay laakiin lacag ayaa soo gashay, lacagtii lagu iibiyeyna wali la-inooma sheegin oo cid ayaa la doonayaa in xisaabaad loogu shubo, dawladu haddii ay tidhaa laydhkii Berbera iyo kii Hargeysa ayaanu maamuli kari waynay ileen barigii Daahir Rayaale-ba way shaqayn jireene sababtu maxay tahay.” Ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen. Musharax Jamaal Cali Xuseen

Waxana uu intaas ku darray “Dadku caqli ayey leeyihiin, caqliga dadkana yaan la caayin waxana waa layskaga daba imanayaa, dadka hantida iskaga luminaya waxaan leeyahay hantidiina hayskaga luminina waxani waa xoolo dawladeed anagu haddii aanu ka daba tagi kari wayno kuwa naga danbeeya ayaa ka daba tagaya, mar walbana waa layskaga daba imanayaa waana baqdin joogto ah.” Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid ayaa xukuumada ugu baaqay inay si gaar ah u eegto arinta dekada Berbera ayaa waxa uu yidhi “Hadaba dekada Berbera arinkeedu arin ciyaar ciyaar ah maaha, dawladana waxaan leeyahay waar yeydaan dab faraha la galin, arinkii hore ee guryaha ayaa la ogaa ee la bixinayey, dekeda somaliland oo dhan ayaa eeganaysa meel cid gaar ah leedahayna maaha, hadii ay imanayaan shirkado maal gelinaya oo dakada dhisaya waanu soo dhawaynaynaa laakiin in cid lagu wareejiyo oo intay dawladu lacag ka qaadato kildhi madaxa inoo galiso oo hadhawna umadu isla bas beeshotaas ogolaan mayno.”

Sidoo kale musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan in maal gashi lagu sameeyo dekada Berbera balse sharciga la waafajiyo waxaanu mar kale yidhi “Maal galiyayaasha waynu doonaynaa laakiin waxaynu doonaynaa maal galiyayaal aan qol madaw laysla galin oo wax been ah laysku sheegin oo aan lacag hoosta lagu kala qaadan, dawladuhu marka ay sanadka ugu danbeeya ku jiraan arimahan oo kale ma galaan, shirkada la galaysa heshiis dawlad ay ogtahay inay doorasho galayso oo inaanay meeshan ku soo noqon Karin og tahay aniga ilama aha shirkad kuwaan yaqaanay ah, markaa waxaan leeyahay arinaas dekeda Berbera wuu soo noq noqonayey waxaanan maqlayey inay xukuumadu laba kooxood u kala jabtay, koox taageersan in shirad lagu wareejiyo iyo koox ka soo hor jeeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured