Mudaharaad ka dhex istaadh-may Degmada aley-baday iyo dadweyne jaajabiyey Guriga martida ee dhowaan siilaanyo xadhiga ka jaray.

0
Sunday February 15, 2015 - 01:34:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaad ka dhex istaadh-may Degmada aley-baday iyo dadweyne jaajabiyey Guriga martida ee dhowaan siilaanyo xadhiga ka jaray.

    Allaybaday (xogreebnews.com-dad aad u tiro badan oo cadhaysan ayaa mudaharaad la hortay saldhigay allayabday. Dadkan mudaharaadaya ayaa ah eheladii wiil yar oo 13 jir oo maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaybaday (xogreebnews.com-dad aad u tiro badan oo cadhaysan ayaa mudaharaad la hortay saldhigay allayabday. Dadkan mudaharaadaya ayaa ah eheladii wiil yar oo 13 jir oo maanta
Allaybaday (xogreebnews.com-dad aad u tiro badan oo cadhaysan ayaa mudaharaad la hortay saldhigay allayabday. Dadkan mudaharaadaya ayaa ah eheladii wiil yar oo 13 jir oo maanta meydkiisa oo daldalan laga helay gudaha magaalada allaybaday. Dadkan ayaa ku soo xuumay saldhiga degmada waxayna ku dhawaaqayeen eryo ay kamid yihiin dooni mayno maamulka degmada iyo erayo la mid ah.
Dadkan mudaharaadaya ayaa waxay khasaare soo gaadhsiiyeen gaadiidkii ciidan iyo laanbadihii ku xidhnaa suuqa dhexdiisa, Dhanka kale dadkan ayaa shiiday oo jajabiyay gurii martida ee dhawaan xadhiga laga jaray iyo waliba gurigii gudoomiyaha allaybaday. Taliyihii dagmada ayaan la hayn jaan iyo cidhib meel uu dhigay warka ayaa intaa ku daraya in uu fakaday oo uu dhuumasho ku joogo xafad kamid ah xafadaha allaybaday. Wariya degmada allaybaday ee Shabakada Buushaale News oo warkan noo soo diray ayaa booqday saldhiga degmada waxaana uu indhihiisa ku soo arkay dad tiro badan oo mudaharadaya iyo ciidanka oo rasaas ku kala eryay. Wariyaha oo isku dayay in uu xidhiidh la sameeyo taliyaha degmada allaybaday Maxiyadiin Cabdi Ibrahim ayaa loo sheegay in uu dhuumasho kaga baxay saldhig lana garanayn meel uu ku sugan yahay. Gudoomiyaha allaybaday kayse meegaar oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino arintan ayaa xidhnaa tiligoonkiisa gacanta waxaana la noo sheegay in uu gudoomiyuhu ku maqan yahay gabiley.
source buushaalenews



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured