Qorshayaasha Xukuumada Dhaxal wareejinta Dakada Berbera + Damaca Iyo Khiyaamada Cali Xoor-Xoor + Guclo Oradka Wasiirada +Ifafaalaha Gadoodka Bulshada

0
Saturday February 14, 2015 - 22:39:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshayaasha Xukuumada Dhaxal wareejinta Dakada Berbera + Damaca Iyo Khiyaamada Cali Xoor-Xoor + Guclo Oradka Wasiirada +Ifafaalaha Gadoodka Bulshada

    Hargeisa- (xogreebnews.com-Wasiiro Ka tirsan Golaha wasiirada xukuumada Madaxwayne Siilanyo ayaa gucle iyo orad ba ugu jira ka qayb qaadashada wareejinta qaybihii ugu danbeeyey hantidii bir magydada ahayd ee Shacabka reer somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa- (xogreebnews.com-Wasiiro Ka tirsan Golaha wasiirada xukuumada Madaxwayne Siilanyo ayaa gucle iyo orad ba ugu jira ka qayb qaadashada wareejinta qaybihii ugu danbeeyey hantidii bir magydada ahayd ee Shacabka reer somaliland.

Hargeisa- (xogreebnews.com-Wasiiro Ka tirsan Golaha wasiirada xukuumada Madaxwayne Siilanyo ayaa gucle iyo orad ba ugu jira ka qayb qaadashada wareejinta qaybihii ugu danbeeyey hantidii bir magydada ahayd ee Shacabka reer somaliland.
Waxaana ay ahayd badhtamihii sanadkii tagay ee 2014 kii markii ay soo ifbaxday wareejinta Dakada magaalada Berbera oo ah goobaha ugu mihiimsan ee bulshada reer somaliland laf dhabarka u ah taasi oo la sheegay in lagu wareejinayo shirkad laga leeyahay dalka faransiiska oo lagu magacaabo BALLORE . Hadaban tan iyo markii ay arintaasi soo shaacbaxaday waxa iyana ku lamaanaa baratanka iyo ukala dheeraynta wasiiro aanay waxba dhaafin oo Amarka ay sheegaan ka shaqeeyo Aqalka looga arimiyo dalka iyo kuwo kale oo shaqadooodaba aan ka adkayn waa wasiir Xirsi iyo wasiirka Shaqadiisa Inta badan dhaliiisha lagu Sifeeyo Maxamed Miixi Yoonis oo wata Laba shirkadood oo mid walina Dhankeeda ay ula kala heshiiyeen, isla mar ahaantaasina guclo iyo orad ugu jira sidii ay uhelilaaayeen Fursada Dhaxal wareejinta Rukun ka mid ah rukumadii dalkan lafdhabrta u ahaa Qaranka, iyagoo ka door bidaya dantooda gaarka ah iyo dhuuniga ay helayaan. Madaxwaynaha somaliland oo ay wahelinyaan koox ka mid ah wasiiradiisa ayaa safar ugu kicitimay dalka faransiiska Badhtamihii Sanadkii tagay si ay shirkadaasi BALLORE heshiis ula soo galaan waxaanay arintaasi dhalisay fikrado badan oo siyaasiya iyo kacdoono ka dhan ah Asxaabta mucaaradka Somaliland iyo bulshada gobalka saaxil oo ka gadooday arintan ugubka ah ee ay xukuumadu ibo furayso iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta ee dhaxalka unoqonaysa bulshada gobalka saaxil iyo guud ahaan qaranka Somaliland
Dhinaca kale Eng Cali Xoor-Xoor Maareeyaha dekada magaalada berbera ayaa qabay fikir ka duwan fikirka xukuumada siilanyo dabada kariixayso ee ah wareejinta dakada isaga oo dareemay in maamulka dakada hadii shirkada gaar ah lagu wareejiyo ay awoodiisii meehsa ka baxayso isla mar ahaantaasina hadalo ka dhan ah go,aamada xukuumadu ay ka soo baxeen, intaasi kadabna ay fariin canaan ahi uga timi madaxtooyada taasina ay sabatay inuu si dag gad ah uqabto shir jaraaid oo uu ku amaanayo shirkadii uu isagu fikir ahaan diidanaa cabsi uu ka qabo Go,aamo ka dhan ah oo ka soo baxa madaxtooyada waxaanu hada qorshaynayaa sida ilo wareedyo maamulka dakada udhuun daloola ay usheegen shabakada wararka Oodweynenews inuu damacsan yahay samaynta kooxo aan loo tuhmayn oo ka mid ah bulshada magaalada barbera oo si adag uga soo hor jeesta go,anka xukumada ee wareejinta dakada magaalada barbera si ay xukuumady uga laabato qorshaheeda wareejinta dakada isna usii ahaado maareeyaha dakada Berbera.
Hadal haynta ugu badan ee fagaarayaasha bulshadu iskugu timaado ayaa lagu hadal hayey sida uu xaalku noqon hadii xukuumada M. Siilanyo ay wareejiso Hantidii ugu qaalisanayd ee dalkani lahaa waxaana bulsho badani ka rajo go,day sida Aan Waabashada lahayn ee loo boobayo hantidii umada iyadoo ficilada dhaxal wareejinta hantidii guud ee umada ay dadwayne badani ufasirteen kasooni darada ay xukuumada talada haysaa ka qaaday inay dib ugu soo laabato kurisga looga taliyo dalka, maadaama oo ay dhaceen qaladaad badan oo umadu qaadan kari wayday mudadii 4 Sano iyo badhka ahayd ee ay dalka ka talinayasay.Waxa ilaa xad kacsan dareenaka shacabka gobalka Saaxil iyo guud ahaanba Bulshada reer somaliland waxaana ay si xoog ah uga cabsi qabaan sida uu xaal noqon hadii xukuumadu talaabadan ku dhaqaaqdo iyo dhibtaatooyinka ay ka dhaxli karto arintan ugub. Hadii ay arintani wareejinta Dekada magaalada barbera hirgasho waxa iman doona in bulshadu ga,bi aahanba ka rajo go,do nimdaankan xukuumiga ah ee ka talinaya somaliland unta tafaxaytaan sidii ay gacantooda ugu badali lahaaayeen una dhigi lahaayeen muda haraado ka dhan ah lunsiga hantida umad ee qaabka eexda iyo qaraabo kiilka xukuumadani ugu miisayso dadka ay danaha gaarka ah ka leehaday iyo ganacsatada qaraabada dhaw la ah xukuumada ee sida gafanaha naax naaxay .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured