Xuskii Maalinta Jacaylka Adduunka Ee Laga Darreemay Hargeysa Maxaa Inooga Cabba Meeday Islaam-nimadii.Faallo weriye Cabdi casiis Bashiir Nuur.

0
Saturday February 14, 2015 - 22:13:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuskii Maalinta Jacaylka Adduunka Ee Laga Darreemay Hargeysa Maxaa Inooga Cabba Meeday Islaam-nimadii.Faallo weriye Cabdi casiis Bashiir Nuur.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Waxa Habeenkii xalay magaalada Hargeysa, ka dhacay fatasiye iyo damaashaad ay dhalinyarro reer Somaliland ahii kaga qayb gallaayeen inay ku xusaan maalinta Jacaylka adduunka kuwaaso ku dayanaaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Waxa Habeenkii xalay magaalada Hargeysa, ka dhacay fatasiye iyo damaashaad ay dhalinyarro reer Somaliland ahii kaga qayb gallaayeen inay ku xusaan maalinta Jacaylka adduunka kuwaaso ku dayanaaya

Hargeysa(xogreebnews.com-Waxa Habeenkii xalay magaalada Hargeysa, ka dhacay fatasiye iyo damaashaad ay dhalinyarro reer Somaliland ahii kaga qayb gallaayeen inay ku xusaan maalinta Jacaylka adduunka kuwaaso ku dayanaaya dhaqaanada reer Galbeedku aamin-san yihiin ee Valentine's Day. Waxana la arkaayey dhaliinyaro soo xidhayImage result for maalinta jacaylka aduunkadhar casaan ah oo labis ay ka dhigteen ,kuwaaso isaggu jiraa innaamo iyi Hablo. Waxa kale oo habeenkii Sabtida oo ay ku beegnay 14 Febraury Valentine's Day lagu qabtay Huteello ku yaalla caasimada, xafladdo kala duwan kuwaso lagu xusaayo maalinta Jacaylka adduunka. Waxa ayaan darro u weyni tahay inago dad Islaam ah inaynu ku dayaanno oo sidaa dadka Gaalada ah xusno wax aan illaahay inoo cayimin oo haddi ay dadku isku soo marraan dariiqa suubaan ee diinta islaamka ah, ay waajib tahay inay wadaa qaatan waqti ay damaashaad taggan. Waxa kale oo arrintan si weyn uga gaabisay waxka qabashadeeda , Xukuumada somaliland oo la odhan karro way ka seexatay.

Hadaba maalinta jacaylka addunku xaggay kasoo jeedaa, yaase xusaa oo weyneeya .Gaaladdu waxay asteeysteen ama ay sameeysteen maalinta Jacaylka Adduunka.14ka February oo loo yaqaanno Maalinta Valentine Day oo ay dadku u yaqaanaan “Maalinta Jacaylka Aduunka” ama Valentine’s Day. oo ay xusaan Dadka Masiixiyiinta ah ama Gaalada ahii.maalintaas waxay is dhaaf-sadaan fariimaha jacaylka xambaar-san dadka is jecelna way isla xidhiidhaan iyago muujinaya in la joogo maalin ku wayn Jacaylka ayna waajib tahay qof walba oo wax jecel in maalintaas laga dareemo muuqaal jacayl. Waxay u arkaan inay tahay maalintii uu dhashay jacaylku! ama uu xornimadiisii helay. sidaas oo ay tahayWaxaad is waydiisaa Hadii ay tahay Maalin la xuso Jacaylka maxaa loogu bixin waayey (Day of Love) ee Maalinta Jacaylka oo loogu magac daray Baadari Kiristaan ah magaciisa. Waxaynu garan-karnaa inay maalintaasi tahay. Mid cid gaari sameysatay oo aan istaahilin in lala wadaaggo xuskaas oo ah mid Baaderi kaso fulay.

Image result for maalinta jacaylka aduunkaImage result for maalinta jacaylka aduunkaBal aan in yar dul istaagno maalintaas iyo meesha ay kasoo jeeddo asal ahaan,cidi sammeysatay sababta ay uu sameeysteen iyo waliba ujeedka xuska February Valentine's Day. Sidaa la rumaysan yahay waxaa la xusaa oo loo dabaal daggaa Valentine’s Day 14 Feberuary,si loo xuso sanad guuradii ka soo wareegtay markii la dilay Valentine. ka dib dhimashadii cise . Qaar kale waxay ku andacoodaan in Kiniisadaha Chiristanku ay u go”aamiyeen in maalintani Valentin ay noqoto bartamaha February si loo xuso wakhtigii la gaalaysiyey Lupercallia oo ahaa wakhtiyadii hore oo ku siman Roomaniskii,Sidoo kale bisha February waa bil ku bilaabanta wakhtigii barakaysana taasoo ay u qateen in ay tahay bishii is daahirinta.Guryaha ayaana la nadiifiyaa la cadriyaa, la qurxiyaa halkaas oo lagu shubo milix iyo hadhuudh, kaas oo lagu baahiyo dhaman guriga hoostiisa oo dhan, Sidoo kale maalintan February 14- waxaa iyana ay u doorteen in ay noqoto maalintii bac-riminta xaga beeraha taas oo ay u haneeyeen wax ay ugu yeedhaan. ilaha roman ee beeraha,iyo sidoo kale asaasayaashii Romaniska ee la kala odhan jiray Romulus iyo Remus.

Mar hadey sidaasi tahay ma istaahishaa maalintaas inaad adigo islaam ah uu asteysato maalinta jacaylkaaga? Jawaabta fayoobi waa mayaa. Waxa kale oo jiraa qaarka mid ah kiristanka oo ah ashkhaas caanku ah bulshada dhexdeeda ayaa si weyn uga soo hor jeestay. Waxana dadkaas ka mid ah jilaaga weyn ee caanka ah ee salman Khan oo maalintaas ku tilmaamey wakhti lumis. Isago arrimahaas ka hadlaaya Mr Khan waxa uu yidhi.” ,,,, Aniga ma aaaminsani guud ahaan maalintaa waxaana qabaa waa wax waqti lumis ah, oo aan ku haboonayn in la xusoo oo lacag iyo maal faro badan lagu lummiyo”.

Si kastaba ha- ahaatee waxaa waajib inagu ah in aynu wadaajir uga soo horjeesanno maalintaas iyo xus-keedaba oo aynu ku bedellano weyneynta ebbe iyo sidii aynu uu gudan lahayn farralka korkeenna ahaaday kana fogaanno dabinda qarsoon ee diin-laawayaashu ino dhigayaa.W/Q:Cabdi casiis Bashiir Nuur Tel: 4144434

info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured