Dhalinyaradii oo heesaha , Jaaska iyo Anshax Xumo Kale Lagu Baro Tv.ga Qaranka Ka Dib Markii Xukuumadu Ku Fashilantay Shaqo Abuurkooda.

0
Saturday February 14, 2015 - 19:59:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaradii oo heesaha , Jaaska iyo Anshax Xumo Kale Lagu Baro Tv.ga Qaranka Ka Dib Markii Xukuumadu Ku Fashilantay Shaqo Abuurkooda.

    Hargegeysa(xogreebnews.com-Habeenada ugu danbeeyey waxa laga baahinayey tv.ga xukuumadu maamusho ,barnaamijyo dhaqanka iyo diinta ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargegeysa(xogreebnews.com-Habeenada ugu danbeeyey waxa laga baahinayey tv.ga xukuumadu maamusho ,barnaamijyo dhaqanka iyo diinta ku

Hargegeysa(xogreebnews.com-Habeenada ugu danbeeyey waxa laga baahinayey tv.ga xukuumadu maamusho ,barnaamijyo dhaqanka iyo diinta ku lidi ah,kuwaasi oo dhalinyarada dalka lagu casumay,barnaamijkaasi ayaa waxa tartan loogu qabtay dhalinyaradii dalka,iyadoo lagu tartamayo heesaha,jaaska iyo waxyaabo kale oo anshax xumo ah,barnaamiyaasi waxa uu sababay in inta badan dhalinyaro tiro badani suxbayadii ugu danbeeyey casharadii kaga mashquuleen jaaska iyo qaadida heesaha,iyadoo dhaqanka wanaagsan iyo diinta islaamku aysan ogoleyn in dhalinyarada lagu jahawareeriyo waxyaabImage result for denceImage result for denceahaasi diinta islaamku diidan tahay.

Jaaskan iyo heesaha tartanka dhalinyarada loogu qabtay ayaa waxa uu horseedayaa dhaqan xumo dalka ka dhacda,waayo diinta islaamku waxay ina faraysaa in wixii wanaagsana isku sheegno wixii xunka iska reebno,markaa xukuumadda siilaanyo oo umadda masuul uga ah,jiheynta ayaa markii ay ku fashilantay waxay dhalinyaradii ku mashuuqlinaysaa barnaamijyo anshax xumo ah,oo diintu diidan tahay,iyadoo dhali nyaro isku jira hablo iyo wiilalba la is dhex fadhiisiiyey,oo lagu yidhi jaasa,waxaasi ma dhaqanba mise dhaqanka ayaa lagu wanaajin karaa?

Meeye culimadii diintu maxay uga hadli laayihiin barnaamijka dhaqan xumada ah,ee uu horseedka ka yahay faafintiisa wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse oo isagu lahaa fikirka barnaamijka dhaqan xukumada ah ee dalka lagu soo kordhiyey?

Meeye wax garadkii kale ee umadda ee indheergaradata ahaa,ee ubadkoodii lagu ciyaarayo ee halkii barnaamijyo faa’iido u leh,loogu soo bandhigi lahaa lagu wareeriyey barnaamijyo dhaqan xumo ah,oo lagu barayo jaaska,heesaha iyo dhaqan xumo kale?

Qore:Axmed Maxamed Cali

Email:axmed-1994@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured