Fidmada 14 Febuary Valentines Day Waa Aaffo Qaran Oo ka Hor Tag U Baahan? Faallo Weriye c/casiis Bashiir Nuur.

0
Friday February 13, 2015 - 00:13:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fidmada 14 Febuary Valentines Day Waa Aaffo Qaran Oo ka Hor Tag U Baahan? Faallo Weriye c/casiis Bashiir Nuur.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Waxa isaa-soo taraaya xoojinta iyo xusaska aan waajibka ahayn ee maalin ka mid ah maalmaha ku jiraa sannad walba bilowgiisa Bisha labaad ee 14 Febuary

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Waxa isaa-soo taraaya xoojinta iyo xusaska aan waajibka ahayn ee maalin ka mid ah maalmaha ku jiraa sannad walba bilowgiisa Bisha labaad ee 14 Febuary

Hargeysa(xogreebnews.com-Waxa isaa-soo taraaya xoojinta iyo xusaska aan waajibka ahayn ee maalin ka mid ah maalmaha ku jiraa sannad walba bilowgiisa Bisha labaad ee 14 Febuary. Taaso lagu sheeggo inay tahay maalinta jacaylka adduunka. maalintaaso fooda inagu soo haysa ayaa waxay uu baahan tahay in sii wadaa jir ah looga hor tago dhaqankaas aan wanaagsaney ee la-inoo-soo waaridey. Waxanad arkeysaa sannaad walba dhalinyarro Reer Somaliland ah kuwaaso xusaaya ama ku mashquulsanmaalintaas. Iyago magaalooyinka ka baxaaya,ina baxaaya meelaha dalxiiska lo taggo. Sidaa Badda Berbera iyo Beeraha, Wajaale iyo Gabiley.


marka si guud looga hadlo maalintaan
inagu soo Fool-lehi waa maalinta ay Gaaladdu u asteeysteen Jacaylka Adduunka.14ka February oo loo yaqaanno Maalinta Valentine oo ay dadku u yaqaanaan “Maalinta Jacaylka Aduunka” ama Valentine’s Day. oo ay xusaan Dadka Masiixiyiinta ah ama Gaalada ahii.maalintaas waxay is dhaafsadaan fariimaha jacaylka xambaarsan dadka is jecelna way isla xidhiidhaan iyago muujinaya in la joogo maalin ku wayn Jacaylka ayna waajib tahay qof walba oo wax jecel in maalintaas laga dareemo muuqaal jacayl. Waxay u arkaan inay tahay maalintii uu dhashay jacaylku! ama uu xornimadiisii helay. sidaas oo ay tahayWaxaad is waydiisaa Hadii ay tahay Maalin la xuso Jacaylka maxaa loogu bixin waayey (Day of Love) ee Maalinta Jacaylka oo loogu magac daray Baadari Kiristaan ah magaciisa. Waxaynu garan-karnaa inay maalintaasi tahay. Mid cid gaari sameysatay oo aan istaahilin in lala wadaaggo xuskaas oo ah mid Baaderi kaso fulay.

Sidaas oo ay tahay waxa xukuumad iyo shacaba lo baahan yahay in wax laga qabto dhaqalinta haloow-san ee ku mashquul-san xuska maalintaValentines Day. oo ah maalin ay cidi leedahay, ku dayaashadeeduna aanay habooney. Waxan maalmihii lasoo dhaafay arkaayey dhalinyarro is abaabuleysa, kuwaaso u maryo xidhay sidii ay uu xusi lahaayeen maalintaas, isla markaasna waalid-kood uga baxsan lahayeen, doonaayana in fasax ka qaatan School-lada aan dawliga ahayn. Ujeed koodu salka ku hayo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xuska maalintaas.Image result for 14 February Valentine's Day

Bal aan in yar dul istaagno maalintan iyo meesha ay kasoo jeeddo asal ahaan,cidi sammeysatay sababta ay uu sameeysteen iyo waliba ujeedka xuska.Image result for 14 February Valentine's Day

Sidaa la rumaysan yahay waxaa la xusaa oo loo dabaal daggaa Valentine’s Day 14 Feberuary,si loo xuso sanad guuradii ka soo wareegtay markii la dilay Valentine. ka dib dhimashadii cise . Qaar kale waxay ku andacoodaan in Kiniisadaha Chiristanku ay u go”aamiyeen in maalintani Valentin ay noqoto bartamaha February si loo xuso wakhtigii la gaalaysiyey Lupercallia oo ahaa wakhtiyadii hore oo ku siman Roomaniskii,Sidoo kale bisha February waa bil ku bilaabanta wakhtigii barakaysana taasoo ay u qateen in ay tahay bishii is daahirinta.Guryaha ayaana la nadiifiyaa la cadriyaa, la qurxiyaa halkaas oo lagu shubo milix iyo hadhuudh, kaas oo lagu baahiyo dhaman guriga hoostiisa oo dhan, Sidoo kale maalintan February 14- waxaa iyana ay u doorteen in ay noqoto maalintii bac-riminta xaga beeraha taas oo ay u haneeyeen wax ay ugu yeedhaan. ilaha roman ee beeraha,iyo sidoo kale asaasayaashii Romaniska ee la kala odhan jiray Romulus iyo Remus.Image result for 14 February Valentine's Day

Mar hadey sidaasi tahay ma istaahishaa maalintaas inaad adigo islaam ah uu asteysato maalinta jacaylkaaga? Jawaabta fayoobi waa mayaa. Waxa kale oo jiraa qaarka mid ah kiristanka oo ah ashkhaas caanku ah bulshada dhexdeeda ayaa si weyn uga soo hor jeestay. Waxana dadkaas ka mid ah jilaaga weyn ee caanka ah ee salman Khan oo maalintaas ku tilmaamey wakhti lumis. Isago arrimahaas ka hadlaaya Mr Khan waxa uu yidhi.” ,,,, Aniga ma aaaminsani guud ahaan maalintaa waxaana qabaa waa wax waqti lumis ah, oo aan ku haboonayn in la xusoo oo lacag iyo maal faro badan lagu lummiyo”.

Si kastaba ha- ahaatee waxaa waajib inagu ah in aynu wadaajir uga soo horjeesanno maalintaas iyo xus-keedaba oo aynu ku bedellano weyneynta ebbe iyo sidii aynu uu gudan lahayn farralka korkeenna ahaaday kana fogaanno dabinda qarsoon ee diin-laawayaashu ino dhigayaa.

W/QCabdi casiis Bashiir Nuur

Tel: 4144434

info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured