Maxay Madaxda Jabuuti iyo Somaaliya uga Hadleen Kulankoodii shalay Ku Dhex Maray Dalka Jabuuti

0
Thursday February 12, 2015 - 20:12:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Madaxda Jabuuti iyo Somaaliya uga Hadleen Kulankoodii shalay Ku Dhex Maray Dalka Jabuuti

    Djabuuti(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gellinkii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd kulan ku yeeshay magaalada Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Djabuuti(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gellinkii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd kulan ku yeeshay magaalada Jabuuti.
Djabuuti(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gellinkii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd kulan ku yeeshay magaalada Jabuuti.
Kulankan ayaa labada madaxweyne kaga doodeen xukuumadda cusub ee ay ansixiyeen xil-dhibaannada baarlamaanka Somalia iyo qodobbo muhiim u ah xiriirka iskaashi ee labadan u dhexeeya.
“Geelle wuxuu u ballanqaaday dhiggiisa Soomaaliya in dowladdiisu ay si aad u dhow ula shaqeyn doonto xukuumadda cusub ee la meel-mariyay, ayna ka taageerayaan dowladda Somalia xoojinta amniga iyo wadahadallada kala dhexeeya Somaliland,” ayaa laga soo xigtay ilo wareedyo ku sugan Jabuuti.
War-saxaafadeed ay dowladda Jabuuti soo saartay maalin ka hor ayay ku sheegtay inay soo dhaweynayso xukuumadda cusub ee la ansixiyay, iyadoo u rajeysay wasiirrada cusub in howlaha horyaalla ay ku dhameeyaan inta aanu xilliga shaqo ka dhicin.
Dowladda Jabuuti ayay ciidankeedu qayb ka yihiin howlgalka ururka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya, waxaana Somalia kaga sugan hal guuto oo ciidammo ah, kuwaa oo ka howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.
Madaxweynaha Somalia oo ay wehlinayaan xubno qoyskiisa ka tirsan ayaa ka ambabaxay shalay magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in madaxweynuhu uu dalka Jarmalka ugu kicitimay baaritaan caafimaad.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Jabuuti ayaa ballanqaaday inay ciidammo dheeraad u soo dirayso Somalia si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo sannadihii lasoo dhaafay laga qabsaday deegaanno dhowr ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured