Heshiis Ka soo Baxay Shirkii Madaxda Reer galbeedka iyo Ruushka uga Socday Dalka Belerus

0
Thursday February 12, 2015 - 20:09:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiis Ka soo Baxay Shirkii Madaxda Reer galbeedka iyo Ruushka uga Socday Dalka Belerus

    Belerus(xogreebnews.com-Hoggaamiyayaasha dalalka Ukraine, Ruushka, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa ka soo muuqday wadahadalo ka socday dalka Belarus maanta oo khamiisa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Belerus(xogreebnews.com-Hoggaamiyayaasha dalalka Ukraine, Ruushka, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa ka soo muuqday wadahadalo ka socday dalka Belarus maanta oo khamiisa,
Belerus(xogreebnews.com-Hoggaamiyayaasha dalalka Ukraine, Ruushka, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa ka soo muuqday wadahadalo ka socday dalka Belarus maanta oo khamiisa, kaas oo lagu gaadhay heshiis xabbad-joojin ah oo ujeedadiisu tahay in lagu soo afjaro dagaallo bilo ka socday bariga dalka Ukraine oo ay ku dhinteen kumanaan qof.
Xabbad-joojintan oo hirgelaysa bishan February 15-keeda, ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii ay dhinacyadani lahaayeen wadahadalo socday illaa 16 saacadood oo ka dhacayey caasimadda dalka Belarus ee Minsk.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dhinacyadu ay isla garteen inay ku heshiiyaan waxyaabaha waaweyn taas oo ay ku jirto in goolaha dagaalladu ka socdaan laga saaro hubka cul-culus.
Kooxaha Mucaaradka ee Ruushku taageero ayaa iyaguna aqbalay heshiiskan cusub.
laakiin dhinacyada oo dhan ayaa ku muujiyey shirar jaraa’id oo ay gaar-gaar u qabteen inay weli jiraan waxyaabo lagu kala aragti duwan yahay. Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in shaqo badan la qabtay.
Inkasta oo la soo bandhigay heshiiskan xabbad joojinta ah haddana saraakiisha milateriga ee Ukraine ayaa sheegaya in Tangiyo dagaal iyo hub culusi uu ka soo gudbayo xuduudda dalkaasi la leeyahay Ruushka habeenkii xalay ahayd.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured