Ethiopia Oo Ka Hadashay Isku Dhacii Shalay Quljeed Ku Dhexmaray Maleeshiyada Wabar Iyo Ciidanka Somaliland

0
Wednesday February 11, 2015 - 17:22:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia Oo Ka Hadashay Isku Dhacii Shalay Quljeed Ku Dhexmaray Maleeshiyada Wabar Iyo Ciidanka Somaliland

    Addis Ababa (xogreebnews.com-Dawladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay baadhis ku samaynayso Koox shalay weerar ku soo qaaday Ciidanka Somaliland ee Qulujeed,kuwaasi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa (xogreebnews.com-Dawladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay baadhis ku samaynayso Koox shalay weerar ku soo qaaday Ciidanka Somaliland ee Qulujeed,kuwaasi oo Addis Ababa (xogreebnews.com-Dawladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay baadhis ku samaynayso Koox shalay weerar ku soo qaaday Ciidanka Somaliland ee Qulujeed,kuwaasi oo sheegay inay taabacsan yihiin Suldaan Wabar, balse ka soo talaabay Xuduuda Itoobiya, markii Ciidanku baacsadayna dib uga talaabay Xuduudka. Ambasador, Behre Tesfaye, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa arrintani ka hadlay waxaanu sheegay inaanay arrintan ka wada shaqayn Somaliland “Maan maqlin dhacdadaas, Xukumadda Somaliland-na Xidhiidh nagalamay soo samayn” ayuu yidhi Ambasadorka oo Wargeyska Himilo u waramay. Ambasador Behre Tesfaye, waxa uu sheegay in dawladda Ethiopia baadhis ku samaynayso dhacdada shalay iyo cidda ay yihiin Dablayda weerarka gaysatay “Waxaanu baadhaynaa Cida Weerarka gaysatay inay Suldaanka taageersan yihiin iyo inay Cid kale yihiin” ayuu yidhi Ambasadorka oo sheegay inaanay ogolaan doonin weerar Somaliland kaga yimaada Ethiopia iyo in Maleeshiyo ku dhex dhuumato.

Weerarka Shalay waxaa dhaawacmay Hal Askari oo Ciidanka Qaranka ka tirsan,Haweenay shacab ah, iyadoo kooxda Weerarka gaysatayna la sheegay in hal qof ka dhaawacmay midna nolosha lagu qabtay.Ethiopia iyo Somaliland ayaa iska kaashada dhanka amaanka,balse lama oga sababta Ethiopia u ogolaatay in Suldaan Wabar iyo kooxdiisu ka hawl galaan Ethiopia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured