Dagaal Aan Khasaare Geysan Oo Quljeed Ku Dhex Maray Maleeshiyo Taabacsan Wabar Iyo Ciidamada Somaliland

0
Wednesday February 11, 2015 - 17:02:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Aan Khasaare Geysan Oo Quljeed Ku Dhex Maray Maleeshiyo Taabacsan Wabar Iyo Ciidamada Somaliland

    Quljeed (xogreebnews.com— Ciidanka Somaliland iyo Dablay taabacsan Suldaan Wabar ayaa iska hor imaad ku dhexmaray Degmada Qolujeed ee Gobolka Awdal, islamarkaana waxyar u jirta Xuduudka. Inta la ogyahay Hal Askari ayaa ka dhaawacmay Ciidanka S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Quljeed (xogreebnews.com— Ciidanka Somaliland iyo Dablay taabacsan Suldaan Wabar ayaa iska hor imaad ku dhexmaray Degmada Qolujeed ee Gobolka Awdal, islamarkaana waxyar u jirta Xuduudka. Inta la ogyahay Hal Askari ayaa ka dhaawacmay Ciidanka Somaliland, halka Quljeed (xogreebnews.com— Ciidanka Somaliland iyo Dablay taabacsan Suldaan Wabar ayaa iska hor imaad ku dhexmaray Degmada Qolujeed ee Gobolka Awdal, islamarkaana waxyar u jirta Xuduudka. Inta la ogyahay Hal Askari ayaa ka dhaawacmay Ciidanka Somaliland, halka Haweenay rayid ahina ku dhaawacantay Rasaasta la iswaydaarsaday. Kooxdan oo tiradooda lagu sheegay 6 ayaa iyagana la sheegay in hal qof laga qabtay. Dagaalkan oo abaaro 10:00 Maalinimo bilaamay ayaa muddo ku dhow 25 daqiiqo la is rasaasaynayay iyadoo markii dambena kooxda laga talaabiyay Xuduudka. Arrintan ayaa ka dhacday Gudaha Magaalada Qolujeed, halkaasi oo labada Dhinac iskugu soo galeen. Wararka qaar ayaa sheegay in Ciidanka Somaliland oo halkaasi ka Dukaamaysanaya ay ugu soo galeen Kooxda oo iyana muraad u leh Tuulada. Dad xogogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in Kooxdu si dhuumaalaysi ah u soo gasho Degmada islamarkaana Muraadkooda ka fushadaan kadibna Xuduudka ka talaabaan. Ilaa hadda ma jiro Warar dhinaca Xukumadda iyo Ciidanka Somaliland ka soo baxay, balse tan iyo dhawr Bilood ka hor markii Suldaan Wabar galay Buuraha Ethiopia iyo Somaliland u dhexeeya gaar ahaana Awdal ayay Gobolkaasi ka jireen Xiisado amaanka lagaga walaacsan yahay. Gobolka Awdal ayaa ahaa meelaha Somaliland ugu amaansan kadib burburkii dowladii dhexe ee Somaliweyn.

Boorama xogreebnews.com-office /somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured