Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Saylici Iyo C/raxmaan Aw Cali Oo Isku Khilaafay Arrinta Suldaan Wabar

0
Wednesday February 11, 2015 - 16:58:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Saylici Iyo C/raxmaan Aw Cali Oo Isku Khilaafay Arrinta Suldaan Wabar

    Hargeysa (xogreebnews.com- Warar Xogogaala Oo u dhuun daloola kulan ay isku hor fadhiisteen Masuuliyiin xilal kala duwan soo qabtay oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegaya inay isku khilaafeen xal la doona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com- Warar Xogogaala Oo u dhuun daloola kulan ay isku hor fadhiisteen Masuuliyiin xilal kala duwan soo qabtay oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegaya inay isku khilaafeen xal la doona Hargeysa (xogreebnews.com- Warar Xogogaala Oo u dhuun daloola kulan ay isku hor fadhiisteen Masuuliyiin xilal kala duwan soo qabtay oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegaya inay isku khilaafeen xal la doonayey in lagu soo xero galiyo Suldaan Wabar iyo kooxdiisa.Kulanka labada dhinac dhex maray oo la soo wariyey in uu ka dhacay Madaxtooyadda ayaa la sheegayaa labada kooxood inay kala hogaaminayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo dhinaca kale oo uu hogaaminayey C/raxmaan Aw Cali Faarax, oo soo maray xilka madaxweyne ku-xigeen wakhtigii Marxuum Cigaal. Lama sheegin Madaxweyne ku-xigeenka cid ku wehelinaysay kulankan, laakiin C/raxmaan Aw Cali Faarax waxa ku wehelinayey xubin ka tirsan Komishanka Qaranka oo la yidhaa Saygoon kana soo jeeda Gobolka Awdal, Sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidamada iyo xubin kale.

Kooxda C/raxmaan Aw Cali Faarax ayaa la sheegay ujeedada ay Madaxtooyadda u tageen inay ahayd sidii ay wadahadal ugala yeelan lahaayeen Madaxweynaha Arrinta Suldaan wabar, hase yeeshee waxa taas ganafka ku dhuftay Madaxweyne ku-xigeenka oo la sheegay in uu Dood adag ka hor keenay ujeedada kooxda kale ku doonayso in lagaga hadlo Suldaan wabar, fadhigaas oo madaxweyne Siilaanyo iyo Xirsi goobjoog ka ahaayeen.
Saylici ayaa la sheegay in uu si adag u dhaliilay aragtida kooxda ka soo horjeeda isagoo ku adkaystay Suldaan wabar in aan gorgortan laga galin arrintiisa, Wuxuuna Saylici ku dhaliilay C/raxmaan aw cali ka aamusnaanta iyo camaabarayn la’aanta falka Suldaan Wabar, wuxuuna Saylici waxaanu ku adkaystay xukuumad ahaan inay difaaci doonaan Qaranimada, cid kasta oo ka hor timaadana nidaam xukuumadeed wax kaga qaban doonaan.
Dooda Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la sheegay in ay sababtay in ay ka soo cadhoodeen Kooxda u socotay furdaaminta muranka Suldaan Wabar, ilaa hadana lama oga docda kale ee ay uga wareegeen Saylici.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured