Heshiiskii Midowga Urur Siyaasadeedka DALSAN iyo Xisbiga KULMYE oo Laba Jirsaday iyo Natiija La,aanta laga Dhaxlay. Xoghayahii Urur Siyaasadeedka Dalsan Maxamed Aadan Gacayte ayaa maanta ka hadlay halka uu ku danbeeyay heshiiskii ay ku midoobeen ururka dalsan iyo xisbiga Kulmiye, halka uu ku danbeeyay.

0
Wednesday February 11, 2015 - 11:48:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiiskii Midowga Urur Siyaasadeedka DALSAN iyo Xisbiga KULMYE oo Laba Jirsaday iyo Natiija La,aanta laga Dhaxlay. Xoghayahii Urur Siyaasadeedka Dalsan Maxamed Aadan Gacayte ayaa maanta ka hadlay halka uu ku danbeeyay heshiiskii ay ku midoobeen ururka dalsan iyo xisbiga Kulmiye, halka uu ku danbeeyay.

    Kadib doorashooyinkii golayaasha deegaanka JSL ee la qabtay 28 Nov 2012 waxa doorashooyinkaa ku tartamay 5 urur siyaasadeed iyo 2 xisbi qaran aakhirkiina wax ka soo dhex baxay 3da xisbi qaran ee manta dalka ka jira, hadaba ururadii ku hadhay tartanki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib doorashooyinkii golayaasha deegaanka JSL ee la qabtay 28 Nov 2012 waxa doorashooyinkaa ku tartamay 5 urur siyaasadeed iyo 2 xisbi qaran aakhirkiina wax ka soo dhex baxay 3da xisbi qaran ee manta dalka ka jira, hadaba ururadii ku hadhay tartankii doorashooyinka Kadib doorashooyinkii golayaasha deegaanka JSL ee la qabtay 28 Nov 2012 waxa doorashooyinkaa ku tartamay 5 urur siyaasadeed iyo 2 xisbi qaran aakhirkiina wax ka soo dhex baxay 3da xisbi qaran ee manta dalka ka jira, hadaba ururadii ku hadhay tartankii doorashooyinka iyagoo u hogaansan shuruucda dalka iyo xeerka doorashooyinka qaranka

Heshiiskii Midowga Urur Siyaasadeedka DALSAN iyo Xisbiga KULMYE oo Laba Jirsaday iyo Natiija La,aanta laga Dhaxlay.

Xoghayahii Urur Siyaasadeedka Dalsan Maxamed Aadan Gacayte ayaa maanta ka hadlay halka uu ku danbeeyay heshiiskii ay ku midoobeen ururka dalsan iyo xisbiga Kulmiye, halka uu ku danbeeyay.

Hadaba mar ay warbaahinta magaalada hargeysa ay wax ka waydiisay arimahaas waxa uu udhignaa sidan.

Kadib doorashooyinkii golayaasha deegaanka JSL ee la qabtay28 Nov 2012waxa doorashooyinkaa ku tartamay 5 urur siyaasadeed iyo 2 xisbi qaran aakhirkiina wax ka soo dhex baxay 3da xisbi qaran ee manta dalka ka jira, hadaba ururadii ku hadhay tartankii doorashooyinka iyagoo u hogaansan shuruucda dalka iyo xeerka doorashooyinka qaranka oo dhigaya ururada ku hadha tartanka doorashooyinka ee aan u gudbin xisbi qaran waa inay ku kala biiraan 3 xisbi qaran iyagoo u madaxbanaan in xisbiga ay dan moodaan ku biiriyaan cududooda iyo taageerayaashoodaba.

Hadaba horaantii sanadkii 2013 waxa heshiis mudo socday dhex maray masuuliyiinta urur siyaasadeedka dalsan iyo masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumada kulmye, aakhirkii waxa lakala saxeexday heshiis ay ku midoobayaan ururka dalsan iyo xisbiga kulmye isla markaas sheegaya saamiga ururka dalsan ku yeelan doono Xisbi Xaakimka Kulmiye haday tahay Golaha Fulinta iyo Golaha dhexeba, heshiiskaana waxa wada saxeexay labada Guddoomiye ee ururka DALSAN iyo Xisbiga KULMIYE taariikhdu markay ahay11/02/2013.

Qaar ka mid ah qodobadii heshiiska midowga Dalsan iyo Kulmiye wax ka mid ahaa:-

1. In ururka DALSAN 7 xubnood laga siiyo guddida fulinta ee xisbiga kulmiye

2. In ururka DALSAN 30 xubnood laga siiyo Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye

3. Iyo qodobo kale oo dhowra.

Hadaba waxa aan halkan kusoo bandhigayaa Xisbi xaakimkii Kulmiye waxa aanu kala kulanay, marka hore Xisbigii wuxuu noqday meel iska habqan ah oo aanad kala saarayn cida ay talada xisbigu ka go,do oo waxaad moodaa in awoodahii xisbigu aanu u dhamaystirnayn cida ku magacaaban hogaaminta xisbiga isla markaana aan go,aan laga gaadhi Karin heshiisyadii la saxeexay, talada xisbiguna aanay gacanta ugu wada jirin gudoomiyaha xisbiga oo ah masuulkii saxeexay heshiiskii dalsan ay la gashay kulmye.

Waxa kale oo aan cadaynayaa in saamigii lagu heshiiyay in la siiyo ururka Dalsan ee ahaa G.fulinta iyo G.dhexe, labada meesha laga saaray oo aan hal qof laga qaadan xubnihii aanu ugudbinay xisbiga Kulmiye ee ka mid noqon lahaa golaha dhexe iyo fulinta xisbiga

Xukuumada iyo xisbiga kulmiye labaduba waxay ka fashilmeen meel marinta heshiiskii midowga ururka Dalsan iyo xisbiga Kulmiye, wax ka fulayna ma jiro ilaa maanta haba yaraatee, taasi waxay cadaynaysaa in xisbigii aanay ka jirin wax cadaalad ah oo dhigaysa wadalahaanshaha xisbiga iyo meel marinta heshiisyada lawada galay taas oo laga joogo mudo laba sano oo gow ah.

Waxa aan fariin u dirayaa dhamaan masuulyiintii kala duwanaa, xildhibaanadii iyo taageerayaashii ururka dalsan inaan ka raali galiyo heshiiska beenoobay ee xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisu masuulka ka yihiin, talaabo kasta oo ay qaadaan noqoto mid khiyaamo ku jirto oo waxba kama jiraan ah iyo midho dhal la,aan ku danbeeya.

Waxa aan u sheegayaa hogaanka xisbiga kulmiye in xisbiga kaaraamadiisii iyo sharaftii lagu doortay kulmiyeHeshiiskii  Midowga Urur Siyaasadeedka DALSAN iyo Xisbiga KULMYE oo Laba Jirsaday iyo Natiija La,aanta laga Dhaxlay. Xoghayahii Urur Siyaasadeedka Dalsan Maxamed Aadan Gacayte ayaa maanta ka hadlay halka uu ku danbeeyay heshiiskii ay ku midoobeen ururka dalsan iyo xisbiga Kulmiye, halka uu ku danbeeyay.iyo siilaanyo aad meel kaga dhacdeen taasina keeni karto burbur ku yimaada xisbiga kaas oo imikaba jira oo aan ilaa hada la xalin khilaafkii soo xulista golaha dhexe oo ay jiraan laba liis oo qolo waliba ay dhiancooda u haysto inuu yahay ka saxda ah, sidoo kale xarintii xisbiga looga talinayay noqotay guri cas laga guuray oo aan gabi ahaanba shaqayn

Gabagabadii waxaan leeyahay hadaan xisbiga kulmiye aanu sidaa wax kabadalin inuu lumiyay kalsoonadii shacabku siiyay ee lagu doortay madaxweyne siilaanyo taasina ay caqab ku noqonayso in marlabaad ay helaan kalsooni iyo taageero shacbi oo Kulmiye iyo M/weyne siilaanyo gaadhsiisa inuu ku guulaysto teeramkiisa labaad.

Heshiiskii  Midowga Urur Siyaasadeedka DALSAN iyo Xisbiga KULMYE oo Laba Jirsaday iyo Natiija La,aanta laga Dhaxlay. Xoghayahii Urur Siyaasadeedka Dalsan Maxamed Aadan Gacayte ayaa maanta ka hadlay halka uu ku danbeeyay heshiiskii ay ku midoobeen ururka dalsan iyo xisbiga Kulmiye, halka uu ku danbeeyay.Xogahayihii Urur Siyaasadeedka DALSAN

Mr. Mohamed Aadan Dubad "Gacayteā€¯

Gacayte09@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured