Waraysi Taxane Noqon Doona Oo Lala Yeeshay WAsiirkii Qorsheynta iyo Isu-duwida Hay'adaha Ee Xukuumaddii UDUB+Qaybtan Waxa Uu Aqoon-yahan Cali Sanyare Si Cilmiyeysan Isu Barbar Dhigayaa Isbaddelkii KULMIYE Ee 2010-kii iyo Isbeddalka Shacbigu Maanta U Ooman yahay

0
Sunday February 08, 2015 - 22:54:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waraysi Taxane Noqon Doona Oo Lala Yeeshay WAsiirkii Qorsheynta iyo Isu-duwida Hay'adaha Ee Xukuumaddii UDUB+Qaybtan Waxa Uu Aqoon-yahan Cali Sanyare Si Cilmiyeysan Isu Barbar Dhigayaa Isbaddelkii KULMIYE Ee 2010-kii iyo Isbeddalka Shacbigu Maanta U Ooman yahay

    Geneva(xogreebnews.com-Akhristayaal waxaanu hore idiinku soo gudbinay waraysi ay shabakadda wararka ee qurbejoog ay la yeelatay wasiirkii qorshaynta ee xukuumadii hore Md. Cali Ibrahim Maxamed (Sanyare) kaas oo uu kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geneva(xogreebnews.com-Akhristayaal waxaanu hore idiinku soo gudbinay waraysi ay shabakadda wararka ee qurbejoog ay la yeelatay wasiirkii qorshaynta ee xukuumadii hore Md. Cali Ibrahim Maxamed (Sanyare) kaas oo uu kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ka taagan.

Geneva (xogreebnews.com-Akhristayaal waxaanu hore idiinku soo gudbinay waraysi ay shabakadda wararka ee qurbejoog ay la yeelatay wasiirkii qorshaynta ee xukuumadii hore Md. Cali Ibrahim Maxamed (Sanyare) kaas oo uu kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ka taagan.

Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali Sanyare), Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa, isagoo joga magaalada Jineefa (dalka Swiserlaan), ay shabakada Somali Diaspora News La yeelatay Waraysi dheer oo taxane noqon doona, kaasi oo socon doona dhawr todobaad Haddaba Qaybtii 2aad ee Waraysigani waxa uu u dhacay sidan ee akhris wacan:

S: Muxuu Isbeddel-doonka shacbiga Somaliland ee 2015 kaga duwanyahay kii KULMIYE, Xisbiga UDUB xukunka kaga tuuray ee sanadkii 2010?

J: Labada isbeddel-doon ee aad sheegtay waxay ku kala duwanaan karaan wakhtiga oo kala duwan awgood iyo duruufaha tabashooyinka bulshada ee ku geddaaman oo iyana kala duwanaan kara. Waxay dadka siyaasadda ka faallooda ku salleeyaan afar qodob oo waa-weyn sababaha UDUB xukunka looga tuuray, iyadoo

laga yaabo in qaar kalena jiri karaan. Kuwaas oo kala ah:

1). Xisbiga UDUB wuxuu xukunka dalka hayey muddo dheer marka laga bilaabo shirkii Boorama ee Madaxweyne Cigaal lagu doortay ilaa sanadkii 2010. Waxay taasi keentay in bulshadu ka daashay horjoogooda, sida. dalal badan oo kaleba wakhtiyada qaarkood ka dhacda, oo markaas taageeradii bulshadu u haysay diciiftay, dhinaca Isbdel-doonkana u-sii-siqeen

2). Waxa taas si fiican uga faa’ideystay xisbiga KULMIYE oo qaaday olole siyaasideysan iyo mid qabiileysan, oo aan geedna loogu soo gab-ban, oo tol’aayeey ahaa, kaasoo si mug leh uu ugu kasbaday codkii gobollada dhexe ee dalka. Gobollada darafyadana si uu cod dheeraad ah uga helo uu ‘Cirka iyo Dhulkaba’ ugu ballanqaday. Barnaamijka xisbiga KULMIYE waxa uu ahaa Mid Muunad ah oo keliya. Hase yeeshee ololaha beelleysan balanqaadkii ay beelaha kula heshiiyeen oo qaarkood aanay rumoobin ayaa codka dheeraadka ah keenay.

3) Olalaha beeleysan ee KULMIYE ayaa cabsi badan geliyey madaxdii xisbiga UDUB. Waxay markaas ka hakiyeen miisaaniyaddii Olalaha ee loogu talogaley gobollada iyo degmooyinka qaarkood. Codku ku dhaafye, lacagtu yaanay ku dhaafin ayaa la miciinsaday.Waxay taasi keentay in hawlwadeenadii xisbigu kala yaaco.Wuxuu kaftanku noqday “UDUB iyada is-ridaye cid kale yaanay eersanin.” Iyo

4). Tabashooyin bulsho oo aan wakhtigoodii la fulin, waxna laga qaban.

Isbedel-doonka maanta dalka ka socda ee ku jihaysan doorashada fooda inugusoo haysa ee sandakan, isna wuxuu leeyahay wakhtigiisa iyo duruufihisa u gaarka ah. Waxaa duruufahaa ka mid ah oo la sii-saadaalin kara in caadifadii beeleys-neyd ee gobollada dhexe ku siiyeen codkooda KULMIYE ay meesha hadda ka baxday, lagana yaabo, sida muuqata, in badankoodu ay ka-codeyaan, sababo badan awgood.

Bacdamaa aanay weli doorashadii dhicin, waxaynu hadda saadaalin karnaa oo keliya guuxa bulshada Isbeddel-doonka ah iyo waxay ku taamayaan inay ka digo-rogtaan ee ah in isbedel-doonkoodu keeno. Waxaan is-leeyahay guuxa iyo tabashooyinka bulshada waxa ka mid ah:

Guuxa kacdoon bulsho oo higsanaya dawlad wanaag, wada tashigii iyo isku tanaasulkii sooyaalka u ahaa Somaliland ee ay ku caana maashay oo ka reeban handidaad, cagajugleyn, cabsi iyo xabsiga dhig.

Waa guux kacdoon oo ku dhisan mabda ‘wadaniyadeed, midnimo, walaaltinimo, isku-tiirsanaan, aamisana dib-u-soo nooleynta haybadii qarannimada dhabta ahayd iyo

gooni-isku-taageenii shacbigu u codeeyey, iyadoo kuwaas oo dhan gorgortan cidna lagala galeyn.

Waa gadood dib-u — soo nooleynaya caddaaladdii hogga madow lagu riday iyo garsoorkii la marin habaabiyey, si loo helo cadfaalad sugan oo la taaban karo, bulshadu-na u simantahay iyo garsoor dhexdhexaad ah oo xaqsoor hufan leh iyo tayo cadaaladeed oo sare.

Waa guux kacdoon oo ku adkeysan doona in la furo maxkamado u gaar ah dembiyada qaranka laga galo ee la xidhiidha musuq-maasuqa, boobka hantida qaranka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee la wada leeyahay si loo cidhib tiro dembiyada dalka ragaadiyey.

Waa isbedel- doon horseedi kara saami-qaybsi xalaal ah oo gobollada dhammaantood iska arki karto.

Waa rabitaan bulsho oo maamul dejineed oo wax-ka-bedeli doona qaab-dhismeedka laamaha fulinta ee xukuumadda, xoojin doonana awoodaha maamul ee degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada, si ay u noqdaan xudunta ugu muhiimsan ee horumarinta bulshada, abuuri doonana dhaqan-dhaqaale cusub.

Waa guux kacdoon oo ka reeban maamul-xumo, una horseedaya maamul wanaag, wada-noolaasho, dhaqan wanaag, daacadnimo iyo karti iyo hufnaan.

Waa isbedel ixtraami doona dhammaan xuquuda aasaasiga ee muwaadinka ee ku cad dastuurka dalka, sharciyada kale ee u degsan somaliland iyo qawaaniinta caalamiga ah. Si loo helo shaqaale dawladeed oo u shaqeya bulshada oo aan ka shaqeysan. waa isbedel ku adkeysan doona wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo sharciga shaqaalaha dawlada u degsan, xoojinna doona tayenta aqoonta shaqaalaha, iyagoo ku shaqeyn doona qandraasyo mudeysan oo la cusbooneysin karo oo dhawra Shaqadooda iyo xuquuqdooda, si joogta ahna u qiimeeya kartidooda iyo hufnaantooda.

Waa isbedel ka dhabeyn kara ictiraafka Somaliland, dibna u soo nooleynaya ololayaashii ictiraaf-raadinta ee muwaadin kastaba u xusul-duubnaa.

Waa isbedel dib-u-dhisi doona midnimada qurbejooga, soona celin doona xamaasadii iyo qiiradii wadaninimo ay ku can baxeen, ka hor intaan si beeleysan lays-kugu dhufan.

12). Waa isbedel doon dib tooshka ugu iftiimin doona halkay ku sugan yihiin kumanaankii Ajnebi ee loo yaqaanay “SAAXIIBADA SOMALILAND” ee xukuumada hadda joogta cidlada kaga dhaqaaqday. Kuwaas oo ay ku Jireen xildhibaano reer Yurub iyo Afrikaba lahaa, suxufiyiin afar qaaradood ka tirsan, barofasoorro badan oo wax badan ka qoray qadiyadeena, siyaasiyiin cul culus iyo ururro bulsho oo daafaha dunida inooga doodi jiray. Kuwaas oo dhammaantood waxtar weyn ka geystay ictiraaf-raadinta. Waxay xidhiidh saaxiibtinimo iyo wada-shaqeyn la lahayeen dhammaantood xukuumaddihii ka horeeyey xukuumadda maanta.

Dareenka bulshada isbedel-doonka ahi uma dabajoogsan doonto SOMALIYA oo keliya qadiyada ictiraaf-raadinta somaliland, kumana xidhi doonto masiirkeeda dal keliya oo dal ahaan ku sheeganaya, dad iyo dal ahaanna jiritaankaaga aan aqoonsanaayeen.

Waa gadood musuq-maasuq diid ah oo xaaraantimeynaya boobka mas’uuliyiintu ku hayaan hantida qaranka.

Waa gadood shacbi oo eex iyo qaraaba-kiil diid ah, oo ka cadheysan sharci u

qaloocinta loo sameeyo ganacsato iyo muwaadiniin gaar ah, si ay uga faai’ideystaan hantida qaranka, iyagoo la baal marsiinayo nidaamka xalaasha ah ee tartanka furan ee qandraasyada ee dunida ku dhaqanto.

Waa isbedel ka damqanya sicir bararka iska socda ee la xakameyn kari la’yahay. Noloshii bulshada danyarta ahna cidhiidh gelisay, Macaluul baahsanna

ku riday. Waxa intaas u raaca iyagoo tabashooyinkooda layska indhotiro.

17). Waa gadood laba cashuur kordhin oo sandale ah diidan,Kuwaas oo aan is-ogeyn oo kasoo kala baxa dawlada dhexe iyo dawladaha hoose. taasoo dhabarjab dhaqaale ku keentay bulshada danyarta ah, ganacstada guud ahaan iyo ,gaar ahaan, ganacsatada yar yar oo ay ku jiraan wadhatadu.

18). Waa isbedel ka cadheysan nidaamka loo xulo dhalinyarada u baxda fursadaha dibadeed ee waxbarasho ee dalalka aynu saaxiibka nahay inooga deeqaan ( sida Itoobiya iyo kuwo kale). Kuwaas oo lagaga cabanayo in qaraabakiil lagu xulo. Marmarka qaarkoodna lambar go’an loo furo tartan, Lambar intaas le’egna loogu qaybiyo guryahooda ardeyda xigtada u ah masuuliyiinta, tartan la’aan.

19). Waa balan bulsho oo ku adkeysan doonta wax-ka-qabadka walaaca nabadgelyo

xumo iyo colaadeed ee dalka soo wajahay .

20). Waa cadho xoogan iyo cabasho taagan oo ku jiheysan nidaamka shaqaalaha dawladda loo qoro. Nidaamkaas oo baalmarsan qodobka 9aad,faqradiisa 1aad iyo 2aad ee sharciga shaqaalaha dawladda ee qeexaya shuruudaha shaqo qorista oo ah in tartan Imtixaan furan lagu galo. Faqrada 4aad ee isla qodobka sharciga kor ku xusan waxay caddeyneysa shaqo qoris kasta oo nidaamka tartan imtixaan furan soo

marini ay tahay wax kama jiraan. Waxay bulshadu sheegeysa, intii xukuumadani timid in laba jeer oo keliya tartan imtixaan furan oo warbaahinta lagu faafiyey loo galey shaqooyin .Imtixaanka kowaad waxa la qabtay sanadkii 2011 markii xukuumaddu go’aamisay in imtixaan laga wadaqaado dhamaan shaqaalaha dawladda. Imtixaanka labaadna waxa loo qabtay shaqaalihii diiwaangelinta madaniga loo qaatay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha bishii May 2014kii. Waxaase, la sheega in xukuumadu qoratey shaqaale gaadhaya 7000 (todoba kun) oo qof.Nidaamka khaldan ee hadda shaqo qorista loo mara wuxuu yahay nooca loo yaqaano “qaataye qaado” oo ku saleeyaan Lisas lays dhaafsado oo Komishanka Shaqaalaha Dawladduna ansixiyo. Waxay tanni ku keentay shaqooyinkii xukuumadda ee loo wada sinaa in , si gaar ah ,shaqaalaha la qortay dhinacyo uga raranyahay.

Lasoco Qaybta 3aad ee Waraysigan oo Soo Bixi Doona Khamiista toddobaadkan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured