Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Oo Ugu Baaqay Bangiyada Maraykanka Inay Ka Noqdaan Go’aanka Xayiraada Xawaaladaha Somaliland

0
Sunday February 08, 2015 - 19:27:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Oo Ugu Baaqay Bangiyada Maraykanka Inay Ka Noqdaan Go’aanka Xayiraada Xawaaladaha Somaliland

    Muqdisho(xogreebnews.com-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in Muqdisho(xogreebnews.com-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay adeegga Xawaaladaha oo ay lacago usoo marsiiyaan eheladooda ku nool dibadda.“Lacagaha ay soo diraan Soomaalida ku nool dibadda, ayna fududeeyaan bangiyada Mareykanka, waxa ay u tagtaa qoysas iyo caruur la tacaalaya nolol adag. In badan oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan adeega ay u fudiyaan Xawaaladahu” ayuu yiri Sharmaarke. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dareensan tahay wa-lwalka Bangiyada ee ah la dagaallanka dhaqdhaqaaqyada sharci darada ah, xalaaleeynta lacagta dambiyada laga sameeyo iyo argagixisada, laakiinse uu horseedi karo go’aanka Bangiyada dhibaato kale oo bini aadamnimo oo dalka soo food saarta. “Go’aanka Bangiyada Mareykanka ee ah in uu xirayo xisaabaadka bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha lacagta waa in dib loo eegaa maxaa yeelay tani waxa ay marmarsiiyo la’aan dhibaataynaysaa Soomaaliya oo dhan”.ayuu yiri RW Cumar. Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay nolosha dadka Soomaaliyeed wax ka badan 60% ay ku xiran tahay lacagta ay qurba joogtu ka soo diraan dibadaha“Muddo sanado ahba Xawaladaha Soomaalidu waxay samaynayeen shuruudaha iyo soo rogida sharciyo adag si ay howlahood shaqo u noqdaan kuwo aan mugdi ku jirin. Waxey inbadan ku celceliyeen iney u heelan yihiin wax ka badalka habkii ay lacagta u diri jireen. Dawlad ahaan, waan amaanaynaa dadaalkooda iyo baaqayada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanku ku doonayaan in Xawaaladuhu ku sii shaqeeyaan, waxaana ugu baaqaynaa Bangiyada Maraykanka in ay xoogga saaraan in xal laga gaaro dhibaatadaan hada soo korortay, halkii lagu deg degi lahaa in xawaaladaha laxiro.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured