Faadumo siciid Haweenaydii Riixiga ahayn? W/Q cabdi casiis Bashiir Nuur.

0
Sunday February 08, 2015 - 00:22:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faadumo siciid Haweenaydii Riixiga ahayn? W/Q cabdi casiis Bashiir Nuur.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Faadumo Siicid Ibraahin waa Hooyo samafalad ah oo intaa badan ku mashquul-san sidii ay wax badan uga bedeli lahayd waayaha nololeed ee ay ku sugaan yihiin dhalinyarada wadanku, oo intooda badan ay daashatay shaqo la’

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Faadumo Siicid Ibraahin waa Hooyo samafalad ah oo intaa badan ku mashquul-san sidii ay wax badan uga bedeli lahayd waayaha nololeed ee ay ku sugaan yihiin dhalinyarada wadanku, oo intooda badan ay daashatay shaqo la’aan baahsan

Hargeysa(xogreebnews.com-Faadumo Siicid Ibraahin waa Hooyo samafalad ah oo intaa badan ku mashquul-san sidii ay wax badan uga bedeli lahayd waayaha nololeed ee ay ku sugaan yihiin dhalinyarada wadanku, oo intooda badan ay daashatay shaqo la’aan baahsan oo soo food saartay. faadumo siciid Ibraahin qof dam-qaasho badan, waxanay intaa badan uu xusul duuban tahay sidii ay Somaliland uu noqon lahayd qaran jiraa, iyado Faadumowaqtigii ay joogtay ee ay madaxda ka ahayd Hay”ada UNDP ku dagaalan-tay mashaariic faro badan oo wax ku ool ah.

kuwaaso marki hore lagu waday Somaliya, balse ay hormuud ka noqotay in laga hir-geliyo Dalkeeda eeSomaliland. Fadumo waa sheekhsiyad intaa badan si weyn uga murugootaa marka ay dib uu soo xasuusato waayihii uu Dadka reer somaliland uu baday taliskii magacan-geega ahaa ee Maxamed Siyaad Barre. Hadaba Faadumo Siciid oo dhowaan uu wareysi gaar ah uu la yeeshay weriye cabdi casiis Bashiir Nur oo ka tirsan bahda mareegta xogreebnews.com- ayaa wareysigeedaas waxaa ay kaga hadashay arrimo door ah, oo ku saabsana xagga siyaasadda, nolosheeda gaarka ah iyo sababti ku kaliftay inay siyaasadda kusoo biirto.Waxana wareeysigaasi uu dhacay sidaan.

Su”aal faadumo maxaa kugu kalifay inaad iska casisho shaqaddi aad madaxda ka ahayd ee Hay”ada UNDP. J. waxa igu kalifay inaan shaqadaas farraha ka qaaddo waa dhawr sababood, ta koowaad waxaa weeyan ee aan ka shaqayn kari waayey mashruuc walba oo aan qabto waxa la isku khaldaa Somaliland Iyo Soomaaliya aniguna waan ku shaqeyn kari waayey qadiyadaas. Sa”uul Faadumo maxay tahay sababta ku kailiftay inaad siyaasadda kusoo biirto axdigan Kulmiye talada hayey.

J “ waxa hooyo igu kalifay inaan siyaasadda kusoo biirro wakhtigan way badan yihiin waxana ka mid ah, Horta xukuumadani aniga il gaar ah ayey igu eegtay markii ay talada qabatay-baa oo waatii jaamacaddi badda ee aan mashaaricdeedi oo dhan soo diyaariyeey oo aan is lahaa ummadda wax uu faa’iidee, dee waad ogeyndeen waxay sammeeyen dagaalkii ay igu qaadeen, waxa kale oo ay kusoo duuleen oo ay inqilaab ku xidheen iskuulkii mija case ee Boodhinka ahaa, oo aan caruurta sii muta-dawaacnimo ah ugu talo-galay inay wax ka bartaan, waxa kale oo ay igu sameeyey inay xidheen Xaruuntii aan aasaasay ee Darbi jiifka imikana ODH ayeey usoo dhigatay”.

Su: Xukuumadi hore ee Udub wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah adiga oo sameyaa laguma arag lakiin hada xukumadan waxaad ku tahay mucaarid xoogan maxaa kugu dhaliyeey inaad sidaas oo dhan mucaarid uu noqoto.

Ja: “dee horta xukuumaddi hore ee Udub odaygeygaa ka mid ahaa oo anigu maan baal caraari jirin, ee Gurigeyga iyo caruurtayda ayaan haystay, hadana wadagaa arkaayo aniga Dagaal ba”aan ayey igu haysaa dawladani, taasana siyaasada isoo gelisay markii aan ka shaqeyn kari waayey oo arrimihii bulshada aan waxba uga qaban kari waayey cadhadooda ayaa isoo gelisay aniga”.

Su: dhowaan iyo marar kaleba waxaa laga hor istaagay koobab aad uu dhigtay dhalinyarada dalku sii ay isuu dhex gallaan xukuumaduna way iska kaa hor taagtay maxaa sababay ayaad uu malleynaysaa ee ay kugu diidey.

Ja: “horta anigu koobab badan ayaan dhalinyarada uu qabtay badan kooduna way qabsoomeen, lakiin wasiirka ciyaaraha oo shaqadiisi gabay ayaa imika I bidhaan sanaaya oo markaan dhalinyaraddi uu waxba u qaban waayey aan uu qabtay ayuu siyaasad ka deyaaya waana ayaan darro”. La soco qaybta labaad Iyo wareysigan.W/Qcabdi casiis Bashiir Nuur.

Tel: -4144434

Email: info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured