Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Muxuu Ka Yidhi Qabsoomidda Doorashada iyo Dalabkii Muddo Kordhineed Ee Boqor Buur-madow?

0
Saturday February 07, 2015 - 16:38:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Muxuu Ka Yidhi Qabsoomidda Doorashada iyo Dalabkii Muddo Kordhineed Ee Boqor Buur-madow?

    Hargeysa(Xogreebnews) Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sharaxay sababaha keeni kara dib u dhac doorashada Madaxtinimada iyo wakiilada Somaliland ku timaada. Waxa uu sidoo kale meesha ka saaray warar ku sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sharaxay sababaha keeni kara dib u dhac doorashada Madaxtinimada iyo wakiilada Somaliland ku timaada. Waxa uu sidoo kale meesha ka saaray warar ku saabsan in Madaxdhaqameedka dalka Xukumaddu iskugu yeedhay si looga arrinsado muddo kordhin Xukumadda loo sameeyo.

“Warkaasi(In Madaxdhaqameedka lagala tashaday Muddo Kordhin) war sugan maaha, oo cidna nooma sheegin cidna nooma yeedhin laakiin, haddii naloo yeedho oo naloo sheegowaanu ka jwaabi markaas. Waxaa muddo kordhin la samayn karaa marka uu dalku galo xaalad ,haddii ay fal dambiyeedyo culusi dalka ka jiraanna waa la kordhin karaa,haddii dhaqaalaha doorashadu xagga dawladda ka socon waayana waa la kordhin karaa, taasna waakii Wasiirka Maaliyaddu sheegay inay diyaariyeen dhaqaalihii doorashada” ayuu yidhi Suldaan Maxamed

Sidoo kale waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ka jawaabay hadal doraad ka soo yeedhay Boqor Buur-madow oo uu ku sheegay in Beesha Madaxweynaha ee uu madaxdhaqameedka u yahay doonayaan in wakhtiga madaxweynaha laba sanno loogu daro maadaama madaxdii ka horaysay wakhtiga loo wada kordhiyay “Hadalka Boqor Buur-madw waxaan leeyahay dawna wuu u leeyahay,haddii uu leeyahay madaweyneyaashii horeba waa loo kordhin jiray dee isagana qoladaasi hore wxiii loo sameeyay ayuunbaa loo samayn karayaa,inuu Boqorku taas ku xisaabtamaa xaq ayuu u leeyahay” ayuu yidhi Suldaanka Oo Wargeyska Saxansaxo u waramay.

Suldaan Maxamed oo la waydiiyay aragtidiisa in dalka doorasho ka dhacdo wakhtigii loogu talo galay ee badhtamaha sanadkan waxa uu sheegay in sida laga hayo affka Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Maaliyaddu ay tahay in doorashadu wakhtigeedii ku dhacayso.waxa uu sidoo kale sheegay in aqlabiyadda Kulmiye qabto in doorashada Wakhtigeeda lagu qabto.

Xogreebnews.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured