Halista Somaliland Kaga Soo Foolleh Qaramada Midoobay, Moogganaanta Xukumadda iyo Mucaaradka + Banki Moon Oo Gobolka Buuhoodle U Adeegsaday Cayn

0
Saturday February 07, 2015 - 16:29:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halista Somaliland Kaga Soo Foolleh Qaramada Midoobay, Moogganaanta Xukumadda iyo Mucaaradka + Banki Moon Oo Gobolka Buuhoodle U Adeegsaday Cayn

    Hargeysa(Xogreebnews) Waxa soo if baxaya qorsheyaal ay Qaramada Midoobay u dejisay dalkii hore la isugu odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland ku jirto, kuwaas oo badankoodu bilaabmaya bilaha ugu horeeya ee sannadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Waxa soo if baxaya qorsheyaal ay Qaramada Midoobay u dejisay dalkii hore la isugu odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland ku jirto, kuwaas oo badankoodu bilaabmaya bilaha ugu horeeya ee sannadkan.

Hargeysa(Xogreebnews) Waxa soo if baxaya qorsheyaal ay Qaramada Midoobay u dejisay dalkii hore la isugu odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland ku jirto, kuwaas oo badankoodu bilaabmaya bilaha ugu horeeya ee sannadkan.

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Nicholas Kay ayaa warbixin Arbacadii 4tii February u jeediyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay. Inkastoo aanu Ambassador Nicholas Kay warbixintiisa oo lagu daabacay bogga wararka ee Qaramada Midoobay meelna kaga xusin Somaliland haddana qorsheyaasha uu jeediyey qaarkood waxay u muuqdaan kuwo halis ku keeni kara qaddiyadda Somaliland mustaqbalka haddii aan halkooda lagu moosin. “Sannadkani (2015) waa kii go’aamin lahaa in Soomaaliya ay noqonayso waddan mideysan, nabad ah, federaalna ah iyo sifihii lagu gaadhi lahaa” ayuu yidhi Kay sida ka muuqata warbixintiisa ku jirta barta Internetka ee Qaramada Midoobay.

Wakiilku wuxu warbixintiisa ku xusay in sannadkan la xoojinayo maamul-goboleedyadii ku-meel-gaadhka ahaa isla markaana la samayn doono kuwo hor leh kuwaas oo aanu gaar u sheegin. “Sannadkan waxa la gaadhi doonaa go’aano qeexaya sida ay maamul-goboleedyadu khayraadka u qaybsan doonaan mustaqbalka, waxa la samayn doonaa Guddidii Doorashooyinka iyo Guddidii Calaamadaynta Xuduudaha iyo Federaalaynta” ayuu raaciyey wakiilku oo ay dad badani ku tilmaamaan boqorka qarsoon ee jaan-gooya talada iyo maamulka Somaliya.

Arrimahan u muuqda dabinada Somaliland loo maleegayo ayaa waxa ka mid ah maamulo samaynta Somaliya iyo weliba waxa ay Qaramada Midoobay ugu yeedho aftida distoorka ee Somaliya laga qaadayo sannadka dambe. Danjire Nicholas Kay ayaa warbixitii uu toddobaadkan u jeediyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay wuxuu cadeeyay in la dhammaystiri doono maamulo loo samaynayo dalkii la isku odhan jiray Somaliya, isagoon magacaabin maamuladaas, waxaana laga yaabaa inay maamuladaas ku soo daraan gobalo Somaliland ka tirsan. Waxa la isweydiin karaa maamulada cusub ee uu sheegayo ma ku soo dari doonaa maleeshiyaadka Khaatumo?

Waxa kale oo uu ergaygani sheegay in la samaynayo guddiga calaamadinta xuduudaha maamul goboleedyada la dhisayo. Haddiiba guddigaas la sameeyo khariidad noocee ah ayay u calaamadinayaan Puntland oo sheegata gobalo ka tirsan Somaliland? Go’aan noocee ah ayay ka qaadan doonaan gobalada Sool iyo Sanaag oo sharciyan Somaliland ah balse uu maamulka Puntland hayb qabiil ku sheegto.?

Geesta kale xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa warbixintii u dambaysay ee uu Golaha ammaanka ka siiyay xaaladaha Somaliland iyo Somaliya, wuxuu markii u horaysay Gobalka Buuhoodle ee Somaliland ugu yeedhay gobalka Cayn oo ah magac ay Puntland gobalkaas u isticmaasho. Hadalka Ban ayaa u muuqda mid dhexdhexaadnimada ka fog oo ay siyaasadi weheliso. Geesta kale waxaan iyana la dhayalsan Karin hadalkiisa oo uu ku daray in gobalada galbeed ee Somaliland nabdoonyihiin balse ay gobalada bari dagaalo goos-goos ahi ka dhacaan, taas oo aanay waxba ka jirin.

Qodobadan oo dhan ayaa u muuqda dabino ay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska danjire Nicholas Kay ee UNSOM uu u maleegayo qaddiyadda Somaliland, waxase war-warkeeda leh sida aanay xukuumadda Somaliland, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo shacbiguba xog badan uga hayn dabinada loo qoolayo qadiyadooda.

Xukuumadda Somaliland ayaa inta badan hadalada ka dhanka ah Somaliland ee ka soo yeedha qadiyada Somaliland kaga jawaabta hadal ay warbaahinta u mariso oo uu nuxurkiisu yahay inaanu hadalkaasi khusayn Somaliland islamarkaana ay kala duwanyihiin Somaliland iyo Somaliya. Hase yeeshe waxa xukuumadda looga baahanyahay ficilo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed inay kaga jawaabto dhawaaqyadaas. Haddiise ay jawaabtoodu ku koobnaato hadal keliya waxa ay cid kasta oo Somalialnd dagaal ku haysaa si qarsoodi ah u sii wadi doontaa qorsheyaasheeda.

Gunaanadkii, xukuumad iyo shacbi ahaanba Somaliland waxa la gudboon in ay ku baraarugsanaato wax kasta oo qaddiyadeeda saamayn ku yeelan kara islamarkaana arrimahan halkooda lagu mooso oo laga hortago.

Xogreebnews.com

Hargeysa-Somaliland

Source-Geeska




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured