Muwaadin ku Xidhan Xabsiga Hargeysa oo lagu Khasbay in Lagu Warreejiyo Dawladda DenmarkCumar Xasan oo laga Mamnuucay booqashadda Qarreenkiisii Iyo Eheladdiisu

0
Friday February 06, 2015 - 18:13:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin ku Xidhan Xabsiga Hargeysa oo lagu Khasbay in Lagu Warreejiyo Dawladda DenmarkCumar Xasan oo laga Mamnuucay booqashadda Qarreenkiisii Iyo Eheladdiisu

    Hargeysa(xogreebnews.com-Wasaarrada Caddaalada Somaliland, ayaa la sheegay inay caddaadis dheeraad ah saartay Muwaadin u dhashay Somaliland oo xabsiga Hargeysa ugu xidhan Dawladda Denmark oo uu sharci degenaanshiyo ah ka haysto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasaarrada Caddaalada Somaliland, ayaa la sheegay inay caddaadis dheeraad ah saartay Muwaadin u dhashay Somaliland oo xabsiga Hargeysa ugu xidhan Dawladda Denmark oo uu sharci degenaanshiyo ah ka haysto. Hargeysa(xogreebnews.com-Wasaarrada Caddaalada Somaliland, ayaa la sheegay inay caddaadis dheeraad ah saartay Muwaadin u dhashay Somaliland oo xabsiga Hargeysa ugu xidhan Dawladda Denmark oo uu sharci degenaanshiyo ah ka haysto.

Cumar Xasan Sheikh Cumar Sheikh Muuse oo ah 31 jir muddo lix bilooda ugu xidhan xabsiga Magaaalada Hargeysa fal-dambiyeed aanay jirin Maxkamadda si rasmiya uga gar-naqday, balse sida la sheegay inay ku dooddayso Dawllada Denmark uu dalkeeda ka geystay intaanu iman Dalkiisa, ayaa shalay loo diiday inay booqdaan xubno Madax-dhaqameedka Gobolka Maroodi-jeex ka mid ah iyo Odayaal ka socda Deegaanka uu ka dhashay, kuwaasoo isku dayey inay xaaladiisa gaarka ah u kuur-galaan, isla markaana si caadiya ugula kulmaan xabsiga.


Xubnaha Madaxdhaqameedka ah ee loo diiday inay booqdaan Wiilkan Dawladda Denmark u xidhan oo ay ka mid yihiin , Suldaan Ibraahim Sulub, Suld. Jaamac Cismaan, Suld. Xuseen Diiriye, Cheif Caqil iyo Siddeed Oday oo kale, ayaa qaar ka mid ah oo Wargeyska Yool u waramay, waxay daboolka ka qaadeen in gabi ahaanba laga mamnuucay booqashada Muwaadinkaas, la-iskana hor-taagay, iyagoo soo maray dhamaan shuruudihii ku xidhnaa inay wiilka la kulmaan ee hay’addaha Garsoorka iyo Taliska Ciidanka Asluubta.

Odayaasha ayaa sheegay in Saraakiisha Illaalada Xabsigu ka diiddeen Waraaqo fasax ah oo ay ka soo qaateen Taliska Ciidanka Asluubta iyo Maxkamadda Gobolka, kuna war-geliyeen inaan Wasiirka Cadaallada mooyee cid kale oo la kulmi kartaa jirin Wiilkaas, oo ay geesta kale Odayaasha iyo Qareenka Maxkamadda Hargeysa uga doodayaan si wada jir ah u sheegeen inay xaaladiisa caafimaad ay cidhiidhi gashay, kaddib markii dhawaan laga saxeexay Waraaq uu ku ogolaanayo in loo qaado dalkiisa labaad ee Denmark si kiiskiisa halkaa loogu qaado.

Oday Maxamed Ismaaciil oo ka mid ahaa xubnaha Dhaqanka iyo wax-garadka isugu jira ee isku dayay inay Wiilkan booqdaan, ayaa Wargeyska Yool u sheegay “way noo diideen Saraakiisha Xabsigu inaanu la kulano, waxaana naloo sheegay inay Wasiirka Cadaallada iyo Ninka Gaalka ah ee Hay’adda ka socdaa oo qudhi la kulmi karaan Wiilkaas, balse cid kale oo loo ogolyahay jirin, waanay nagu diideen waraaqihii Maxkamaddu noo soo qortay iyo kuwii Taliyaha Asluubta aanu ka soo saxeexnay” ayuu yidhi.

Oday Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah Eheladda Wiilkaas, wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday “Wasiirka Arrimaha dibadu hore wuxuu u caddeeyey inaan meel loo qaadayaa jirin ee hadii dambi lagu haysto dalkiisa lagu maxkamaddeynayo, laakiinse iminka waxaanu ogaanay in Maalin dhaweyd laga saxeexay Warqad uu ku ogolaanayo in dalka Denmark loo qaado. Oo waxay ku yidhaahdeen hadii halkan lagugu maxkamaddeeyo waxaa lagugu xukumayaa Xabsi daayin, dalkaagii kale’se hadii dacwadaada lagu dhegeysto afar sanno oo qudha ayaa lagu xidhayaa, markaa wuu khal-khalay dabadeedna wuxuu saxeexay in dibada loo qaado sida aanu warka ku helnay maalmihii dambeeyay”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Madaxdhaqameedyada iyo Odayaasha, ayaa dhinaca kale walaac ka muujiyey gabi ahaanba qaabka loola dhaqmay Muwaadinkan, kuna tilmaamay xad-gudub intiisa le’eg oo aannu muteysan, waji-gabax iyo ceeb-na ku ah Shuruucda iyo milgaha dawladdnimo ee dalka ka dhisan.

“Annagu mar walba waxaanu doonaynaa in hadii dambilagu haysto dalkiisa lagu xukumo , hadii aan dambi lagu hayaa jirinna xoriyadiisa loo soo celiyo”ayuu u sheegay Wargeyska Yool Maxamed Ismaaciil.

Dhanka kale, Qarreen Xasan Cali Banfas oo ah Qarreenka Maxkamadda Gobolka Hargeysa uga dooddaya Muwaadinkan labada dhalasho haysta oo isna dhankiisa Wargeyska Yool la hadlay, ayaa sheegay.. “..Ninkaa waxa muuqata in cadaadis dheeraad ah maalmahan dambe la saaray, waana loo diiday eheladiisii iyo Salaadiinta. Taasina waxay gef ku tahay xuquuqiyaadkii aasaasiga ahaa ee uu Maxbuus ahaan sharcigu u banneeyey, waanu iska xidhanyahay” ayuu yidhi.

Qarreen Banfas, ayaa sidoo kale caddeeyey in Wiilka xidhan todobaadkan dhamaaday toojar lagaga saxeexay in dalkiisii labaad loo qaado, inkasta oo uu xusay inaanu isagu arag Warqada laga saxeexay. “ma jiro sharci ogolaanaya in Muwaadinkan loo gacan-geliyo dal shisheeye ah, xataa hadii uu dambi ka soo galay, hadii aanu jirin heshiis u dhexeeya labada dawladdood oo dhigaya in dadka dambiileyaasha ah laysu celiyaa, kaasina ma jiro ilaa hada intaynu ognahay” ayuu tacliiq sharci kaga bixiyey Qareen Banfas arrintaas

Qarreenka Maxkamadda Hargeysa uga dooddaya Cumar Xasan, ayaa docda kale, ku tilmaamay tacadi aan loo meel-dayin xabsi ku haynta Maxbuuskan oo uu carrab-baabay in lix bilood muddo ka badan noloshiisa Jeel noqotay, halkaasoo wakhtiga uu ku xidhanyahay marba Maxkamaddu rumaanka u kordhiso.

Waxaanu yidhi “Waa xad-gudub qof dambi aanu dalka ku gelin oo aan caddeymo loo haynin inuu meel kale dambi ka galay sidan loo ciqaabo oo jeel layskaga hayo, oo marba rumaan laysaga jaro”.ayuu yidhi.

Saraakiisha Ciidanka Asluubta oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga waydiino sababta booqashada looga xayiray Maxbuuskan xaalada qalafsan lagaga soo wariyey Jeelka, ayey noo suurtoobi wayday, kaddib markii Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka oo aanu ka wacnay Telefoonaddooda gacantu ay ka jawaabi waayeen.

Cumar Xasan Sheekh Muuse oo 26/06/2014 xabsiga loo taxaabay isagoo ku sugan Magaallo-madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay ee 2014, labada dawladdood ee uu dhalashooyinka ka haystaa isku-dayeen inay la kala-wareegan, kaddib markii uu booqasho ku yimi dalka Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Denmark, kaasoo la sheegay inuu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday in dalkiisa loo soo gacan-geliyo wiilkaas.

Isku-daygaas ayaa fashilmay kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Warbaahinta ka sheegay inaanu gacanta Waddankiisa dhaafi doonin Cumar, laguna maxkamaddeyn doono halkan, iyadoo halkaa warkiisu taagnaa, ayaa wararka iminka soo baxayaa waxay tibaaxayaan in Wasiirka Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid iyo xubno kale oo dawladda ka tirsani si gaar ah uga dhirin-dhirinayaan dhankiisa inay ka timaado u wareejinta Waddanka Denmark, taasoo warar ka soo baxaya ilo u dhuun daloolla Kiiska Ninkaasi tilmaamayaan inay xubnaha danaynaya u qaadista Denmark cid kale soo dhex martay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured