Dowlada Itoobiya oo Si Toos ah u Taageertay Maamulka Awdal State(Warbixin Xasaasi Ah)

0
Friday February 06, 2015 - 00:53:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Itoobiya oo Si Toos ah u Taageertay Maamulka Awdal State(Warbixin Xasaasi Ah)

    Borama(xogreebnews.com-Dawlada Itoobiya ayaa kor u qaaday gacanta ay siinayso kooxda kacdoonka ka wada Gobolka Awdal ee uu hogaaminayo Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar. Warar Xog Ogaala oo soo gaadhaya Warbaahinta xogreebnews.com- ayaa sheegaya in Dawla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Borama(xogreebnews.com-Dawlada Itoobiya ayaa kor u qaaday gacanta ay siinayso kooxda kacdoonka ka wada Gobolka Awdal ee uu hogaaminayo Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar. Warar Xog Ogaala oo soo gaadhaya Warbaahinta xogreebnews.com- ayaa sheegaya in Dawlada
Borama(xogreebnews.com-Dawlada Itoobiya ayaa kor u qaaday gacanta ay siinayso kooxda kacdoonka ka wada Gobolka Awdal ee uu hogaaminayo Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar. Warar Xog Ogaala oo soo gaadhaya Warbaahinta xogreebnews.com- ayaa sheegaya in Dawlada Itoobiya saldhigyo rasmiya ka siisay meel wax yar u jirta xuduuda gobolka Awdal oo u dhaw Magaalada Gogti ee duleedka Quljeed.
Dawlada Itoobiya oo Beesha Dhexe ka diiday soo caydhinta kooxdaasi Xoraynta Gobolada Galbeedka la baxay,ayaana la ogayn ujeedada Dawlada Itoobiya ka leedahay siyaasadaasi cusub ee dhabarka ay ugu jeedisay Beesha dhexe ee ismahdisay.Ilo xog ogaala oo ku sugan gudaha Itoobiya ayaa Warbaahinta uga waramay in uu jiro xidhiidh aan la dhayalsan karin oo u dhexeeya kooxda Suldan Wabar isla markaana mudo dheer salka loo dhigayay intii uu Suldan Wabar ku dhawaaqinba diidmada Beesha Dhexe ee hogaaminayo Axmed Siilaanayo.
Siyaasiyiin Warbaahinta kala duwan la hadlay ayaa iyaguna ku macneeyay siyaasadani cusub ee Itoobiya mid Maamulka Siilaanayo meel cidla ah ay uga dhaqaaqday isla markaana Maamulkaas lagu khasbay siyaasad dhinac faaid ah oo dhinaca kale waxba ka macaashaynin. Taasi oo lagu macneeyay sida Maamulka Beesha Dhexe ugu heelan tahay in Itoobiya ku qanciso in ay marwalba tahay maamul daacad u ah isla markaana cadowgeeda mar walba soo gacangalinayaan.
Balse Itoobiya ayaa diiday in Markani ay Suldan Wabar usoo gacan galiso. Dhibaatadani siyaasadeed ee Maamulka Somaliland soo wajahay ayaa waxaa lagu macnaynayn karaa hadal kasoo yeedhay siyaasi caan ah oo u dhashay dalka Itoobiya oo New-york times waraysi uu siiyay ku sheegay in Itoobiya ahaan doonin dal bilaa bad ah 20ka sano ee soosocda isla markaana ku qasban tahay in ay ku butaacdo Somalida Ama Eratria,siyaasada cusub ee Itoobiyana marwalba ku xidhan tahay kolab meeshii bad loogu sheego.
Suaashu waxaa weeyi maxaa ka dhexeeya kooxda Kacdoonka ka wada Awdal Iyo Itoobiya oo ay ku heshiiyeen oo Itoobiya ku doorsatay xidhiidhkii amni ee Maamulka Somaliland la wadaagaysay 24kii sano ee ugu dambeeyay, Siyaasiyiinta qaar ayaa ayaa sheegaya in bilaha inagu soo aadan la maqli doono war intani kasii cad lana fahmi doono siayasada rasmiga ah ee Itoobiya ka leedahay Maamulka Beesha Dhexe ee hoogaminayo Axmed Siilaanayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured