Fadlan Facebook-gaaga Ilaasho? Faallo C/Casiis Bashiir nuur.

0
Thursday February 05, 2015 - 23:59:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadlan Facebook-gaaga Ilaasho? Faallo C/Casiis Bashiir nuur.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Xafiltanka siyaasadeed ee Somaliland ayaa muddooyinkii uu danbeeyey yeeshay waji cusub kaaso sababay in la isku weeraro Hub aan hore lo isticmaali jirin isla markaasna lid ku ah hab-dhaqanka siyaasadda ee Somaliland. Taas oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Xafiltanka siyaasadeed ee Somaliland ayaa muddooyinkii uu danbeeyey yeeshay waji cusub kaaso sababay in la isku weeraro Hub aan hore lo isticmaali jirin isla markaasna lid ku ah hab-dhaqanka siyaasadda ee Somaliland. Taas oo labatan iyo saddex sanno oo ay jirtay aan

Xafiltanka siyaasadeed ee Somaliland ayaa muddooyinkii uu danbeeyey yeeshay waji cusub kaaso sababay in la isku weeraro Hub aan hore lo isticmaali jirin isla markaasna lid ku ah hab-dhaqanka siyaasadda ee Somaliland. Taas oo labatan iyo saddex sanno oo ay jirtay aan hore loo soo isticmaalin dagaalkan noocan ah, kaaso sii qaawan faro gelinta lagu sammaynayo sheekhsiyaad magac ku dhex-leh bulshada sii loogu bah-dilo sumcada uu leeyahay qofkaasi iyado la jab-sado accounada uu ku leeyahay baraha ay bulshadu ku kulanto ee la yidhaahdo Facebook oo wakhtiyadan danbe sii weyn looga isticmaalo dalka.

Si guud, marka looga hadlayo ficilada siyaasadeed ee kuso kordhay dalka, waxa ay isagu jiraan kuwo lagu bartilmaameed-sanayo sheikhsiyad gaar ahaanneed iyo musaaliixda caamka ah, ee ash-khaasta lagu tiriyo fooraadka siyaasadda, waxa kale oo ka mid ah isu-adeeg-siga bulshada caadiga ah, taaso wakhti soo jirta dhaqaan ahaan muddo sannaado ah bulshada dhex-deedana looga yaqaan waji ku macaash.

Isticmaalka weeraradan siyaasadeed ee noocan ah waxa hal-abuurnimada ka muuqata waxa lo tiriyaa inay kaaso fusho siyaasiyiinta muxaafidka ah, waxa kale oo aan ka madhneyn ama gacantoodaba ku fuliya xubno ka mid ah siyaasiyinta xilalka haya Xukuumadda talada haysa, kuwaaso mararka qaarna uu adeeg-sada gacan yaraayaal ay sameysteen, kuwaaso duuli-maad ku qaada sumcada qofka kuwaanka Gawraca uu saarran Muxaafidka si ay ugu bah-dilaan sharafta uu leeyahay siyaasigaasi.

Hadaba dhacdaasi xanuun-keeddu waxaa todobaadkii ina dhaafay ka qaylisay Faadumo Siciid Ibraahin oo ka mid ah Haweenka siyaasadda saameynta Ku leh, waxanay bulshada isoo bandhigtay in la qabsaday oo la isticmaalo bar kullankii mareegga ee ay bulshada dhex-deeda ku lahayd ee Facebook. Waxanay sheegtay in labsaday Facebook-geedi iyaado la isticmaalo laguna faafiyo waxyaabo ka baxsan Diinteenna Islaamka Iyo dhaqankeenaba, waxa kale oo jirta in lagu faafiyeey wax yaabbo isku dir ah oo laga dhex-samaynayo labada Xisbi Mucaarid Ucid Iyo Wadaani lana doonaayo inuu iyaga dagaal siyaasadeed ka dhex-bilowdo asxaabta Mucaaridka ah. intaas un kumma eg-ka dadka la jabsado accounada Facebook-ga, balse way badan yihiin, ee waanay ka hadal, waxana jiraa kooxo la sheegay in mushar lagu siiyo arrimahan oo kale, kuwaaso la isticmaala siyaasiyiinta mareegaha Bulshaddu ku kulanto ee lo yaqaan Facebook-ga.

In kasta oo aalladaha casriga ahii wax badan sah-leen hadana waxa ku lammaan khataaro faro badan, waxana suuro gal ah in loo dhaco ama la jabsado macluumaad sir ah oo kugu jiray Emeil-kaga ama Computer-kaba. Iyado looga dan leeyahay in lagu wiiqo ama waxyeello loga dhiggo cida la bartilmaameed sanaayo. Wana wax intaa badan ay sammeeyan dhalinyaro ku takhaakhustay aalladaha kala duwan ee isgaadhsiinta.

Waxa kale, oo muddooyinkan danbe jiray dhaqan kale oo ku cusub Haykal-ka siyaasadeed ee soo jireenka ah ee ka hana qaaday Somaliland, waxana si weyn bulshada uga dhib sheegtaan kooxo Odayaal ah oo af-duubta Magaca Beelaha Somaliland. kuwaaso ah madax dhaqameed looga baahna inay ka shaqeeyan arrimaha dhaqan iyo Nabada inay hada ku dhex-mil-meen oo ay qaada-tay dabaysha Siyaasaddu, kuwaaso had-ba dhinac aad ku arkayso iyago la safan kuna taageera Dulmi xaqdarro mid aan uu eegin taageeradooda, Balse ay Shacabku uu yaqaanaan waji ku macaash. Taasi waxa ay dhaawac Culus uu geystay sumcaddi lagu yaqiinay oday dhaqameedka.

Qalinkii

Cabdi casiis Bashiir Nuur

info@xogreebnews.com

Tel: 414443

Hargeysa/somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured