MOOGANAANTA XUKUUMADDA SIILAANYO IYO NUXURKA AY XAMBAARSAN TAHAY DARAASAD QARSOODI AH OO LA ISKUGU SOO DHAWAYNAYO SOMALILAND IYO SOMALIA

0
Thursday February 05, 2015 - 19:46:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MOOGANAANTA XUKUUMADDA SIILAANYO IYO NUXURKA AY XAMBAARSAN TAHAY DARAASAD QARSOODI AH OO LA ISKUGU SOO DHAWAYNAYO SOMALILAND IYO SOMALIA

    Hargeysa,(xogreebnews.com— Hay’adda Conflict Dynamics International, oo fadhigeedu yahay Cambridge ayaa daraasad hor dhac ah oo uu sanadkii dhamaaday soo bandhigay wuxuu ku shaaciyay qorsheyaal la iskugu soo dhawayn karo Somaliland iyo So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa,(xogreebnews.com— Hay’adda Conflict Dynamics International, oo fadhigeedu yahay Cambridge ayaa daraasad hor dhac ah oo uu sanadkii dhamaaday soo bandhigay wuxuu ku shaaciyay qorsheyaal la iskugu soo dhawayn karo Somaliland iyo Somalia.Daraasaddan
Hargeysa,(xogreebnews.com— Hay’adda Conflict Dynamics International, oo fadhigeedu yahay Cambridge ayaa daraasad hor dhac ah oo uu sanadkii dhamaaday soo bandhigay wuxuu ku shaaciyay qorsheyaal la iskugu soo dhawayn karo Somaliland iyo Somalia.Daraasaddan ayaan la ogayn in Somaliland qayb ka tahay balse waxaa laga dheehanayaa inay ku jirto maadaama daraasaddu ku salaysan tahay talooyin iyo ikhtiyaaro la iskugu soo dhawaynayo Somaliland iyo somalia, waxaana sidoo kale lagu xusay wada hadalada socda.Daraasaddan ayaa xoogga saaraysa sidii talo ku haboon oo la iskugu keeno Somalia gudaheeda iyo Waliba Somaliland iyo Somalia looga bixin lahaa 6 Qodob oo kala ah Qaabka ugu haboon ee Qaab dhismeedka Siyaasadeed iyo Maalmul daadejinta,Hanaanka doorashada,Dheelitirka Waaxda Fulinta, Waaxda Sharci dejinta,Ka qayb qaadashada dadweynaha iyo isku habaynta dhaqanka iyo Caadada.Daraasaddan ayaa sidoo kale lagu sheegay in la iskugu soo dhaweynayo Fikraddaha iyo danaha kala duwan ee Shakhsiyaadka,bulshooyinka,iyo Kooxaha Soomaalida ah.Daraasadda waxaa loogu mahadceliyay Soomaali badan oo ku biiriyay Caqliyadda iyo fikraddaha ay hayaan,kuwaasi oo darafyo ka ah qorshaha ay soo bandhigayso Daraasaddani.
Haddaba wargeyska Himilo ee fadhigiisu Hargaysa yahay ayaa xidhiidh la sameeyay agaasimaha machadkan Conflict Dynamics, Mr Paul Simkin, oo la waydiiyay ujeedada daraasaddan iyo inay qayb ka yihiin Masuuliyiinta Somaliland, waxaanu sheegay inaanay awood u lahayn inay bulshada u bandhigaan waxyaabaha ay Masuuliyiinta labada dhinac la wadaagayaan maadaama arrintani tahay mid qarsoon “Taageerada Hay’adda Conflict dynamics ee hawshan waxaanu u samaynaa qaab qarsoodi ah,suurto galna maaha inaanu idin la wadaagno fikraddaha dhinacyada aanu la shaqayno” ayuu yidhi Mr Paul.Agaasimaha hay’addani waxa uu sheegay in masuuliyadda ka warbixinta ay yeelan karaan hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Somalia “Haddii hogaamiyeyaasha Somaliland ama Somalia jecelyihiin inay idinla wadaagaan fikradahooda waxaan kugula talin lahaa inaad toos ula xidhiidho iyaga,xal waara waxa uu ka iman karaa keliya shacabka iyo hogaamiyayaasha somaliland iyo somalia” ayuu yidhi Mr Paul.Hay’addan ayaa laga dheehanayaa daraasaddeeda inay soo jeedinayso in hanaanka federaalka Somalia keenay guulo ku wajahan amaanka iyo ka bixida dawlad ku meel gaadh ah,sidaas darteeda ay haboon tahay in la sameeyo hanaan maamul daadajineed oo hanaanka federalka ku salaysan, in qaabka doorashada laga dhigo mid yeelan kara Koodo meelaha qaar si awooda loo qaybsido, in hanaanka go’aan qaadashada ee fulinta ay ka jirto isku dheelitiri dhinacyada ah iyo arrimo kale oo dhamaantood ku saabsan awood qaybsiga Somalia lagu midayn karo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured