Meel Aarka Kacay Atoor Fadh-fadhisay, Ayuu Ka Dhigan-yahay Huseen Kurdi.

0
Wednesday February 04, 2015 - 16:59:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meel Aarka Kacay Atoor Fadh-fadhisay, Ayuu Ka Dhigan-yahay Huseen Kurdi.

    Qaabkeebu ku yimmi xoghayaha Solja Huseen Kurdish. Inqilaab dhiig ku daatay oo lagu sad-qeeyey hoggaankii urur suxufiiyiinta Somaliland ee Solja. Kaaso 25-kii Decenber ka dhacay magaalada Hargeysa, ayaa madal ay ka maqnaayeen dhammaan-baa suxufiyiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabkeebu ku yimmi xoghayaha Solja Huseen Kurdish. Inqilaab dhiig ku daatay oo lagu sad-qeeyey hoggaankii urur suxufiiyiinta Somaliland ee Solja. Kaaso 25-kii Decenber ka dhacay magaalada Hargeysa, ayaa madal ay ka maqnaayeen dhammaan-baa suxufiyiinta aan la dhabar taaban,

Xog-hayaha urur suxufiinta Somaliland ee dhowaan lagu keenay sad-qayntii solja. Mid Ayaa isku hayaa laba xil oo aan is qabaney kuwaaso oo ay waajib tahay inuu mid isaagu biyo shubto. Huseen kurdi ayaa ah Gudoomiyaha wakaalada warar ee solna, ahna xoghayaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja. Sidaasi daraadeed xuseen waa shaqaale dawladeed, mana meteli karro suxufiyiinta madaxa-banaan

Qaabkeebu ku yimmi xoghayaha Solja Huseen Kurdish.

Inqilaab dhiig ku daatay oo lagu sad-qeeyey hoggaankii urur suxufiiyiinta Somaliland ee Solja. Kaaso 25-kii Decenber ka dhacay magaalada Hargeysa, ayaa madal ay ka maqnaayeen dhammaan-baa suxufiyiinta aan la dhabar taaban, ayaa lagu sheegay in lagu doortay hoggaan kala duwan kaaso dhamaantood ay ahaayeen, xubno ay ku adeeggato Madaxtooyadu waxana ay kala yihiin. Boodh ay tiradoodu dhammayn 16 iyo sadeex xubno oo ah hogganka ururka oo uu kala dhignaa, gudoomiye iyo ku xigeenkiisa xoghaye Guud.

Hadaba isla maalintaas waxa shil gaadhi ku geeriyooday xoghayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashid Muxumed Faarax, halka dhaawac soo gaadhay Gudoomiye ku xigeenki iyo ururkaas iyo weriye kale oo safar ku wehelinaayey, kuwaaso shil gaadhi ku galay dulleedka magaalada Berbera. Kuwaaso ka cadhooday inqilaab awood sheegaasho ah, oo ay xukuumaddu ku qaaday Ururkaas.

Waxana Geeridaas ka faaā€¯iidey wiilka maanta isku hayaa labada xil ee aan is qaban.

Waxana ay kala yihiin labadaas xil inuu Xuseen Kurdi yahay Gudoomiyaha wakaaladda warar ee Solna iyo xoghayaha ururka suxufiyiinta somaliland. Kuwaso mar la eeggo aanay ahayn kuwo is qabtaa. Isla markaasna lo baahnaa inuu ninka xoghayaha noqonaya uu ahaaddo qof kaaso jeedda saxaafadda madaxa-banaan. Balse aanay macquul ahayn inuu noqdo nin ka mid ah masuuliyiinta dawlada.

Waxa kale oo wiilkan Kurdish lagu magacaabo ee xilka dhiiga ah dhaxlay uu la soo baxay inuu sidaa uu doono ugu taagsado shaqaale weynaha ka hawl galla wakaalada aanu aqoonta uu lahayn ee xilkeeda lagula ciiray, waxana taas ka daraan inuu marfeshyada uu cabdilaahi Ebole fadhiisto uu warar iyo mashaariicaha solja ugu geeyo wasiirka.

Dhan kale, Mr Kurdish ayaan taako ka gaadheyn masuulka ka horeeyey ee uu xilka ka dhaxlay sababta oo ah marxuum Maxamed Rashid waxaa uu ahaa nin aan dhaadhaamo raadin balse sharaf iyo sumcada ilaashada.

Qalinkii

Qaasim Faarax Cismaan

Qaasiim4422@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured